Ku saabsan

MSF waxa ay u taagan tahay Médecins Sans Frontières. Kani waa magac uu macnihiisu yahay Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn. MSF waa ururka caafimaadka bani’aadamnimada ku dhisan ee ugu weyn dunida oo dhan, oo mashaariic ka wada in ka badan 65 dal.

MSF nurse in Jowahr

Yoolka MSF

Yoolka MSF waa in gargaar degdeg ah ay siiso dadka ay saameeyeen iskahorimaadyada hubeysan, cudurrada saf-mareenka ah, kuwa aan haysan daryeel caafimaad iyo kuwa ay saameeyeen masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dad sameega ah. Gargaarka ay MSF dadka siiso waxa uu ku dhisan yahay baahida jirta oo keliya, iyada oo aan qofka loo eegeynin jinsi, diin, dheddig-labood, siyaasad iyo qabiil. MSF waa urur caafimaad; bukaan waa un inoo bukaan, ee waxba nagama gelin sida ay dadka kale u arkaan bukaankaa.
Si aad u aragtid shaqada MSF ee dunida dacaleeded riix hakala

Xeerka MSF

MSF waxay ilaalinaysaa mabaadii`da dhexdhexaadnimada iyo in aysan dhinac noqon, iyadoo raacaysa xeerka caalamiga ah ee dawaynta, iyo xaqa gargaarka beni`aadminimo; waxayna dalbanaysaa in aan la is-hortaagin iyo in ay si xorriyad buuxda ah hawlaheeda u fuliso.

Mutadawiciinta MSF waxay balanqaadayaa in ay xurmaynayaan ayna dhawrayaan xeerkooda iyo mabaadiid`dooda xirfadeed, isla markaasna ay ilaashanayaan madaxbanaanidooda taamka ah ee ay ka madaxbannaan yihiin dhammaan xooggaga siyaasadda, kuwa dhaqaalaha iyo kuwa diimaha. Mutadawiciin ahaan, mutadawiinta MSF waxay si buuxda u ogyihiin halista iyo khatarta hawlaha ay qabanayaan; mana lahan wax xaquuq magdhaw ah iyaga iyo dadka ay u adeegaan toona oo aan ka ahayn waxa MSF ay u awooddo.
Sii akhri xeerka MSF


MSF team assisting families affected by the flooding in Beledwene,Somalia © MSF

Taarikhda MSF

MSF waa hay’ad caafimaad oo aan faa’iido-doon ahayn oo la aasaasey sanadkii 1971. Maanta MSF waa dhaqdhaqaaqa caalami ah, oo leh 19 xafiisyo daleed iyo xafiis caalami isugu jira. Badi shaqaalaheenna dadaalka badan waxa ay ka yimaadeen dalalka aan mashaariicda ka wadno, kuwaas oo ay taageerayaan tiro yar oo shaqaale caalami ah oo iyagana muhiimad kuwaas hore la mid ah leh.
Akhri taarikhda MSF


Dakhliga MSF

Sanadkii 2009  MSF waxay uga baxday  €648.2 Malyan  fiditaanka daryeel caafimaad dunida dacaladeeda. €23,375,362ka mid ahi waxaa loo isticmaalay Soomaaliya. Akhri akhbaaraadka maaliyadeed ee MSF

Ka hadlid baahida biniáadminimo

MSF sidoo kale waa ay ka hadashaa si ay indhaha ugu soo jeediso baahida bani’aadamnimo ee dadka iyo silaca aan la aqbali karin. Tusaale ahaan ; marka la carqaladeeyo helitaanka ay dadku helaan daryeel caafimaad oo nafo-badbaadiya ; marka tas-hiilaadka –muhiimka u ah bixinta daryeelka –halis la geliyo ; marka dhibaatooyin jira la dayaco ; marka gargaarka loo baahan yahay ee la bixiyo aanu dad ku filnayn ama lagu xadgudbo ; iyo in ay u qareemeyso wanaajinta daaweynta iyo borotokoollada caafimaadka.

Sanadkii 1999 ayaa MSF waxa ay heshey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel iyada oo lagu aqoonsanayo hawsheeda. Sanadkii 2004 MSF waxaa ay guddoontey Abaalmarinta Hoggaaminta Bani’aadamnimada ee Boqor Xuseen.

Guji halkaan si aad u aragto qoraalka hadalkii guddoomidda