Jabuuti, Magaalda Jabuuti

Mashruuca Balbala

Active screening for malnutrition in the districts of PK12, PK20, Doraley and Hayable in the city of Djibouti©Jean-Francois

Active screening for malnutrition in the districts of PK12, PK20, Doraley and Hayable in the city of Djibouti©Jean-Francois

MSF ayaa Jabuuti ka shaqeyneysay tan iyo 2008dii. Kooxaha caafimaadka ayaa carruur ay hayso nafaqo-xumo ba’an ku daryeela Balbala oo ku taalla magaalada Jabuuti dibaddeeda, halkaa oo 200,000 qof ay ku nool yihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin tiro badan oo ah dad u dhashey dalalka deriska la ah sida Soomaaliya iyo Itoobiya. Kooxo wareega ayaa ka shaqeeya degmooyinka Balbala, Hayableh, Arhiba iyo PK12, kuwaas oo soo aqoonsada kuwa ay hayso nafaqo-xumo ba’an una soo gudbiya xarumaha caafimaadka halkaas oo lagu daweeyo. Xaaladaha aadka u ba’an ee u baahan in cusbitaal la seexiyo ayaa la keenaa xarunta quudin-ku-daweynta MSF si loo siiyo daryeel ku habboon. Dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey 2009ka, in ka badan 14,000 carruur ah ayaa la baarey, kuwaas oo 16 boqolkiiba ay u baahdeen daryeel kale. Guud ahaan, 2009ka, MSF waxa ay daweysey ku dhowaad 1,730 carruur ay nafaqo-xumo hayso oo shan sano jir ka yar ah.

Warakii ugu dambeeyay ee  Mashrruca  MSF ee Caasimada Djabuuti