Dhacdooyinka

MSF kama shaqeyn karto gudaha Soomaaliya haddii aaney haysan taageerada bulshada, oo ay ka mid tahay tan Soomaalida dibad-joogga ah. Qayb muhiim ah oo ka mid ah hawsha MSF ee Soomaaliya waxa ay ku lug leedahay wargaarsiinta bulshada, u sharraxidda nooca urur ee ay MSF tahay, sida ay u shaqeyso, waxa ay sameyso iyo sababta, iyo bixinta warar iyo macluumaad la xiriira hawlaheenna. MSF waa urur daahfuran waxaana aan aaminsanahay in wargaarsiintan furani ay aasaasi u tahay hawlgalladeenna.

Sanadihii 2008/9 waxa ay bilowdey in ay waxqabadyadan wargaarsiineed ku baahiso Soomaalida dibad-joogga ah, iyada oo kulanno u qabanqaabisey bulshooyinka ku nool Nayroobi, London iyo Toronto. Kulamadaan ka dhacaya gudaha Soomaaliya iyo dibaddeedaba ayaa socon doona inta lagu jiro sanadka 2010ka.

Macluumaad dheeri ah fadlan kala soo xiriir:

Ahmed Dahir Noor

msf-press-somalia@msf.org