Gobolka Sanaag, Somaaliland

Mashruuca Ceerigaabo

MSF ayaa ku hawlan sameynta “Mashruuc Qalliinka Degdegga ah iyo Daryeelka Caafimaadka Hooyada iyo Umusha oo ay ka fulineyso cusbitaalka Ceerigaabo, gobolka Sanaag. Degaankan fog dadkiisuna ay reer miyiga yihiin ayaa si yar u heli kara daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah, iyada oo abaarta soo noqnoqota, saboolnimada iyo nabadgelyo-xumadu ay xaaladaha nolosha ka dhigayaan kuwo adag. Mashruuca MSF waxa uu bixinayaa daryeelka caafimaadka heerkiisu sarreeyo ee hooyada, carruurta iyo qalliinka degdegga ah. MSF waxa ay rajeyneysaa in ay hawlaheeda ku ballaariso meelo kale oo ka mid ah Hargeysa waxaana ay higsaneysaa in ay daryeel caafimaad gaarsiiso dadka gudaha ku barokacay iyo kuwa aan tahli karin. MSF waxa sidoo kale ay maamulka caafimaadka kala hadleysaa wax ka qabashada baahiyaha caafimaad ee goobo kale oo ka tirsan Somaliland, iyada oo si gaar ah diiradda loo saarayo hooyooyinka iyo carruurta.

Wararkii ugu dambeeyay ee Gobolka Sanaag