Mudug,Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya

outside Galcayo South Hospital, Somalia © MSF

  Koonfurta Gaalkacyo 

Cusbitaalka Koonfurta Gaalkacyo waxa ay ku bixisaa adeegyo bukaan-socod oo daaweyn iyo ka-hortag isugu jira; daryeelka hooyooyinka, oo ay uu ka mid yahay daryeelka degdegga ah ee uurreyda iyo umulaha; quudin ku daweyn; daaweynta qaaxada iyo qalliin. Qalliinkan ayaa ah kan keliya ee lacag la’aanta ah ee ay heli karaan dadka ku nool degaankaa waxaana jirta in bukaanno badan ay adeegyadaa ka soo doontaan meelo aad u fog sida Itoobiya si ay daryeelkaa u helaan.

Waqooyiga Gaalkacyo

Xarunta caafimaadka ee Waqooyiga Gaalkacyo, ayaa MSF ay ku bixisaa daaweynta qaaxada iyo quudin ku daweyn. Labada meeloodba waxaa si nidaamsan loola socdaa xaaladaha degdegga ah ee nafaqada iyo cudurrada faafa ee ka dillaaca gobolka.

Sanadkii 2009kii

Sanadkii 2009kii, 41,765 qof ayaa la-talin bukaan-socod iyo daaweyn lacag la’aan ah ku heley cusbitaalka Koonfurta Gaalkacyo. Shaqaalaha MSF waxa ay ka umuliyeen hooyooyin dhaley 990 carruur ah waxaana la sameeyey 360 qalliin.Labada goobood ayaa 763 qof oo qabey qaaxo loo bilaabey daaweyn waxaana la bixiyey 10,967 oo tallaal. Dhammaadkii sanadka tirada carruurta ee laga daweeyey nafaqo-xumo waxa ay gaartey halkii ugu sarreysey ee ay abid gaarto Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo. 2,281 carruur ah ayaa lagu daweeyey Cusbitaalka Koonfurta Gaalkacyo iyo Xarunta Quudinta ee Waqooyiga Gaalkacyo muddadii u dhaxaysay Oktoobar iyo Disembar oo keliya.

Wararkii ugu dambeeyay ee Mashaariicda MSF ee Gobolka Mudug