MSF oo mar kale cambaareysay afduubkii 2 ka mid ah shaqaalaheeda loogu geystay Dhadhaab, ku baaqdayna in la sii daaya

04.04.2013 | Qeybta Guud

Bishii Oktoobar sanadkii 2011, Montserrat Serra iyo Blanca Thiebaut waxaa laga afduubay xerada qaxootiga ee Ifo 2 oo ku taala Dhadhaab, Kiinya, iyago shaqeynaaya si ay u taageeraan Soomaalida halkaa ku nool ee dhibaateysan. Ka dib waxaa loo wareejiyay Soomaaliya, oo laga yaabo in weli si khasab ah loogu haysta.

MSF waxey mar kale ay ku celineysaa carada iyo cambaareynta ku aadan falkaan rabshada ah ee lagula kacay shaqaalaha samafalka waxeyna ku baaqeysaa in sida ugu dhakhsiyaha badan loo sii daayo.

Qoysaska Thiebaut iyo Serra waxey muujinayaan walbahaarka iyo xanuunka ay ka qabaan afduubka iyagoo doonaya in ay sameeyaan wax walba oo awoodooda ah si ay u soo sii daayaan Blanca iyo Montserrat. Waxey dhanka hay’adda MSF warbaahinta gudaha dalka iyo dibadaba uga soo gudbinayaan mahad naq ku saabsan taxadarka ay muujiyeen wakhtigaas oo dhan oo ay gabdhuhu afduubnaayeen. MSF waxey mar kale ugu yeereysaa warbaahinta in ay taxadarkaas sii wadaan.

Tags: , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud