Itoobbiya, Gobolka ay Soomaalidu degto
Gobolka Soomaalida ee Itoobiya, ayaa MSF waxa ay ku gargaartaa qaxootiga Soomaaliya ka yimid iyo sidoo kale Soomaalida Itoobiya.
Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan hawlaha MSF ee Itoobiya fadlan booqo Booga MSF ee Itoobiya
Mashruura Liban
Bishii Febraayo 2009kii, MSF waxa ay bilowdey in gargaar caafimaad oo degdeg ah ay siiso qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool xerooyinka lagu sii hakado iyo xerooyinka joogtada ah iyo kuwa ay hoy siiyeen dadka degaanka ee ku nool Liban. Xerada lagu sii hakado ee Doolow Addo, oo ay ku nool yihiin dadka sugaya in loo wareejiyo labada xero ee kale ee joogtada ah, ee lagu kala magacaabo Boqolmaanyo iyo Melkadida, ayaa kooxaha MSF waxa ay daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, baaritaanka nafaqada iyo tallaalka jadeecada siiyaan carruurta ka yar 15 sano jirka iyaga oo kaashanaya Maamulka Arrimaha Qaxootiga/Dadka Soo Guryo Noqdey ee Dowladda Itoobiya. Kooxaha MSF waxa ay taageeraan xarunta caafimaadka ee magaalada Doolow Addo, oo bixisa daryeelka bukaan-socodka, daryeelka umulaha/uurreyda, daryeelka carruurta, gargaarka nafaqada, tallaal iyo dad u gudbinta cusbitaalka Mandheera.
MSF waxa ay sidoo kale sahan ku sameysaa ayna wax ka qabataa cudurrada ka dillaaca magaalada iyo degaannada ku hareereysan. Xerooyinka qaxootiga ee Boqolmaanyo iyo Melkadida, ayaa MSF waxa ay dadka ku taageertaa adeegyo nafaqeyn.
Mashruuca Dhagaxbuur
MSF waxa ay magaalada Dhagaxbuur ee gobolka Soomaalida shaqo ka bilowdey Disembar 2007dii. Kooxaha MSF ayaa taageera cusbitaalka weyn ee uu maamulo Xafiiska Caafimaadka ee Gobolka. 2009kii ayaa adeegyada la ballaariyey oo lagu soo darey caafimaadka galmada iyo taranka, oo ay ku jiraan daryeelka caafimaadka ee ka horreeya dhalmada iyo kan ka dambeeya dhalmada, qorsheynta qoyska, adeegyada hooyada iyo daaweynta rabshadaha la xiriira galmada iyo jinsiga. Waaxda bukaan-jiifka waxaa maamula MSF waxaana ka mid ah xarun lagu baxnaaniyo carruurta ay hayso nafaqo-xumada aadka u ba’an ee ay la socdaan dhibaatooyin caafimaad. MSF waxa ay sidoo kale taageertaa la-talinta bukaan-socodka carruurta ay da’doodu ka yar tahay shan sano jirka, qolka xaaladaha degdegga ah waxaana ay hubisaa in nidaam 24ka saac shaqeeya oo dadka loogu diro cusbitaalka Karamara ee gobolka Jigjiga si qalliin degdeg ah loogu sameeyo. Taageero dhinaca adeegga ah oo ay ka mid tahay sii wanaajinta nidaamka maareynta qashinka, dhisidda maqaasiinno dheeri ah iyo sameynta nidaam biyo-qaybin oo wanaagsan ayaa la bixiyaa.
Kooxaha caafimaadka ee MSF ayaa sidoo kale ka shaqeeya xarumo caafimaad si ay daryeel u siiyaan bulshada reer miyiga ah ee Dhagaxbuur, kuwaas oo haddiii kale ay daryeelkii ay heli lahaayeen ay ka hor-istaagi lahayd rabshadda. Kooxahan oo bixiya la-talinta daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, baaritaanka nafaqada, cusbutaal u diridda, u-dhimrinta nafsaani-bulsho iyo waxbarashada caafimaadka. Barnaamij daaweynta bukaan-socodka ah iyo barnaamij quudinta dheeriga ah ayaa daaweeya carruurta ay hayso nafaqo-xumada ba’an.2009kii kooxah MSF ee dhagaxbuur waxa ay bixiyeen 19,657 la-talin ah waxaana ay 12,978 qof ka daweeyeen nafaqo-xumo.
Mashruuca Iimey
Ilaa bishii Agoosto 2009kii, MSF waxa xarun caafimaad oo daryeelka caafimaadka aasaasiga ah bixisa ay ka waddey magaalada Bariga Iimey ee gobolka Soomaalida. Kooxaha caafimaadka ee isugu jira shaqaale dalka u dhashey iyo kuwo caalami ah ayaa bixiya daryeel bukaan-socod, adeegyada ka dambeeya dhalmada iyo daaweynta nafaqo-xumada. Xurunta waxa ay sidoo kale leedahay 15 sariidood oo waaxda bukaan-socodka ah iyo sidoo kale qayb hooyooyinka loogu talogaley. Celcelis ahaan, 800 oo bukaan ayaa ay daweysaa waaxda bukaan-socodka ee xarunta caafimaadka waxaana waaxda Bukaan-jiifka la dhigaa 70 bukaan bil kasta.
