Khudbaddii abaalgudka billadda Nabadda ee Nobel

Sannadkii 1999kii ururka dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF waxaa la guddoonsiiyey abaalgudka nabadda ee Nobel.  Hoos waxaa ku qoran khudbaddii uu halkaas ka jeediyey madaxa golaha caalamiga ah ee MSF. Dr. James Orbinski, 10kii bishii oktober 1999, mar uu magaalada Oslo ee dalkaasi Norway ku guddoomayey abaalgudkaasi.

Mudanayaal, Sarreeyayaal, Xubnaha guddiga Norway ee Nobel, Mudanayaal iyo marwooyin;

Dadka reer Chechnya_ dadka reer Grozny, waxay maantadan iyo 3 bilood oo horeba la kulmayaan duqayn iyo bamgarayn aan loo kala aabbe yeelayn oo uga imanaysa ciidamada dalka Ruushka.  Dadkaas iyaga ah gargaar iyo samafal beni`aadminimo wuxuu u yahay shay aysan aqoon (Helin).  Dadka buka, kuwa waayeelka ah iyo kuwa aan awoodda lahayn ayaa ah dadka aan ka baxsan karin Grozny.   Iyadoo sharafta dadyowga dhibban udub dhexaad u tahay sharafta maanta aad bixinaysaan, ayaa haddana, waxaa ay tahay ka marqaati kac aad ka markhaatikacaysaan sida aan uga jawaabnno dhibaatooyinka la soo darsa aadanahaas dhibban.  Waxaan manta halkan codsi iyo qaylo dhaan u jeedinayaa Danjiraha dalka Ruushka, iyo weliba anigoo isaga u sii marinaya Madaxweynaha Ruushka, madaxweyne Yeltsin in uu joojiyo duqaynta dadka rayidka ah ee aan isdifaaci karin ee reer Chechnya.   Haddii  iska horimaadyada iyo dagaalladu yihiin hawlo u yaal dawladaha, xadgudubyada shuruucda beni`aadamka, dembiyada dagaalka, iyo dambiyada ka dhanka ah beni`aadamka  waa kuwo dhammaanteen ina wada quseeya, bulsho rayid ahaan, muwaadiniin ahaan iyo beni`aadam ahaanba.

Ii ogolaada in aan iraahdo, sharfidda aadka u weyn ee guddiga billadda Nobel siiyey ururka dhakhaatiirta aan xudduudda lahayn ee MSF waxaan u dudoomaynnaa si niyadsami ah innagoo si weyn uga mahadcelinayno. Hase yeeshee dhanka kale waxaan abaalgudkan guddoomaynnaa innagoo aad uga niyad xun in dadka la faquuqay ee nasiibdarradu la kulantay maalin walba lagu xadgudbo oo lagu tunto xaquuqdooda   kuwaasi waa dadyowga la hilmaamay ee khataruhu la soo gudboonaadaan, waa caruuraha dariiqyada ku nool kuwaas oo saacad walba oo soo marto ku nool qashinka ay daadiyaan kuwa nasiib u yeeshay in ay qayb ka noqdaan nidaamka dhaqaale iyo bulsho.   Waxaa kale oo kuwaa ka mid ah qaxootiga sharci la`aanta ah ee ka shaqeeya Yurub, kuwaas oo loo diiday magangalyo siyaasadeed, kana baqanaya in ay raadsadaan daryeel caafimaad, iyagoo ka baqanaya in la musaafuriyo.

Hawlaheennu waa in aan caawinno dadyowga ay la soo daristo xaalad dhibaato.  Hawlaheenna gargaar ma ahan kuwo wax walba daboolaya.  Markaan gargaar dawo gaarsiinaynno dadyow dhiban, waa isku day aan isku dayaynno in aan dadkaas ka difaacnno wax xadgudub iyo gardarro ku ah beni`aadam ahaan.  Hawlaha beni`aadminimadu waa wax ka weyn arrin uun deeqsinimo ah ama arrin uun saddaqo ku taxalluqda.   Waa isku day in aan ka abuurnno xaalad caadi ah meel iyo xaalad si qoto dheer caadinimada uga fog.  Waa wax ka weyn in aan kaalmo maaddi ah fidinno.  Waxaan isku daynnaa beni`aadamka in aan gacan ku siinno in ay soo ceshadaan xaquuqdoodi iyo sharafkoodi beni`adminimo.   Innagoo ah gole mutadawiciin madax bannaan, waxaan isku taxallujinnaa in aan gargaar caafimaad iyo dawo si toos ah u gaarsiinno dadka u baahan.   Laakiin kuma shaqaynno meel bannaan, mana la hadalnno hawada.  Waxaanse ku shaqaynna qasdi run ah oo inaan wax caawinno ah, in aan guubaabinno oo kicinno dareen ah in wax isbeddelaan; iyo in aan kashifnno caddaalad darrooyinka jira.  Ficilkeenna iyo codkeennuba waa kuwo xambaarsan caro iyo diidmo aan ku diidaynno dulmiga iyo xadgudubyada muuqda iyo kuwa aan muuqan ee lagula kaco dadka.

