MSF OO KU KHASBAN INAY XIRTA DHAMMAAN MASHRUUCYADA SOOMAALIYA

14.08.2013 | Qeybta Guud, Taakulada Soomaalida

Tacaddiyo iyo Faragelin ka dhan ah Howlaha Samafalka ayaa joojinaaya Gargaar Caafimaad oo Soomaaliya 22 sana ka socday; Kooxa hubeysan iyo Madaxda Maamulada maxaliga ah, sida ay u Taageereen islamarkaana ay u Ogolaadeen Weerarada ka dhanka ah MSF ma ahan mid waafaqsan Heerka ugu Hooseeya ee Xaaladda Ammaanka ee loo Baahanyahay si loo siiwada Mashruucyada gargaarka ah

Neyroobi/Jeniifa, Agosto 14, 2013 – Ka dib markii ay si joogta ah uga shaqeysay Soomaaliya tan iyo sanandkii 1991,hay’adda samafalka cafimaad ee Caalamiga ah ee Dhakhaatiirta aan Xuduuda Leheyn ee (MSF) waxey manta ku dhawaaqeysaa xiritaanka dhammaan mashruucyadeeda Soomaaliya, tasoo ah natiijada weerarada xaddhaafka ah ee lagu qaaday shaqaalaheeda ka howlgala meela ay kooxa hubeysan iyo madaxda maamulada maxaliga  ay sii taageerayaan, ama ay ka aamusan yihiin dilka, weerarada, iyo afduubka loo geysta shaqaalaha samafalka.

Mararka qaar, khaasatan maamuladaan oo aanan ahayn oo keliya kuwa ka jira gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay laasim tahay in MSF ay kala xaajoota damaanaqaadka heerka ugu hooseeya ee xaaladda ammaan si ay u ixtiraamaan mashruucyadeeda bani’aadamnima, waxey dowr ka ciyaareen tacadiga loo geystay shqaalaha MSF sida ka qeybqaadasha toos ah ama ogolaansha ay ogolyihiin fulinta falalkaas tacadiyada ah. Wax ka qabasha la’aanta iyo ogolaanshaha fulinta tacadiyadaan waxey si toos ah gargaar caafimaad uga joojineyaan kummanaan shacab Soomaali ah, ayey tiri MSF.

22 sana ooy Soomaaliya ka shaqeyneysay, MSF waxey la xaajootay kooxa hubeysan iyo maamula kala duwan oo gooba kala duwan ka arimiya. Xaaladda gaarka ah ee baahida gargaarka bani’aadamnima ee dalka waxey ku khasbtay hay’adda iyo shaqaalaheeda inay ku shaqeeyaan xaalad khatar ah – iyadoo inta badan xaaladahaas ay la soo darsaan shaqaalaha Soomaalida ah–iyo inay ogolaatay xadgudubyo ka dhan ah xeerarka howlgaladeeda oo ku saleysan madaxbanaanideeda iyo dhexdhexaadnimadeeda.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyey oo uu ka mid yahay dilkii dhawaa ee arxan darada ahaa oo labo shaqaalaha MSF loogu geystay Muqdisho bishii Diseembar 2011 iyo siidayntii ninkii dilkaas geystay; iyo weerarkii afduubka loogu geystay labo aka mid ah shaqaalaheena xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab kaas oo ku dhamaaday siideyntooda bishii la soo dhaafay 21 bilood ka dib afduub loogu haystay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Labadaan dhacda waa kuwii ugu dambeeyay ee tacadiyadii xumaa ee is xigxigay. Afar iyo toban kaloo ka mid ah shaqaalaha MSF ayaa la dilay, hay’adana waxaa soo maray weerara dhowr ah oo loo geystay shaqaalaheeda, gawaarideeda bukaan la roorka, iyo xarumaheeda caafimaad tan iyo sanadkii 1991.

“Dilka, weerarada, iyo afduubka shaqaalaha samafalka oo ay kukaceen kooxahaan hubeysan iyo maamulada maxaliga ah ee ka aamusan falalkooda, waxey nasiib dara u noqdeen daryeel la’aanta nafaf dhowr ah ee Soomaaliya gudaheeda ku nool,” ayuu yiri Dr. Unni Karunakara, madaxweynaha caalamiga ah ee MSF. “Waxaan joojineynaa mashruucyadeena Soomaaliya sababtoo ah xaaladda dalka waxey sababtay in la is barbardhigi waaya khatarta iyo tanaasulka shaqaalaheena laasim ku ah inay qaataan, iyo awoodda aan u leehnahay inaan taageera siina dadka Soomaalida.”