Webiga dhinaciisa kale, ayaa MSF waxa ay xarun caafimaad ku taageertaa degsiimada degmada Galbeedka Iimey. Shaqaalaha xarunta ayaa waxa ay bil kasta bixiyaan ilaa 1,000 la-talin bukaan-socod, oo ay ka mid yihiin daryeelka ka horreeya dhalmada, daaweynta nafaqeynta ah iyo tallaal. Si loo wanaajiyo gaaritaanka dadka aan iman karin xarunta caafimaadka, ayaa kooxuhu waxa ay sidoo kale xarumo caafimaad oo wareega ka sameeyaan degaanno ilaa laba maalmood looga socda magaalada Iimey. MSF waxa ay qorsheyneysaa in ay ballaaariso hawlaheeda ay ku gaareyso dadka bannaanada ee degmada Iimey nuska labaad ee sanadka 2010ka.
Mashruuca Wardheer
MSF waxa ay taageereysey Xafiiska Caafimaadka ee Wardheer ilaa bishii Maarso 2007dii. Kooxaha MSF waxa ay bixiyaan daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, oo ay ka mid yihiin adeegyada bukaan-jiifka iyo kuwa bukaan-socodka, daaweynta nafaqo-xumada, daaweynta qaaxada, daryeelka caafimaadka taranka iyo hawlaha sheybaarka. MSF waxa ay sidoo kale taageertaa tas-hiilaadka iyada oo siisa daawooyin, agab caafimaad iyo mid kaleba isugu jira.
2009kii MSF waxa iyada oo kaashaneysa Xafiiska Caafimaadka, ay wax ka qabatey dhibaatooyin nafaqada la xiriira oo ka dhacay degmada Bokh, iyo jadeeco ka dillaacdey Labile, degmada Gallaaddi. MSF waxa ay sidoo kale qayb ka qaadatey biyo-dhaamin, iyada oo wax ka qabaneysa baahiyaha degdegga ah ee dadweynaha ay sida ba’an u saameysey abaarta.
Mashruuca Gallaaddi
Bishii Maarso 2009kii, ayaa MSF waxa ay Xafiiska Caafimaadka ka taageertey in xarun caafimaad uu ka furo Gallaaddi, gobolka Soomaalida. Muddadii u dhaxaysey Maarso iyo Maajo, ayaa dadaalka MSF uu diiradda saarey wax ka qabashada shuban biyood ba’an oo dillaacay, iyada oo ay kooxuhu daweeyeen 180 xaaladood. Hawlaha ayaa ka dib la ballaariyey si loogu darey bixinta daryeelka caafimaada aasaasiga ah, la-talinta bukaan-socodka, tallaalka, baaritaanka nafaqada iyo quudin ku daweynta bukaan-socodka.
Wararkii ugu dambeeyay ee Gobolka ay Soomalidu degto ee Itoobiya
-
Caafimaadka Hooyada/Dhalmada ee Wardheer
Wardheer waa magaalo ay deggan yihiin qiyaastii 15,000 oo ku taalla meel fog oo ka tirsan Itoobiya oo ku dhow xuduudda Soomaaliya. Colaad hubeysan oo ka socota ayaa weli dhibaato…
Sii akhri -
Wax kaga qabashada Foosha Lagu Dhibtooda Wardheer oo ah degaan fog oo ka tirsan Itoobiya – Waxaa ka Sheekeyneysa Umuliso
“Waxa aan ka shaqeeyey Wardheer, oo ah degaan aad u fog oo ka tirsan Gobolka Soomaalida ee dalka Itoobiya, halkaas oo aaney ka jirin cusbitaallo si buuxda u qalabeysan, dhakhaatiir-qalliin ama saalooyinka qalliinka lagu fuliyo. Qalabka ay dhakhaatiirtu wax ku dhegeystaan (stethoscope) iyo xoogaa qalab la-jeermis dile ah ayaan ku shaqeeyaa anniga oo ah umuliso u shaqeysa ururka Médecins Sans Frontières (MSF).
Sii akhri -
Waraysi:ISku-duwaha MSF ee Iimey, Gobolka Soomaalida ee Etoobiya
Bishii Agoosto 2009kii, Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa shaqo ka bilowdey Iimey, oo ka tirsan gobolka Soomaalida ee Itoobiya. Wareysigan, isuduwaha degaanka Christian Sorensen waxa uu kaga hadlayaa waayo-aragnimadii uu…
Sii akhri -
Nololgelinta Daryeelka Caafimaadka Hooyada ee Gobolka Soomaalida, Itoobiya:
Waxaa ka sheekeyneysa Mali Ebrahimi oo ah Umuliso MSF ka tirsan “Markii aan ilmihii koowaad aan naftiisa ku badbaadiyey Wardheer waa mid aan weligey xusuusnaan doono”… waxaa ka sheekeyneysa Mali…
Sii akhri -
Sii wanaajinta daryeelka bukaannada qaaxada, Wardheer, gobolka Soomaalida ee Itoobiya
Sheeko loogu talogaley Maalinta Qaaxada Adduunka … “Qufaca tirada badan waxaa ii weheliyey xanuun badan oo iga hayey dhinaca midig ee feeraha habeenkiinna ma seexan karin”, Farxaan oo ah bukaan…
Sii akhri
