Galgaduud, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya

Medical staff at work In Guri El town, Somalia© Abdihakim Aden Gedi/MSF

Medical staff at work In Guri El town, Somalia© Abdihakim Aden Gedi/MSF

Cusbitaalka Istarlin ee qaada 80ka sariirood ee ku yaalla Guriceel, ayaa MSF ay ku bixisaa adeegyo bukaan-socod iyo kuwo bukaan-jiif oo ay ka mid yihiin waaxda carruurta; waaxda haweenka; waaxda daryeelka hooyada iyo dhalmada; qol qalliin iyo waaxda qalliinka; shaybaar iyo tas-hiilaadka raajada. Adeegyada ka-hortagga, sida daryeelka ka horreeya dhalmada iyo tallaalka, ayaa sidoo kale la bixiyaa. Cusbitaalka waxaa uu leeyahay awood uu wax kaga qabto dhaawaca badan. Intaa waxaa dheer in MSF ay labo rugood oo caafimaad ku leedahay gobolka Galgaduud: mid Dhuussamarreeb, oo ah xarunta gobolka ku taalla, iyo mid ku taalla Xiindheer, oo la furey bishii Jannaayo 2008dii.

Sanadka 2009-ka

Sanadkii 2009kii, ayaa 64,329 qof ay la-talin iyo daaweyn lacag la’aan ah ku heleen bukaan-socod-eegtooyin kala duwan oo qayb ka ah cusbitaalka iyo rugaha caafimaadka. Ku dhowaad 4,000 oo bukaan ayaa la dhigey cusbitaalka, kuwaas 799 ka mid ah ay ahaayeen haween u baahan in laga umuliyo. 802 bukaan ayaa la dhigey cusbitaalka si loogu sameeyo qalliinno waaweyn iyo kuwo yaryarba isugu jira halka 217 carruur ah laga daweeyey nafaqo-xumo. Horraantii 2009kii, dagaallo ka soo cusboonaadey Guriceel iyo Dhuussamareeb ayaa sababey in kumanaan rayid ah ay ka cararaan guryahooda waxaana MSF ay maalaayiin litir oo biyo ah iyo daryeel caafimaadba gaarsiisey dadka ku barokacay degaankaa, waxaa in ka badan 230 bukaanno dhaawacyo ka soo gaareen dagaalka ah lagu daweeyey cusbitaalka Istarlin. Muddadii u dhaxaysay Abriil iyo Juulaay 2009ka, waxaa kooxaha MSF ay 700 oo qof ka daweeyeen xannuunno la xiriira jadeeco markii ay jadeeco ka dillaacdey degaankaa.

Wararkii ugu dambeeyay ee Gobolka Galgaduud