Sharafta aad na siiseen manta waxay nqon kari lahayd mid si sahal ah loo siiyo  ururro badan ama shakhsiyaad qiimo leh oo la halgamaya arrimaha mujtamacyadooda kala duwan, hase yeeshee, waxaad samayseen sida muuqata doorasho aad ku aqoonsateen MSF.

Waxaan ku billownnay sannadkii 1971, koox dhakaatiir Faransiis ah iyo joornaalistayaal go`aansaday in ay u diyaar ahaadaan in ay caawiyaan ama u gurmadaan meeshii dhibaato ka dilaacdo   taas waxay macnaheedu ahayd in aan diidmo kala kulmi jirnnay dawlado si toos ah ugu xadgudbi jiray sharafta dadka.  Muddo dheer ayaa aamusnaanta lagu khaldi jiray dhexdhexaaddnimada. Waxaana loo haystay in ay shuruud lagama maarmaan ah u tahay fulinta hawlaha samafalka.   Billowgeediiba MSF waxaa lagu dhisay in ay diiddo fikraddaas. Ma hubnno in erayo lagu hadlo ay dad badbaadin karaan, laakiin waxaan si dhab ah u hubnaa in aamusnaantu ay wax disho. Muddaddii 28ka sannadood ahayd ee aan soo jirnnay, waxaa naga go`nayd, haddana naga go`an in aan dhawrnno mabda`aas diidmada ah.  Taas ayaa ah hiddaha aqoonsigeenna ee aan ku faanno, maanta waxaan la halgamaynnaa inaan nahay dhaqdhaqaaq aan iin la`ayn, hase yeeshee,  awooddiisu ku dhisan tahay mutadawiciinteenna,  iyo malaayiin deeqbixiyayaal ah kuwaas oo maal iyo niyadba ku taageera ururka MSF.  Waxaa sharaftaas nala wadaagaya dhammaan inta si uun ugu hawlan in ay nolosha ka dhigaan xaqiiq si sahlan u jabi karta, taas oo ah MSF.

Dhibaatada beni`adminimadu waxay dhalataa meeshii (markii)siyaasaddu guuldarraysato, ama jahawareerto.  Waxaan u halganaa in aan gargaarnno ama aan dadka ka fududaynno dhibaatada ka dhalatay siyaasadahaas guuldarraystay, ee uma hawlgalnno in aan qaadanno mas`uuliyaddii siyaasadeed.  Hawlgalku waa in uu noqdaa mid ka madax bannaan siyaasadda, siyaasadduna waa in ay aqoonsataa mas`uuliyadda ka saaran in hawlaha beni`aadminimo ay socdaan.

Hawlaha beni`aadminimo waxay u baahan yihiin xayndaab ay ku shaqeeyaan.  Meelaha iyo xaaladaha khilaafyadu ka jiraan, xayndaabkani waa Sharciyada caalamiga ah ee beni`-aadminimada.  Waxay aasaaska u dhigtaa xuquuqda dhibanayaasha iyo ururrada gargaarka beni`aadminimo.  Waxay sugtaa mas`uuliyadda quruumaha ka saraan in ay xushmeeyaan xuquuqdan oo ay dambi dagaal u aqoonsadaan ku xadgudbideeda. Maanta xayndaabkan (framework), sida iska cad uma shaqaynayo si sax ah.  Waxaa sida badan la horjoogsadaa in la gaaro dadka dhibaatooyinku halakeeyaan.  Gargaarka beni`aadminimo ayaa xitaa loo isticmaalaa qalab dagaal, oo ay u isticmaalaan kuwa dagaallama.   Intaas oo dhanse waxaaba ka sii khatarsan iyadoo aan arkaynno in hawlihii gargaarka aadaminimo loo bedelayo kuwo Military.  Dhibaatooyinka hortaagan fududaynta gargaarka aadaminimo, waxaan ugu yeeraynnaa qaybaha siyaasadda in ay gutaan waajibaaddkooda aysan sina uga baxsan karin ee ah in ay u oggolaadaan hawlaha gargaarka beniaaddminimo in ay u fulaaan siddii loogu talo galay.  Gargaarka beni`aadminimo ma ahan qalab loo isticmaalo in lagu dhammeeyo dagaal, mana ahan qalab lagu keeni karo nabad. Waa fal degdeg ah oo muwaadiniin uga jawaabaan meeshii siyaasaddu ka guuldarraysatay, waase fal degdeg ah oo muddo gaaban ah oo aan marna masixi karin baahida muddada dheer ee mas`uuliyadda siyaasadeed.

