Banaadir, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya

Degaanka Waqooyiga Muqdisho

© MSF

MSF - Dr. Mumina Afrah Hiraabe at work in the IPD in Mogadishu© MSF

Waqooyiga Muqdisho waxa MSF ay mid ka mid ah tas-hiilaadka caafimaadka ee dadweynaha ay ku lahayd degaanka Yaaqshiid laga soo bilaabo 1994tii. Sanadkii 2007dii, MSF waxa ay saddex xarumo caafimaad oo kuwa bukaan-socodka carruurta ah ka furtey degaannada Kaaraan, Cabdulcasiis (Lido) iyo Balcad, iyo sidoo kale xarun caafimaad oo bukaan-jiifka carruurta ah ku lahayd degmada Cabdulcasiis.

Sanadkii 2009kii ayaa 85,156 qof ay la-talin iyo daweyn lacag la’aan ah ku heleen afartaa bukaan-socod-eegto. 5,613 haween ah ayaa heley la-talinta ka dambeysa uurka, halka ay carruur wadartoodu gaareyso 556 laga daweeyey nafaqo-xumo. In ka badan 2,000 oo qof ayaa heley daryeel bukaan-jiif. Bishii Luulyo 2009kii, ayaa markii ugu horreysey muddo 17 sano ah, ay MSF ku khasbanaatey in ay waxqabadyadii cusbitaalka iyo kuwa bukaan-socod-eegtooyinka ay u hakiso dagaal xooggan oo ka dhacay degaankaa daraaddii.

Degaanka Dayniile

Mashruuca MSF ee cusbitaalka Dayniile, oo ku yaalla meel sagaal kiilomitir waqooyi ka xigta caasimadda, waxa uu daryeel iyo qalliin degdeg ah oo nafaha lagu badbaadinayo siinayey dadkii ku dhaawacmey dagaalladii ka socdey Muqdisho. Ka dib markii si weyn loo dayactirey, ayaa uu cusbitaalka hadda leeyahay 59 sariirood, uuna ku qalabeysan yahay labo qolalka qalliinka ah, qol xaaladaha degdegga ah iyo goob bukaannada lagu kala saaro iyo qayb daryeelka xaaladaha degdegga ah (intensive care).

Sanadkii 2009kii, 2,391 qof ayaa la-talin iyo daawo lacag la’aan ah ay MSF ku siisey cusbitaalka Dayniile. 2,036 qof ayaa la dhigey si ay u helaan daryeel bukaan-jiif kuwaas oo ay ka mid ahaayeen 1,137 qof oo laga daweeyey dhaawacyo ka soo gaarey qarax. 537 kuwaan ka mid ahi ayaa ahaa haween iyo carruur ka yar 14 jir. MSF waxa ay sidoo kale hawlaha guud ee cusbitaalka u taageertaa maaliyad ahaan iyo iyada oo siisa sahay caafimaad/dawo.

Wararkii ugu dambeeyay ee Gobolka Banaadir