Kenya, Xeradda qoxootiga ee Dadaab

Somali woman i Dadaab helped by MSF staff

Somali woman i Dadaab helped by MSF staff. © Spencer Platt/Getty Images

Kenya, soohinta ay la leedahay Soomaaliya, ayaa waxa ku nool kumanaan qaxooti Soomaaliyeed ah. Badi qoxootiga waxay ku nool yihiin saddexda xero ee ku yaalla hareeraha magaalada Dhadhaab, ee waqooyiga-bari ee Kenya. Xerooyinka saddexda ah oo markii hore loo dhisey in ay ku noolaadaan 90,000 oo qof, ayaa waxaa hadda ku jira ku dhowaad 300,000 oo qaxooti ah. In kasta oo xuduudda la xirey 2007dii, haddana celcelis ahaan 5,000 oo qaxooti ah ayaa bil kasta yimaada Dhadhaab, taas oo culays siyaado ah ku keeneysa xerooyinkii ay horeba dadku ugu tiro badnaayeen.

 Iyada oo ay soo wajahdey baahidaas ba’an ee sii kordhaya, ayaa MSF ay shaqo ka bilowdey Dhadhaab horraantii 2009ka. Ururka ayaa hadda mas’uul ka ah dhammaan daryeelka caafimaadka ee mid ka mid ah saddexa xero, taas oo ah Dhagaxley. MSF waxa ay hawsheeda ka waddaa cusbitaalka weyn ee qaada 100-ka sariirood, kaas oo bixiya qalliin degdeg ah, daryeelka bukaan-socodka iyo kan bukaan-jiifka, daryeelka hooyooyinka, daryeelka carruurta, daaweynta qaaxada. MSF waxa ay sidoo kale xerada ku leedahay afar rugo caafimaad ah, oo bixiya la-talin guud, qorsheynta qoyska iyo daryeeelka ka horreeya iyo kan ka dambeeya dhalmada, daryeelka caafimaadka dhimirka, daaweynta duumada iyo tallaalada. Baaritaanka nafaqada iyo tallaalada ayaa xarunta Qaabilaadda ee Liboi loogu sameeyaa qaxootiga cusub ee markaa imaada.

Baahida caafimaad ayaa ah mid aad u weyn ayada oo 10,000 oo bukaan ay helaan la-talin caafimaad halka ilaa 600 ay yihiin bukaan jiif.Intii u dhexaysay bishii Agost ilaa iyo Decembar 2009 MSF waxay daryeel caafimaad siisay  67,000 bukaan oo ay kamid yimiihiin 2,245 caruur ay nafaqo-daro hayso. 3,457 bukaan ayaa la qaabilay halka 627 haween laga caawiyay dhalmadda.

Wararkii ugu dambeeyay ee Mashrruca xerada qoxootiga ee Kenya