Teennu waa mabda` diidmo.   Ma oggolaanayso siyaasad damiir ahaan saaqidday, ama cadaalad darro macnaheeda la khafiifiyo ama la mayro.dambiyadii beni`adminimada ka dhanka ahaa ee ka dhacay Bosnia Herzogovina sannadkii 1992; isir sifayntii ka dhacay Rwanda sannadkii 1994kii; xasuuqii ka dhacay Zaire 1997kii.iyo weerradii aan loo kala aabbe deyin ee ee loo gaystay dadka rayidka ah ee reer Chechnya sannadkii 1999kii.  Dhammaan kuwaas laguma dabooli karo eray bixin sida:  “Xaalad beni`aadminimo oo aad u qotodheer” ama “dhibaato nabadgelyo oo gudaha ah” ama erayo kale oo khafiifin ah sida “iyagoo inkastoo ay ahaayeen kuwo baahsan haddana aysan ahayn arrimo ay siyaasad go`ani ka dambayso.  Luuqaddu waa shay raad weyn keena.  Iyada ayaa xambaarta mushkiladda dhacday ee runta ah, iyada ayaana qeexda jawaabta laga bixinayo mushkiladda.  Waxa kale oo qeexdaa xaqa iyo weliba mas`uuliyadda.  Iyada ayaa qeexda in gargaar daawo ama beni`aadminimo uu yahay mid kaafin kara dhibta jirta.  Iyada ayaana qeexda in jawaabcelinta siyaasadeed ay tahay mid sax ah oo ku filan sidii loo baahnaa.  Cidina kufsi kuma sharrixi karto hawl gurmad gaynokolojiya  oo culus.  Kufsi waa kufsi, sida isir sifayni ay u tahay isir sifayn.   Labaduba waa dembiyo.

MSF ahaan falkeennu waa:  in aan u gurmanno in aan dhibaatadaas dadka ka dulqaadnno.  In aan raadinno sidii loo soo celin lahaa xornimadii daakhiliga ahayd.  In aan markhaati goobjoog ah ka ahaanno runta caddaaladdarrada, kuna adkaysanno in la helo mas`uuliyad siyaasadeed.

Shaqada MSF dooratay ma ahan mid meel bannaan ka dhacda, laakiin waxa ay ka dhacdaa nidaam bulsho dhexdiis kaas oo dadka qaar ka soo xareeya qaarna dhaxanta bannaanka ah uga taga,  qaar xaq siiya, qaarna xaqooda dafira, qaar difaaca qaarna weerara.  Shaqo maalmeedkeennu waa mid halgan ah, kaas oo xooggisu yahay dawayn, awooddiisu haddana tahay shakhsi shakhsi.  MSF ma ahan hay`ad rasmi ah. Weligeedna ma noqon doonto waxkasta oo dhaca.  Waa hay`ad bulsho rayid ah, bulshada rayidkuna waxay caalamka maanta ku leedahay kaalin cusub, waxay leedahay sharciyaysaan aan rasmi ahayn, oo xididadeedu ka soo jeedaan waxqabakeeda, iyo taageerada ay ka haysato ra`yulcaamka.

Waxaa kale oo sharcinimadeedu ku dhisan tahay qaangaarka ujeedooyinkeeda, tusaale ahaan: xuquuqul insaanka, dhaqdhaqaaqeeda deegaan iyo beni`aadminimo iyo weliba dabcan u dhaqdhaqaaqidda beecmushtar caddaalad ah.  Khilaafaadka iyo rabshaduhu ma ahan kuwa keliya ee na khuseeya.   Bulsho rayid ahaan, waxaan sii  lahaanaynaa kaalinteenna iyo awooddeenna haddaan sii ahanno kuwo ku mintida ujeedooyinkeenna iyo madaxbannaanideenna.  Bulsho rayid ahaan waan u jirnaa marka naloo eego dawladaha, hay`adaheeda iyo awoodaheeda kala duwanba.  Sidoo kale waan jirnaa marka naloo eego ururrada kale ee aan dawliga ahayn sida: dhinacyacda gaarka ah (Private).  Hawsheennu ma ahan in aan bedelno tan dawladaha.

Mas`uuliyadda ugu dambaysa (ugu weyn) ee dawladi waa in ay caddaalad sinto, ee aysan wax faquuqin,  in ay danaha guud ka miisaan sarraysiiso danaha khaaska ah, iyo in ay sugto in ay hirgaliso nidaam bulsho oo caadil ah oo loo siman yahay.  Hawsheennu ma ahan in aan marmarsiinyo u samaynno maqnaanshaha mas`uuliyadda dawladda ee ah caddaalad iyo nabad samayn.  Mana ahan hawsheennu in aan dawladaha la maamulnno dhibaatooyinka dalalkooda haysta.

Haddii bulshada rayidka ahi aqoonsato dhibaato jirta, ma ahan shaqadooda in ay xal u keenaan, laakiin shaqadoodu waa in ay dawladaha kula xisaabtamaan in tallaabo ficil ah oo caddaalad ah ay ka qaaddo dhibaatadaas.  Dawladaha kaliya ayaa ah kuwa sharciyan iyo awood ahaanba fulin kara hawshaas.

