Mashruucyada MSF ee Bariga iyo koonfurta Soomaaliya

Daryeelka qalliin ee nolosha dad lagu badbaadinayo

Mashaariic Gaalkacyo, gobolka Mudug, iyo Mareerey, gobolka Jubbada Hoose uu ka fulinayo, ayaa uu ururku uu awood ugu yeeshey in uu ka bilaabo waxqabadyo qalliinka degdegaa ah isaga oo shaqaaleeyey saddex dhakhtar oo ka soo qalinjebiyey jaamacad caafimaad oo Muqdisho ku taalla dhammaadkii sanadkii 2008dii.Shantii bilood ee ugu dambeysey 2009kii, ayaa saddexdaan dhakhtar ay sameeyeen 13 qalliin oo ay haween kaga umuliyeen iyo 104 qalliinno waaweyn ah, 55 ka mid ahi ay ahaayeen dhaawacyo ka dhashey rabshad.

Wadar ahaan kooxaha qalliinka ee MSF ee Soomaaliya ku sugan waxa ay 2,987 qalliin waaweyn iyo qalliino yaryar ah ay sameeyeen sanadkii 2009kii.Isbitaalka Dayniile, oo caasimadda Muqdisho kadinkeeda ku yaalla, ayaa shaqaalaha MSF ay ku daweeyeen tiro dad rayid ah oo ku dhaawacmey dagaallo xooggan oo dhacay bishii Febraayo, iyaga oo Isbitaalka maalin keliya la soo gaarsiiyey 121 dhaawac ah.1137 qof ayaa Isbitaalka loo dhigey dhaawacyo ka soo gaarey qaraxyo; iyada oo 537 ka mid ahi ay ahaayeen haween iyo carruur ka yar 14 sano jir.Isbitaalka MSF ee ku yaalla magaalada Baladweyne ayaa la soo gaarsiiyey 178 bukaan oo dagaal ku dhaawacmey oo u baahan waxqabadyo qalliin ah sanadkii 2009kii.Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, ayaa in ka badan 230 bukaanno qaba dhaawacyo dagaallo ka soo gaarey lagu daweeyey sanadka gudihiisa ka dib markii ay dagaallo ka soo cusboonaadeen gobolka.

Wax ka qabashada baahiyaha degdegaa ah

Horraantii 2009kii, ayaa dagaallo ka soo cusboonaadey magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusarreeb ee bartamaha Soomaaliya ay dhaliyeen in kumanaan qof ay ku barokacaan degaanka.Sanadkaa dhexdiisa ayaa ay kooxaha MSF ay wax ka qabteen daacuun dillaacey, iyaga oo 869 ku daweeyey Jilib iyo Mareerey oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose iyo 80 bukaan oo ay ku daweeyeen Jowhar iyo Mahaddaay oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.Ka dib markii ay badatey tirada dadka ay ku dhacdey jadeecada ee la soo sheegey, ayaa MSF ay olole ballaaran oo tallaalka jadeecada ah ka bilowdey afar gobol oo ku yaalla Soomaaliya sanadkii 2009kii. Ku dhowaad 73,000 oo carruur ah oo ay da’doodu  u dhaxayso lix bilood ilaa 15 sano jir ayaa lagu daweeyey gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Baay iyo ku dhowaad 1,500 oo qof oo qaba jadeeco ayaa la daweeyey.

Abaar, ay weheliyaan saboolnimo ba’an, dalagga soo go’ay oo aan wanaagsaneyn, qiimaha cuntada ee sarreeya, iyo rabshadda socota ayaa keeney in carruurta laga daweynayo nafaqo-xumada ba’ani ay gaartey halkii ay ugu sarreysey ee ay abid lagu arko barnaamijka nafaqada MSF ee Gaalkacyo.2,281 carruur ah ayaa lagu daweeyey Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo iyo Xarunta Quudinta ee Gaalkacyo intii u dhaxaysey bilihii Oktobar iyo Disembar 2009kii oo keliya..Dhinaca kale, kooxaha MSF ee ka shaqeeya degaanka Xaawo Cabdi ee Muqdisho dibaddeeda ah ayaa sanadkaa gudihiisa daweeyey in ka badan 14,000 oo carruur ay hayso nafaqo-xumo.

Rogo buugga wax-qabadka MSF ee Barigga iyo koonfurta Soomaliya ee 2009

Iyada oo Soomaaliya ka soo shaqeyneysay ilaa 1991, ayaa MSF ay mashaariic muddo dheer socda ka waddaa gobollada Banaadir, Baay, Galgaduud, Hiiraan, Jubbada Hoose, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Mudug. Ururka waxa uu hadda mashruuc cusub ka sameynayaa Hargeysa, gobolka Waqooyi Galbeed.