Gobolka Maroodi jeex, Somaliland

Mashruuca Hargeisa

Hargeysa, ayaa MSF waxa ay daryeel caafimaad iyo mid nafaqeyn oo lacag la’aan ah siisaa dadka sida gaarka ah u nugul, iyada oo diiradda saareysa carruurta ka yar shan sano jirka. Bukaannada waxaa ka mid ah dad barokacay, qaxooti, muhaajiriinta dhaqaale-doonka ah iyo kuwa guud ahaan la fogeeyo; kuwaas oo badidoodu ay haystaan xaalado nololeed oo adag iyada oo aan si ku filan u heli karin biyo nadiif ah, cunto, caafimaad iyo fayadhowr, fursado nolol-raadsi iyo hoy.

2010ka, ayaa MSF ay magaalada ka sameysay saddex xarumood oo caafimaad oo daryeelka caafimaadka aasaasiga ah siiya dadka ku nool xaafadaha Lug iyo Lacaag, Shadaha iyo State House. Halkaan ayaa dad badan oo barokacay, dad soo guryo-noqdey ama qaxootigu aaney iska bixin karin kharashka daryeelka caafimaadka. MSF waxa ay sidoo kale ka shaqeysaa barnaamij quudin oo toddobaadle ah oo la siinayo carruurta nafaqo-xumadu hayso. Dadka u baahan daryeel caafimaad/daaweyn degdeg ah ayaa loo diraa cusbitaal degaanka ku yaalla. Waxaa socda qorshayaal barnaamijka lagu gaarsiinayo degaanno kale oo Hargeysa gudaheeda iyo hareeraheedaba ah, iyo in adeegyo caafimaad la siiyo haweenka uurka leh.

Wararkii ugu danbeeyay ee Hargeisa ee Gobolka Maroodijeex