Maanta oo dunida ay gashay suuqa caalamiga ah ee dhaqaalaha, waxaa ina hor taal caddaalad darro aad u weyn.  In ka badan 90% geerida iyo cudurrada la is qaadsiiyo waxay ka jiraan dalalka soo koraya.   Qaar ka mid ah sababaha dadku ugu geeriyoodo cudurrada AIDSka, TBda, iyo jirrada jiifka waa iyadoo dawooyinka cudurradaas ay qaali yihiin, ama aan laba heli karin sababtoo ah dhaqaale ahan ma ahan kuwo ganacsi soo jiidanaya,  ama maba jirto gebi ahaanba wax cilmi baaris ah ama horumarin ah oo  lagu sameeyo dawaynta cudurrada dhulalka kulaalayaasha.  Dhibaatadaas xagga suuqyada ah ayaa ah mushkuladda labaad ee na hortaal.  Hawshaas culusi haddaba ma ahan mid keligeen inoo taal.  Waa hawl sidoo kale hortaal dawladaha, hay`adaha caalamiga ah ee dawladaha, warshadaha iyo sharikadaha dawooyinka soo saara,  iyo NGOyada kale, si aan isu hortaagnno caddaalad darridaas.Waxa aan bulsho rayid ahaan rabnaa ma ahan  “saddaqo“ ee waa “Isbeddel“.   Waxaan adkaynaynaa madax-bannaanida gargaarka samafalku uu ka madax bannaan yahay siyaasadda.  Hase yeeshee taas macnaheedu ma ahan in aan NGOyo fiicfiican ku xuuxinaynno dawladaha xun xun, ama in aan mabda`a suuban ee bulshada rayaidka ah la tartaansiinaynno sharta awoodaha siyaasadda.   Arrimaha noocaas ahi waa been, waana khatar.

Markaan u leexanno is-addoonsiga iyo xaqa barwaaqosooranka, waxay taariikhdu caddaysay in walwalka beni`aadminimo ee ka dhex dhashay bulshada rayidka ahi ay soo jiiteen taageero fara badan ilaa ay ka gaaraan agendayaasha siyaasadeed.  Laakiin isku ekaanshaha labadaasi (Siyaasadda iyo arrimaha Beni`aadminimo) waa in uusan hoosaasin kala duwanaanshaha labadaasi.  Hawlaha beni`aadminimo waa kuwo ku kooban waqti gaaban,  waxaa fuliya dad tiro kooban, waxaa loo fuliyaa dad cayiman, waxaana ay ku aaddan yihiin ujeeddo xadidan.  Taas ayaa saldhig u ah dhinaceeda wanaagsan iyo weliba dhaliilaheeda.   Siyaasaddu waa mid ujeeddo waqti dheer leh, iyada qudheeda ayaana ah dhaqdhaqaaqyada bulshooyinka.  Gargaarka beni`aadmino, macne ahaan, waa caalami.

Hawlaha beni`aaddminimo, waa mas`uuliyad aan xudduud lahayn.  Meel kasta oo dunida dacalladeeda dhibaato ka dillaacdo, waa in hawlaha beni`aadminimo ay ka jawaabaan.   Taas caksigeeda, siyaasaddu waxay taqaannaa xuduudaheeda,  halkii dhibaato ka dhillaacda, siyaasaddu waxay uga jawaabtaa siyaabo kala dduwan oo ku xiran hadba xiriirrada taariikheedd,  iskudheellitirnaanta awoodaha, iyo isku miisaamidda danaha kala duwan.  Waqtiga iyo bedka (Space) hawlaha beni’aadaminimo ma ahan kuwii siyaasaddu ay lahayd.  Kuwaasi aad bay u kala duwan yihiin arrimo kala duwan dartood, taasina waa si kale oo lagu garto mabaadii`da aas-aaska u ah hawlaha beni`admino.oo ah   “in la diido xal kasta oo ku tumanaya xuquuqda qaarka tabarta daran”. “waa in qofna aan si ula kac ah loo faquuqin ama loo dayicin iyadoo loo hurayo danaha iyo najaxidda mid kale”.  Hal naf oo manta joogta laguma cabbiri karo faa`idadeeda berri ah; hawlaha samafal ee “halkaan”  ka socdaana ma sharciyayn karaan in la dayaco hawlaha samafal ee “halkaas” looga baahan yahay.  Dabiiciyan xaddadnaanta waxa la heli karaa waa in ay saldhig u noqdaan kala doorashada (choice) meesha wax laga qabanayo/cidda wax loo qabanayo. Laakiin xaalka markaas jira iyo dhibaatooyinka ka hor imaanayaa waa in aysan beddelin macnaha asalka ah ee aragtida hawlaha samafalka.  Waa aragti macna ahaan qabta in la iska iloobo kala xulashada siyaasadeed. 

