WAA IN AAN GARGAARKA LAGA MID DHIGIN OLOLAHA XASILINTA SOOMAALIYA

28.02.2013 | Qeybta Guud

© MSF/Yahya A Somali woman with her two children in an MSF facility in Somalia

Gargaarka oo La Dhexgeliyo Istiraatiijiyadda Siyaasadeed iyo tan Mileteri ee Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika waxaa ay Halis Gelineysaa Hawlaha Bani’aadamnimada

New York/Paris – Dadaallada Qaramada Midoobey ka socda ee gargaarka bani’aadamnimada lagu dhexgelinayo ololaha caalamiga ah ee mileteri ee ka dhan ah kuwa ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya waxaa ay halis kale sii gelinayaan in si ammaan ah oo madax-bannaan oo eex aan lahayn gargaar lagu gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee la rafaadsan dagaalka socda, digniintaa waxaa maanta bixiyey ururka bani’aadamnimada caalamiga ah ee caafimaadka Médecins Sans Frontières (MSF).

Iyada oo dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka doodayaan qaab-dhismeedka mustaqbalka ee hawlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, ayaa Mareykanka iyo Faransiisku ay si weyn u taageerayaan in gargaarka bani’aadamnimada looga faa’iideysto sii adkeynta guulihii mileteri ee laga gaarey dagaalka lagula jiro xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya (TFG) . Dadaallada lagu doonayo in hawsha bani’aadamnimada lagu dhexgeliyo ajande istiraatiijiyadeed oo ballaaran waxaa ay wax u dhimi karaan aaminaadda loogu baahan yahay gaarsiinta gargaarka, waxaa ay uga sii darayaan wada-hadallada lala gelayo dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda, waxaa ay hay’adaha gargaarka ku keenayaan handadaado hor leh oo dhinaca ammaanka ah, waxaana ay ka hor imanayaan in gargaar la gaarsiiyo dadka u baahan ee ku nool guud ahaan dalka. Kooxaha gargaarka ee madax-bannaan ayaa si fudud loogu qaadan karaa in ay ku lug leeyihiin hawlaha mileteri iyo kuwa siyaasadeed.

“Iyada oo dadka Soomaaliyeed ay weli la silcayaan helidda baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha, sida cuntada, daryeelka caafimaadka iyo ka badbaadidda rabshadda, waxaa waajib ah in mudnaan la siiyo gargaarka bani’aadamnimada waana in uu ahaadaa mid gebi-ahaanba ka madax-bannaan ajande siyaasadeed oo kasta,” ayaa uu yiri Jerome Oberreit, MSF Secretary Generalm xoghayaha guud ee Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduuda laheyn. “Nidaamka gargaarka waa in aan laga dhigin la-hawlgale fuliya hawsha la-dagaallanka kacdoonka ama dadaallada xasilinta ee Soomaaliya.”

In kasta oo xoogaa ay soo wanaagsanaatey xaaladda ammaanka ee caasimadda, Muqdisho, iyo degaanno ay gacanta ku hayso TFG , Qaramada Midoobey, iyo ciidamda Midowga Afrika, haddana qiyaas ahaan 70 boqolkiiba dadka Soomaaliyeed waxa ay weli u baahan yihiin gargaar aasaasi ah. Soomaalidu badidoodu waxaa ay joogaan degaanno ay gacanta ku hayaan kooxaha hubeysan ee mucaaradka ah. Waa in gargaarku uu ahaadaa mid madax-bannaan oo dhexdhexaad ah si markaa hay’adaha bani’aadamnimadu ay gargaar gaarsiinta ugala xaajoon karaan dhammaan dhinacyada colaadda ku lug leh, ayaa ay tiri MSF.

Bedqabka bukaannada iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa maanta culeys mug leh ku ah Soomaaliya. In si dhab ah loo fahmo in ay yihiin kuwo eex-lahayn, dhexdhexaad ah oo madax-bannaan ayaa ah mid ka mid ah siyaabaha keliya ee lagu yareyn karo halisaha haysta hay’adaha gargaarka bani’aadamnimada. Iskudaymo lagu doonayo in lagu sii siyaasadeeyo gargaarka waxaa ay bukaannada iyo shaqaalaha gargaarka sii gelineysaa halis tii hore ka badan.

“Sida aan horey ugu soo aragney Afganistaan, Ciraaq, Sierra Leone, iyo Angola, marka xasilinta mileteri ama dadaallada nabad-ilaalintu ay gargaarka bani’aadamnimada ka dhigtaa mid ka mid ah siyaabaha ay ku gaaraan ujeeddooyin siyaasadeed iyo kuwo ammaan, waxaana caadi ahaan dhacda in hawl-wadeennada gargaarka ay noqonayaan kuwo la xaaraantanimeeyo oo gargaarkuna aanu gaari karin dadka ku xayirma goobaha colaadda oo baahiyuhu ay ugu badan yihiin,” ayaa uu yiri Oberreit. “Mararka ay xaaladdu gaarto meel xun, waxaa dhacda in gargaarka xataa loo diido dadweynaha si loogu gaaro dano siyaasadeed oo la xiriira dadaallada xasilinta. Gargaarka bani’aadamnimada waa in uu gebi ahaanba ku saleysnaadaa baahida dhabta ah ee dadweynaha, oo aanu ku xirnaan ajende kale waxa uu doono ha ahaade.”