Ka sokow dilalka, afduubyada, iyo tacadiyada ka dhanka ah shaqaalaha, ka howlgalidda Soomaaliya waxey micnaheedu tahay in MSF ay ku khasbaneyd in ay qaadda tilaabada ah isticmaalka ilaala hubeysan, taas oo ka duwan dalalka kala, iyo inay u dulqaadata xaalad adag oo la xiriirta awoodda ay ku kormeeri karta islamarkaana ay ugu jawaabi karta baahida dadka Soomaalida.

Howlaha baniaadamnima waxey u baahan yihiin heer aqoonsi ah ee qiimeynta shaqada gargaarka caafimaad, sidaas darteedna ogolaanshaha dhammaan kooxaha iskasoo horjeeda iyo bulshooyinka ee bixinta taageera caafimaad, iyo sidoo kale xeerarka howlgalada ee madaxbanaanida iyo eexasha la’aanta. Waxaa intaas dheer, in maamuladaan ay waajib tahay inay muujiyaan awoodda iyo rabitaanka sugidda heerka ugu hooseeya ee ammaanka bukaanka iyo shaqaalaha ee laga xaajooda. Ogolaanshahaan, waxuu mar walba ahaa mid aad u liita gaar ahaan goobaha iska horimaadyada ay ka jiraan, mana ka jira Soomaaliya maanta.

“Sidaa darteed, shacabka Soomaalida ayaa dhibaatada ugu weyn ayey soo gaari doontaa,” ayuu yiri Dr. Karunakara.  “Inta badan dadka Soomaalida ma arkin dalka oo dagaal ama macluul la’aan ah. Iyagoo waliba helaya taageera ka yar inta loo baahan yahay, ayaa haddana bartilmaameedsiga shaqaalaha samafalka ee kooxaha hubeysan iyo madaxda maamulada maxaliga ah iyo ka aamusnaantooda tacadiyadaan waxey joojiyeen daryeelkii yaraa ee caafimaadka ee ay haysteen dadka Soomaalida ah.”

MSF waxey xireysaa dhammaan howlaheeda caafimaad ee mashruucyadeeda Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin kuwa caasimadda Muqdisho, iyo hareeraheeda ee Afgooye iyo Dayniile, iyo sidoo kale Balcad, Diinsoor, Gaalkacyo, Jilib, Jowhar, Kismaayo, Marerey, iyo Burco. In ka bada 1,500 oo shaqaala ah ayaa bixiyay adeegya kala duwan, ooy ka mid yihiin daryeelka caafimaad ee asaasiga ah, daaweynta nafaqa darada, daryeelka dhalmada, qaliin, ka hortagga cudurada safmarka, ololooyinka talaalka, iyo bixinta biyo iyo qalab kaloo gargaar ah. Sanadkii 2012 oo kali, kooxaha MSF waxey bixiyeen in ka badan 624,000 oo ah talooyin caafimaad, waxey daaweeyeen 41,100 oo ah bukaan jiif ah, waxey u daryeeleen 30,090 oo ah caruur nafaqa dara ay haysa, waxey talaaleen 58,620 qof, iyo 7,300 oo ilma ah ooy dhaliyeen.

Taariikhdeeda 22’da sana ah ee ay Soomaaliya ka shaqeyneysay, shaqaalaha MSF waxey aad u ogyihiin baahida weyn ee dadka Soomaalida. Iyadooy MSF mar walba ka go’an tahay inay wax ka qabato baahidan aadka u xun, iyadoo u marineysay daryeelkeeda caafimaad iyo gargaarka bani’aadamnima. Mar haddi ay sidaa tahay dhammaan maamulada maxaliga ah waa khasab  inay si ficil ah u muujiyaan rabitaanka iyo awoodda si ay suurtagal uga dhigaan  fududeynta iyo bixinta taageerada baniaadanima ee la siiyo dadka Soomaalida iyo weliba inay ixtiraamaan badbaadada samafalayaasha kuwaas oo noolashooda khatar u geliyey  daryeelaan dadka.

Tags:

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud

Qoraalada kale ee ku saabsan Taakulada Soomaalida