Manta waxaa na hor yaal jahawareer iyo madmadow ku jira waxa loogu yeeray: “hawlaha samafal ee militari”.  Waa in aan si cad oo xoog leh u caddaynnaa mabaadii`deenna ah: “hawlo samafal madaxbannaan oo rayid ah”.  Sidaas darteed waa in aan dhaleecaynnaa faragalinta waxa loogu yeeray: Samafal Military”.  Samafalka beni`aadmino wuxuu u jiraa in uu  “naf badbaadiyo”, ee uma jiro in uu “naf tirtiro”.  Hubkeennu waa “xisaabtan iyo qarsoodi la`aan”,  sida aan mugdi ugu jirin ujeeddadeenna, kuwaas oo aan ka macno yarayn dawooyinkeenna iyo qalabkeenna qalliinka.  Hubkeennu ma noqon karo dayuuradaha wax duqeeya iyo dabaabaadka dagaalka, xitaa haddii kuwaas isticmaalkoodu uu mararka qaarkood lagama maarmaan u yahay fulinta hawlaheenna.  Samafalka aadaminimo ma ahan military, militariguna ma ahan samafal.  Isku mid ma nihin, nalooma arki karo inaan isku mid nahay, nalakamana dhigi karo inaan isku mid nahay!   Sida cad taas ayaa sabab u ah in aan diidno in ay na maal galiyaan wadamada ku jira ururka NATO markii aan hawlaheenna aan ka fulinaynnay Kosovo.  Waana sababtaas tan aan u dhaleecaynnay waagaas, haddana u dhaleecaynaynno samafalka habowga ah ee NATO.  Sidoo kale waa sababtaas sababta aan uga dhinac shaqaynnaynno ciidamada laakiin aanan marna u hoos imanayn taliskooda.

Doodad taagan ee ku saabsan “ xaqa dawladaha ee faragalinta arrimo aadaminimo dartood (Droit d’Ingérence), waa arrin kale oo muujinaysa jahawareerka iyo caddayn la`aanta.  Waa arrin isku daygeedu yahay in hawlaha samafalka laga dhigo heerka “xadgudubyada siyaasadeed” (Abuse of power),  laguna baadi goobayo sharciyeyn beni`admino oo salka ku haysa tallaabooyin ammaan sugid oo lagu fulinayo fal dagaal.  Marka cidi isku dhex darto hawlaha samafalka iyo sugidda ammaanka, waxay ciddaasi hawlaha samafalka marinaysaa Burushka hawlaha amniga.

Waa in aan xusuusannaa in sharciga Qaramada Midoobay uu ku qasbayo in dawladuhu mararka qaarkood xoog wax ku faraglin karaan si ay u joojiyaan khatar caalami ah ee xagga ammaanka.  Looma baahna waana arrin khatar ah in samafal beni`aadminimo loo adeegsado arrintaas.  Dabayaaqada todobaadkan dalalka Yurub waxay fadhi ku yeelanayaan magaalada Helsinki si ay u samaystaan ciidammo loogu talo galay samafalka beni`adminimada. Waxaannu ka codsanaynaa dawladahaas in aysan hore ugu sii socon dhabbadaas khatarta ah ee khaldan ee aan ujeeddadeedu caddayn.  Laakiin waxaan dawladaha ku dhiirri gelinaynaa in ay raadiyaan waddo kale oo lagu sugayo amniga si loo xurmeeyo sharciga caalamiga ah ee samafalka iyo xuquuqul insaanka.

Hawlaha samafalku waxay leeyihiin waxtar xadaysan, mana noqon karaan kuwo bedeli kara  fal siyaasadeed qeexan.  Bilowgii xasuuqii Rwanda, MSF waxay ku qaylo dhaamisay in xoog lagu joojiyo xasuuqaas.  Sidaas waxaa iyana samaysay Laanqayrta cas (ICRC), hase yeeshee, qayladhaantaasi waxay la kulantay dhago awdan,  fiirsasho dano dalalku leeyihiin iyo diidmo mas`uuliyad siyaasadeed oo lagu joojin karayey Dembi ay tahay in aanu dib dambe dunida uga dhicin isagoo aan lala xisaabtamin cidda gaysanaysa.  Xasuuqaasi wuxuu ahaa mid dhammaaday intaan UN-ta  hirgalin Mashruuca Turquoise.  Waxaan jeclahay in aan martideenna ka xuso Chantal Ndagijimana.  Waxay xasuuqii Rwanda ku weyday 40 qof oo ka mid ah qoyskeeda.  Maantana waxay ka mid tahay shaqaalaheenna Brussels.  Waxay ka badbaadday xasuuqaas.  Laakiin sida malyan kale oo dad ah, aabbaheed, hooyadeed, walaalaheed kama ay badbaadin xasuuqaas.  Sidoo kale waxaan xasuuqaas ka badbaadin dhowr boqol oo ka mid ahaa shaqaalaheenna dalkaas u dhashay.  Waqtigaas waxaan ahaa madaxa hawlaha MSF ee magaalada Kigali. Erayo ma sharxi karaan geesinimada ay ku shaqeeyeen shaqaalaheenna reer Rwanda.  Erayo laguma sharxi karo sida naxdinta badan oo ay u dhinteen.  Sidoo kale erayo laguma sharxi karo sida aan aniga iyo MSF u xambaarsanaan doonno murugada qotodheer ee aan qabnno.

Waxaan xusuustaa hadal uu igu yiri mid ka mid ah bukaannadayda Kigali: “Ummera-ummera-sha”   Waa maahmaah Rwandese ah oo la macno ah marka si caadi ah loo turjumo: “Geesinimo, Geesinimo saaxiib.  Hel oo ha noolaato geesinimadaadu”.  Waxaa sidaas igu yiri qof dumar ah isbitalka magaalada Kigali, taas oo aan keliya lagu weerarin Baangad, hase yeeshee, dhammaan jirkeeda si ulakac ah oo foolxun loo googooyey.  Dhegaha ayaa laga jaray, wajigeedana waxaa loo qaabdooriyey si aad loo qorsheeyey, taas oo aad ku garan karto sida xariiqaha loogu safay.  Waxaa maalintaas isbitalka la keenay boqolaal rag, dumar, iyo caruur ah kuwaas oo inta tiradi ka bateen aan dariiqyada dhignnay, qaarkoodna qalliin ugu sammaynnay dariiqyada dhexdooda, iyadoo jardiinada  iyo biyoqaadeennada isbitaalku gebi ahaan la casaadeen dhiig.  Waxay ka mid ahayd in badan oo ku dhex nool masiibooyin beni`aadminimada ka baxsan oo ay adagtahay sida loo sharraxaa.  Ma jirin wax badan oo aan u samayn karnnay markaas oo aan ahayn in aan joojinno dhiigbaxaeeda iyo qalliimmo yaryar ama tolmooyin.  Waxaan ahayn kuwo gebi ahaanba bukaannadu  harqiyeen. Iyana way garanaysay sida aan aniguba u garanayey in dhaawacu tirada ka batay.  Waxay cod faseex ah igu tiri:   “allez, allez… ummera, ummera-sha” – “soco, soco… saaxiib; hel oo noolee geesinimadaada”.  Waxaa jira xad ay leedahay samafalka aadaminimo.. dhakhtarnna ma joojin karo xasuuq.  Ma jiro samafal aadaminimo oo joogin kara “Isir tirtir” sida aanay hawl samafal beni`aadam u samayn Karin “dagaal”.  Kuwaasi waa mas`uuliyadda siyaasadda, mana ahan baahi beni`aadminimo.   Aan si cad u iraahdo:  Hawlaha aadaminimo waa kuwa ugu fog in ay siyaasad lug ku yeeshaan, hase yeeshee, haddii ficilkeeda iyo fikirkeeda si buuxda loo qaato waxay yeelan kartaa macne iyo raad siyaasadeed kan ugu qoto dheer.  Waa taas xaqiiqdii midda la adkeeyey markii la samanayey maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee Rwanda iyo Yugoslaviadii hore.

Taas baa sidoo kale aad loo adkeeyey markii la dejinayey xeerarka maxkamadda dembiyada caalamiga ah.  Kuwaasi waa tallaabooyin wax ku ool ah.  Hase yeeshee maanta oo ah sannadguuradii 50aad ee ka soo wareegtay markii lagu dhawaaqay “Baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha”, ayaanay weli maxkamadaasi jirin, waxaana mabaadii`deeda aqbalay oo keli ah 3 dal sannadkii inaga tegey.  Haddii ay sidaas ku socoto, 20 sano ayey qaadanaysaa in maxkamaddaasi ay hirgasho.  Oo maxaan sugaynnaa?  Si kastaba ha ahaato dhibaatada siyaasadeed ee abuuritaanka caddaalad ee dawladaha caalamka, MSF waxay ka markhaati kacaysaa in dhibaatada beni`aadamka soo gaartaa ay tahay mid aan loo adkaysan karin.  Dawladaha oo keliya ayaa soo rogi kara xushmaynta xuquuqul insaanka.  Taasina waa in aysan noqn un astaan ama afgobaadsi.   Dabcan Srebrenica waxay ahayd xayndaab ama bogcad lagu badbaaddo “save haven”  taas oo innaga MSF ah aan joognnay.  UN ayaa iyaduna joogtay.. UN-ta  waxay sheegtay in ay ilaalinayso magaaladaas.  Waxaa ku sugnaa askarta koofiyadda buluugga leh.  Hase yeeshee QM si aamusnaan ah ayey isaga daawatay markii la xasuuqayey dadkii ku noolaa Srebrenica.

Marka aan eegnno iskudaygii khatarta ahaa ee QM in ay ku joojiyaan xasuuqyadii Rwanda iyo Yugoslaviadii hore, kuwaas oo sababay geerida kumanaan dad ah, MSF waxay si cad u diidan tahay mabaadii`da faragalin military oo aan lahayn qorshe cad, mas`uuliyad iyo xisaabtan si loo sugo ammaanka.  MSF macno uma laha in askartu muujiyaan in teendhooyinka qaxootiga ay u mudi karaan si ka dhakhsiyo badan sida NGOyada kale.  Hawlaha military ee UN ka waa in ay hoos yimaadaan dawlado iyo siyaasado baadi goobaya dhawritaanka xaquuqda dulmanaha.

Haddii hawlaha military ee QM mustaqbalka dambe loola jeedo in lagu ilaaliyo dadwyoga rayidka ah, waa in ay ka fogaadaan marmarsiinya (mea culpa),  ee xoghayaha guud u isticmaalay Srebrenica iyo Rwanda.  Waa waajib in la helo isbeddel lagu sameeyo hawlaha nabad ilaalinta ee QM.  Xubnaha golaha ammaanka waa in si aan qarsoodi lahayn loogula xisaabtamaa natiijada ka dhalata go`aakii ay u codeeyeen iyo kii ay is hortaageenba.   Xaqa ay u leeyihiin isticmaalka codka diidmada qayaxan ee “VETO” waa in sharci xadida loo sameeyaa. Xubnaha golaha ammaanka waa in ay si hagar la`aan ah u diyaariyaan wixii tasiilaad ah ee lagu fulin lahaa go`aannada ay gaarayaan.

Haa, hawlaha samafal waxay leeyihiin xadkooda. Waxay kaloo leeyihiin mas`uuliyadooda.  Ma ahan oo keliya xeerka akhlaaqda toosan iyo waxbaqad farsamaysan.  Marka kowaad waa damiir ku dahaaran waxa niyad wanaag ah.  Ujeedooyinka wanaagsan ee samafalka waa in la barbardhigaa natiijada dhabta ah ee ka dhalatay ama laga gaaray.   Waa halkaas halka ay soo galayso in nooc kasta  oo dhexdhexaadnimo xagga damaiirka ah  la diido.  Natiijo khalad ah oo ay tahay in la diido waa sidii loo isticmaalay gargaarka beni`adminimo oo lagu taageeray barnaamijkii khasab ku raridda ahaa ee Ethiopia 1985tii iyo sidii loo isticmaalay 1996 gargaarka aadaminimo ee lagu taageeray talis wax gumaada ee xeryaha qaxootiga ee Goma.  Mararka qaarkood waxaa habboon in faraha laga qaaddo si aan gargaarka loogu isticmaalin si lid ku ah dadka dhibban.

Mar dhawayd 1995tii, waxaan ahayn urur samafal oo madaxbannaan kii ugu horreeyey ee loo oggolaado in ay ka hawl galaan Waqooyiga Korea.   Si kastaba ha ahaatee waxaan door bidnnay in aan ka guurnno 1998dii.  Sabab?  Waxaan garawsannay in gargaarkeenna aanan u qaybin Karin si xor ah oo ka madaxbannaan hay`adaha dawladda.  Waxaan garawsannay in dadka kuwa ugu nuguli ay sidaas uun iska sii ahaanayaan, mar haddii cuntada gargaarka ah lagu naaxinayo habkii markiisi horeba sababay baahida, macluusha, iyo dhibaatada ay qabaan malaayiin dad ahi.  Gargaarkeennu waa in uu noqdaa mid xor ah madax bannaan oo ay la socoto weliba qiimayn, oo aan ku qaybinno kana daba tagnno gargaarka sidaas darteed dadka ugu dhibta badan in marka hore la kaalmeeyo.  Gargaarku waa in uusan hoosaasin sababihii dhibta abuuray.  Waana  in uusan noqon qalab siyaasad gudaha ah ama kuwa dibedda ah ee loo adeegsado abuuridda dhibaatada dadka halkii ay ka noqon lahaayeen kuwo ka hortaga oo wax ka qabta dhibaatooyinka.   Mar haddii xaal sidaas yahay, waa in aan wajahnaa laba daran mid dooro, oo aan doorannaa midda ugu roon xaaladaha qallafsan ee na hor yaal.

MSF ahaan, waxaan had iyo jeer su`aal ka keennaa, xadadka iyo kala caddayn la`aanta hawlaha beni`adminimo, khaasatan marka si qarsoodi ah lagu fulinayo gargaarka qaab ah danaha dawladaha iyo kuwa ciidamada.Toddobaadkii ina dhaafay Kongresska Maraykanku wuxuu gudbiyey sharci oggolaanaya in raashin si toos ah loogu gudbiyo mucaaradka ka dagaallama koonfurta dalka Sudan.  Taasi waa ku takrifal macnaha iyo ujeedada gargaarka beni`aadminimo.