Soomaali fara badanoo ku nool dalka gudahiisa waxey u baahanyihiin gargaar baniaadamnima. In badan oo ku nool goobaha ay iskahorimaadyada ka jiraan, iyoo gooba ay maamulaan kooxa hubeysan, sida Koonfurta iyo bartamaha Soonaaliya, oo kordhinaya baahida loo qaba madaxbanaanida bxinta gargaarka. In ka badan 730,000 qof oo Soomaali ah ayaa magangeliya u raadsaday Kiinya iyo Itoobiya. Guud ahaan gargaarka laga bixiya xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee Kiinya oo ay ku noolyihiin boqolaal kun oo qaxooti Soomaali ah waa mid aad u yar. Go’anka ay Kiinya ku dhawaaqday in qaxootiga ay laabtaan waa mid lagu dhawaaqay wakhti aan habooneen maadaama xaaladda amaanka ee Soomaaliya ay weli aheyn mid degan.

In ka badan boqol qof oo Soomaali ah ayaa maalin walba soo gasha Itoobiya  iyagoo ka sheeganaya, amaan dara iyo cunta yari. Sahan dhowaan lagu sameeyey bukaannada MSF, ayaa in ka badan (424 oo ka mid ah 820) ay sheegeen in ay ku barokaceen Soomaaliya gudaheeda ama gobolka Liibaan, Itoobiya. Rabshad toos ah ama mid ay ka baqeen ayaa ahaa sababaha u waaweyn ee ay u soo barokaceen (46%) taas oo ay ku xigtey cunto yaraan ay keeneen abaarta iyo helitaanka gargaarka oo kooban (32%).

“Noolasheyda in ka badan 10 jeer ayaan barakaay,” haweeney 25 jir ayaa oo ka timid gobolka Jubada Hoose ayaa sidaa ku tiri MSF. “Ninkeyga waxaa uu ku geeriyooday weerar la soo qaaday, laba ka mid ah caruurteydana waxey u geeriyoodeen cuno la’aan. Waxaan isku dayaa in aan adkeysta laakiin xaaladda dalkeena uu ku jirey muda dheer ayaa ahj mid na dileysa.”

MSF waxey horay u hakisay qaar ka tirsan mashruucyadeeda, amaan dara awadeed. Bishii Oktoobar sanadkii 2011, laba ka mid ah shaqaalaha MSF, Montserrat Serra iyo Blanca Thiebaut, ayaa laga afduubay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab waxaana lageeyay Soomaaliya, oo MSF ay aaminsantahay in weli lagu haysta. Afduubka ka dib iyo ilaa inta laga soo siideynaya gabdhahaas, MSF waxey mashruucyadeeda ku koobtay xalaadaha deg degga ah oo nafafka lagu badbaadiya ee kali.

MSF waxaa ay si joogto ah uga shaqeyneysey Soomaaliya tan iyo 1991, waxaana ay weli daryeel caafimaad oo nolol-badbaadin ah siineysaa kumanaan Soomaali ah oo ku nool toban gobol oo dalka ka tirsan, iyo sidoo kale dalalka deriska la ah ee Kenya iyo Itoobiya. In ka badan 1,400 shaqaale ah, oo ay taageeraan ku dhowaad 100 qof oo jooga Nayroobi, ayaa bixiya adeegyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin daryeelka caafimaadka aasaasiga ah oo lacag la’aan ah, dabiibidda nafaqo-xumada, caafimaadka hooyada, qalliin, wax ka qabashada cudurrada dillaaca sida daacuunka ama jadeecada, ololayaal tallaal, bixinta biyo iyo sahay gargaar. Intii lagu jirey nuskii hore ee sanadkii 2012, MSF waxaa ay dabiibtey ku dhowaad 30,000 carruur nafaqo-xumo ba’ani ay hayso ah waxaana ay 75,000 ka tallaashey cudurrada faafa. Kooxaha MSF waxaa ay sidoo kale gacan ka geysteen in hooyooyinkooda ay ka umuliyaan in ka badan 7,300 carruur waxaana ay bixiyeen ku dhowaad nus-milyan la-talin caafimaad ah oo ay ku bixiyeen tas-hiilaadkooda caafimaadka dhexdooda. MSF waxaa ay gebi ahaanba deeqo shakhsi ah ugu tiirsan tahay hawlaheeda ay ka waddo Soomaaliya mana aqbaleyso maal-gelin ay dowlad ka hesho.

Tags: , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud