Khuddbaddii hoggaanka bani’aadanimo ee abaalmarinta Xarunta samafalka Boqor Xuseen

November 11, 2004-tii ururka Dhakhaatiirta aan Xaduudda lahayn  (MSF), wuxuu helay abaalgudka loo yaqaan Abaalgudka Hoggaaminta Boqor Xuseen. Hoos waxaa ku qoran khudbaddii uu halkaas ka jeediyey Dr. Rowan Gillies, oo ah madaxa golaha caalamiga ah ee MSF, markii uu magaalada Cammaan ku guddoomayey abaalgudkaas.

Sharafle Boqor Cabdalla, Boqoradda Raina, Boqoradda Noora, Madaxda Sharafta Mudan, Mudanayaal iyo marwooyin;

MSF waxay si kalsami ah uga mahadcelinaysaa in ay guddoonto abaalgudka hoggaanka bani’aadanimo ee  boqor Xuseen.  Sharaf weyn ayey u tahay ururkayaga.  Waxaa taas ka sii muhiimsan in ay dhiirri gelin weyn u tahay kumanaanka shaqaalahaeena  mutadawiciinta ah  iyo kuwa degaameedba ee ka hawlgala dunida dacalladeedaWaqtigan lagu jiro oo ay dagaallo ka soo cusboonaadeen wadanka Ivory Coast,  baahi aad u baaxad weynini ay ka jirto Gobolka Darfur ee Sudan, iyo weliba kuwa  aan sida aadka looga war hayn ee ka socda waqooyiga Ugandha amba Chechniya,  aqoonsigan iyo abaalgudkan ay noo fidisay Bulsho rayid ahi wuxuu na dareensiinayaa in shaqadeennu tahay mid aan la illoobin oo la taageerayo.

Laakiin waan welwelayaa.  Waqtigan aan idinla hadlayo, dagaall military oo aad u baaxad weyn ayaa ka socda Magaalada Fallujah.  Ka Hayd caafimaad ahaan waxaan si weyn uga welwelaynnaa xaaladda dadka caaadiga ah ee halkaas ku nool.Ka dhakhtar ahaan waxaa si aad ah ii dhibaya, qabsashada Isbitaallada iyo burburinta rugaha kale ee caafimaadka.Isbitaalladu waa in ay noqdaan goob dhexdhexaad ah oo ay ku nabad galaan dadka rayidka ah ee ka baxsanaya dagaallada socda, isla markaasna ay ka helaan daaweyn iyo adeeg caafimaad.

Shaki kuma jiro in dad rayid ahi ay ku dhibaatoonayaan(kusilacsanyihiin) maanta Fallujah, waxaanan ugu yeerayaa amba oogu baaqayaa dhammaan dhinacyada dagaallamaya in ay xurmeeyaan una hoggaansamaan waajibaadka saaran, oo ay sameeyaan wax kasta oo karaankooda  ah si ay u baajiyaan dhimashada dadka rayidka ah; u oggolaadaan in loo gurmado;  isla markaasna u furaan marin nabdoon oo ay maraan shaqaalaha iyo sahayda caafimaadka.

Nasiibdarro, wax cusub ma ahan in dadka rayidka ahi ay ku xayirmaan in korkooda lagu dagaallamo, amaba iyaga si toos ah loola  beegsado dagaallo.  Laakiin maanta waxaan aragnnaa in xaaladdu khatar tahay oo si toos ah loo beegsanayo kuwa  u gurmanaya dadka rayidka ah xiliyada ay ugu baahi badan yihiin.Dilka Afganistaan loogu gaystay 5 ka mid ah shaqaalaheenna waa markhaati naxdin leh ee dhacdooyinkan.  Dilkan  foosha xun dartiis iyo weeliba hanjabaadyo joogta ah oo loo gaysto shaqaalahayaga, waxay nagu qasabtay in aan qaadanno go`aan xanuun badan oo ah in shaqaalaheenna aan ka daadguraynno Afghanistan 24 sano ka bacdi.

Dhawaan, khatarta ay ku sugan yihiin shaqaalaha ajaanibta ah iyo kuwa Ciraaqiyiint ahi, waxay nagu kalliftay in aan dalkaasna isaga tagnno innagoo aad uga xun.Weerarrada loo gaysabayo ururrada samafalka ma ahan dhacdooyin gooni ah.  Waxay yihiin kuwa raad ku leh isku dayga  isa soo taraya oo dawladaha reer galbeedka  ay isugu dayayaan in ay kusoo gabadaan arrimaha beni`aadminimo ayaga  oo ku fuliyaan xeelad  militari iyo straatijiyad siyaasadeed.

Waxaa nalaku yiri: “Ama nala jir ama naga Jir“, waxaa naloo kaga digay:  Isku dhaca dhaqamada kala duwan, iyadoo la dafirayo dabeecadda caamka ah ee beni`adminimada iyo xeerka Dawaynta.Dabcan ka shaqaale gargaar ahaan, ma nihin kuwo ka indho xiran xaaladaha aannu ku shaqaynaynno, hase yeeshee Samafalka beni`adminimo ujeeddadiisu

  • MA AHA in aad kasbato ama soo jiidato qalbiyada iyo maskaxda dadka..
  • MA AHAN oo kale in aad siyaasad amba dhaqammo kale, ha xumaadeen ama ha fiicnaadeene aad ku soo rogayso dadyow.
  • MA AHA in aad rabto in aad dagaal ku guulaysato amaba aad nabad keento

WAXAY TAHAY u gurmasho dhab ah oo calool nugeyl ka dhalatay ee qof bani`- aadam ahi u sameeyo mid kale oo dhibaatoonaya.

MA AHAN arrin siyaasadeed ee qeexid ahaan waa:  “Ficil rayidnimo

Khatarta la soo gudboonaatay mabda`aas adag ee beni`aadminimdu wuxuu nagu kallifayaa in aan samaynno go`aan qaadasho aad u adag: Haddii aynaan si xoog ah  isaga diidin dhammaan weerradan iyo in gacanta nakala maroojiyo oo naloo jiheeyo ujeedooyinka la kala leeyahay, waxaa inoo furnaan doona hal waddo keliya oo ah in aan dhinac un la safanno,  taas oo macnaheedu yahay in aan oggolaannay in la ina isticmaalo, isla markaasna naloola dhaqmo in aan nahay cadaw.

Annaga ka MSF ahaan waxaa naga go`aan in aan iska diidno khatarta lagu madaxbanaanideenna, waayo iyada ayaa inoo ogolaatay in aan qiimayn aan dhanna u eexanayn samaynno, iyo weliba meelaha dhibaatooyinku ka jiraan sida Sudan iyo Ivory Coast; iyo weliba meelaha kale ee aan lagu soo qaadan boggagga hore ee warbaahinta dunida. Ugu dambaystii waxaan u mahadnaqayaa Xarunta Boqor Xuseen taageeradooda iyo aqoonsiga ay siiyeen shaqadeenna.

Mar kale waad Mahadsantihiin.