Taasi waxay cuntada ka dhigaysaa shidaal loo isticmaalayo dagaal.  Waana dayacaad mas`uulyiad dawladeed ee ah in ay wax kasta iyo siyaasad kasta u isticmaasho in lagu huriyo dagaal sokeeye ee 17 sano jirsaday oo ay ku naf waayeen malaayiin dad ah.  Dagaalka sokeeyeee Sudan waa musiibo beni`adminimo oo barakicayey malaayiin dad ah kuwaas oo khatar ugu jira gaajo, macluul,iyo cudurro, Waa meel dadka la bomgareeyo, si joogto ah loo dhaco, amaba xitaa la addoonsado, iyadoo danaha sharikadaha saliidda ay yihiin kuwo la ilaaliyo. Waa meel  aadaminadu ku kooban tahay oo keliya sida jeebab yar yar oo kale (pockets). Halkaas oo innaga, NGOyada kale iyo UN aan dagaal ugu jirnno si aan u keenno gargaar aadaminimo iyo daryeel.    Dagaalkan in cunto lagu huriyo ma jidka siyaasadeed ee qura ee furanbaa?  Gargaar cunto amaba gargaar aadaminimo – haduuba yahay gargaar aadaminimo – waa in uusan noqon qalab dawladuhu adeegsadaan.   Xaaladdan oo kale waa in aan cambaaraynnaa isticmaalka noocana ee khiyaamada ah ee gargaarka beni`aadminimo kaas oo jahawareerinaya macnaha gargaarka aadaminimo.   Haddii siyaasaddu ku dhex gabato ambulaansada, markaas shaki kuma jiro in ambulaansada dambe la bartilmaameedsan doono oo la toogan doono.   Sidoo kale mar haddii gargaarka cuntada loo isticmaalay hub lagu dagaallamo, waxay taasi sharciyeynaysaa in beni`aadamka gaajo iyo macluul loo dilo, si loogu isticmaalo hub dagaal ahaan.  Samaflka aadaminimo ee madaxa bannaan waa halgan joogto ah oo wax lagu gargaarayo, waxna lagu daryeelayo.  Inta badan hawlaheenna iyo mashaariicdeennu ma ahan kuwo war baahintu ka war hayso, mana ahan kuwo qaybaha awoodda siyaasadeed lihi ay daneeyaan ama dareenkooduba u soo jeedo.

Waxay hawlaheennu ku dhex nool yihiin ama ka dhex adeegaan gunta hoose iyo ubucda meelaha ay ka jiraan dagaallo la hilmaamay iyo dhibaatooyinka la iska indha tiray.   Dadyow aad u tiro badan oo Afrikaan ah ayaa kula dhex nool rafaad farabadan, iyagoo jooga qaarad qani ku ah khayraad dabiici iyo dhaqammo qani ah.   Boqolaal kun oo dad ah ayaa lagu qasbaa in ay dhulalkooda iyo qoysaskooda ka haajiraan, una baqoolaan  saffarro qarsoodi ah iyagoo raadinaya shaqo, cunto, in ay tacliin u helaan caruurtooda iyo keliya in ay noolaadaan.Kuwaasi oo ugu dambaysta safarradoodu ku soo gebagaboobaan xabsiyo naar ah ee hay`adaha socdaalka, amaba keliya nolol “ha dhiman” ah ku hela ubucda adduunkeennan ilbaxnimada sheegta.

Shaqaalaheenna iyo mutadawaciinteennu waxay ku dhex nool yihiin kana dhex shaqeeyaan dadyow sharaftooda iyo xuquuqdoodaba lagu xadgudbo maalin walba.  Mutadawaciintani waxay si xor ah u doorteen in ay xorriyaddooda u isticmaalaan sidii ay dunidan uga dhigi lahaayeen meel la xamili karo in lagu noolaado.Inkastoo ay jiraan doodo waaweyn ee ku saabsan Nidaamka dunida, haddana hawlaha aadminimo waxay ku soo ururaan hal shay:  In qof beni`aadam ahi gacan u fidiyo oo u soo baxo caawinta kuwa ay haysato xaalad dhibaato tan u weyni.  Waxay gaaraan hadba hal boog faashadda ku duuban, hadba hal tollin nabar, iyo hadba hal tallaal.  MSF, 80ka waddaan ee ay ka shaqayso, oo in ka badan 20 ka mid ah ay dagaaallo ka jiraan, waxay taas macnaheedu ula mid tahay in ay adduunka soo gaarsiiyaan caddaalad darrida ay arkaan.  Waxaas oo dhan waxaa loola dan leeyahay rajada ah in wareegga rabshadaha iyo burburintu uusan iska socon weligiis.

Innagoo gudoomaynna abaalgudkan sharafeed, waxaan guddiga Nobelka uga mahadcelinaynaa sida ay u xuseen una taageereen xaqa hawlaha samafalka beni`aadminimo ee ka socda dunida oo dhan.  Sidoo kale waxaan uga mahadcelinaynaa sida ay u qiimeeyeen wadada samafal ee xumo diidka ah ee MSF ay dooratay.  Waddadaas oo ah in aan codkeenna kor u qaadnno, ku adkaysanno mabaadii`deenna mtadawacnimo, dhexdhexaadnimo, iyo rumaynta ah in qof walba uu xaq u leeyahay in loo aqoonsado aadami ahaan.  Shaqaalahayaga iyo  mutadawiciintayada, ayaa maalin walba u halgama in ay arrintaas ka dhigaan mid rumowda. Kuwaas ayaa suurtogeliyey in ugu yaraan ay abuuranto bogac yar oo nabadeed oo ay u sameeyeen dadka ay la soo gudboonaato dhibaato baaxad weyn, kuwaas ayaana ah xaqiiqda nool ee MSF!

Mar labaad Waad Mahadsantihiin!