Nala shaqee

Side ayey MSF u shaqeysaa?

MSF waxa shaqaale dalalka u dhashey iyo kuwo caalami ah ay kala shaqeeyaan 65 dal oo ku yaalla dunidan. Dhakhaatiir oo keliya lama shaqeeyaan MSF. Kaalkaaliyeyaal caafimaad, umulisooyin, dad ku takhasusey cunsurrada sababa caafimaadka iyo xannuunada, sheybaarayayaal, khubarada adeegga/sahayda, dad ku takhasusey fayadhowrka, maamulayaal, maareeyayaal maaliyadeed, wadayaal baabuur iyo kuwo kale oo badan ayaa sidoo kale aasaasi u ah shaqada ururka. Dhammaan dadkan waxa ay la soo shir tageen karti xirfadeed, waayo-aragnimo la taaban karo iyo sidoo kale dadaal, iyo u heelanaan ay u heelan yihiin, dadka ay caawiyaan.
Akhri qaabka aan u shaqayno

Sidee ayaa ay MSF uga shaqeysaa Soomaaliya?

Shaqo-qorista shaqaalaha aan xirfadda lahayn ee Soomaaliya waxaa ka qaybqaata bulshada si ay shaqaalaha uga dhex muuqdaan dadka kala duwan ee goobta laga shaqeynayo. Shaqaalaha xirfadda leh waxaa shaqada la qoraa iyada oo la marayo nidaam imtixaanaad iyo wareysiyo isugu jira, iyada oo diiradda la saarayo in la qaato shaqaalaha ugu kartida badan si markaa loo bixiyo adeegga caafimaad ee ugu tayada sarreeya.
Akhri qaabka uga shaqayno Soomaaliya

Sidee ayaa aan ugu shaqeyn karaa MSF?

Xafiisyada MSF ee dalalka ku yaala ayaa mas’uul ka ah shaqo-qorista iyaga ayaana bixin kara macluumaad gaar ah oo la xiriira kaalimaha shaqo ee bannaan. Macluumaad dheeri ah haddii aad u baahan tahay, fadlan booqo shabakadda internetka ee dalka aad ku nooshahay ama kan u dhow.
Sii  akhri

Waa muhiim in aad ogaato

Waqtigan la joogo waxa gudaha Soomaaliya aan ka qoraneynaa keliya shaqaale caafimaad oo tababaran.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan  shaqaalaynta MSF

  • Vacancies