Caafimaadka Hooyada/Dhalmada ee Wardheer

28.01.2013 | Itoobiya, Gobolka ay Soomaalidu degto, Qeybta Guud

Wardheer waa magaalo ay deggan yihiin qiyaastii 15,000 oo ku taalla meel fog oo ka tirsan Itoobiya oo ku dhow xuduudda Soomaaliya. Colaad hubeysan oo ka socota ayaa weli dhibaato ku ah degaanka taas oo nabadgelyo-xumo joogto ah ku keenta dadka rayidka ah iyada oo sidoo kale yareyneysa helitaanka adeegyada caafimaadka oo sababeysana culeysyo lagala kulmo gaaridda adeegyada caafimaadka ee jira. Médecins Sans Frontières (MSF) waxaa ay adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah oo ay ka mid yihiin kuwa ka horreeya dhalmada oo ay ku bixisaa cusbitaalka guud ee magaalada iyo iyada oo adeegyada geyso magaalooyinka yaryar ee ku yaalla degaanka. Bukaanno boqollaal gaaraya ayaa maalin kasta la qaabilaa, kuwaas oo badanaaba qaba caabuqyada neefmareenka ee ay ka mid tahay qaaxo, cudurrada maqaarka, nafaqo-xumo iyo dhaawacyo. Mid ka mid ah hawlaha aasaasiga ah ee MSF sidoo kale waa daryeelidda haweenka uurka leh.

Kooxaha MSF ayaa dabiiba haweenka iyaga oo bixiya daryeelka ka horreeya iyo kan ka dambeeya dhalmada waxaana ay ku dadaalaan in ay hubiyaan in haweenku ay si ammaan ah u umulaan. Celcelis ahaan labaatan carruur ah ayaa bishiiba lagu dhalaa cusbitaalka. Haweenka ayaa badanaaba la dhigaa cusbitaalka iyaga oo qaba dhibaatooyin la xiriira uurka, haween badan oo cusbitaalka yimaada ayaa miisaankoodu hooseeyaa, tabar-daran oo fuuq-baxsan taas oo aaney sababin oo keliya xaaladaha nololeed ee adag ee laakiin ay sidoo kale sababeen uurar badan oo is-xigxiga oo waqti yari uu u dhexeeyo.

Sida ay tilmaamayaan tirooyinka ay soo saartey dowladda degaankan fog ee xuduudda ku yaalla, keliya 3.8 boqolkiiba ay haweenka ayaa hela daryeelka ka horreeya dhalmada marka la barbar dhigo in 42.1 boqolkiiba ay dalka oo dhan helaan adeeggaa waxaana keliya 2.6 boqolkiiba ay ka umuliyaan xirfadlayaal caafimaad marka la barbardhigo 12.4 boqolkiiba heer qaran ahaan. Haweenka badidoodu waxaa ay ku umulaan guryahooda ama baadiyaha iyada oo ay caawiyaan umuliso-dhaqameedyada.

Berigii hore haweenku waxaa ay Cusbitaalka Wardheer oo ay MSF ka shaqeyso imaan jireen haddii ay dhibaato kala kulmaan foosha. Kooxda MSF ee ka kooban umulisooyinka iyo kaalkaaliyeyaasha caafimaadka ayaa sheegaya in ay tani si tartiib-tartiib ah isu beddeleyso iyada oo haween intii hore ka badan ay cusbitaalka u imanayaan baaritaannada ka horreeya dhalmada.

Hal bil ka hor ayaan ka soo noqdey Wardheer halkaas oo aan ku soo qaatey waqti aan kula kulmey umulisooyinka iyo shaqaala caafimaadka ee MSF iyo haween uur leh. Shantii maalmood ee aan soo joogey Wardheer laba ilmood oo yaryar ayaa ka dib markii dhasheen u dhintey dhibaatooyin la xiriirey uurka. Ilmo yar oo gabar ahayd ayaa u dhimatey ka dib markii ay dhalatey iyada oo daba-keen ah. Dabakeenka waxaa la yiraahdaa ilmaha marka ay dhalanayaan soo hormariya lugaha ama dabada, taas oo dhalidda ka dhigta mid intii hore ka dhib badan.

Halkaan waxaan ku xusayaa qaar ka mid ah sheekooyinkii ay ii sheegeen haweenkii aan la kulmey:

Umulisada:  Iimaan

“Soomaalida dhaqankeeda waxaa ka mid ah in gabdhaha la guursado iyaga oo da’ yar iyo in ay carruur badan dhalaan. Mararka qaar ilmaha waxaa ay dhintaan ka hor inta aaney qaanqaarin sidaa daraaddeedna haweenku waxaa ay ilaa toban carruur ah ku dhalaaan muddo kooban. Ka dibna haweenku waa ay tabar-darreeyaan; jirkooduna ma awoodo in uu u adkeysto in ay uur kale qaadaan muddo kooban ka dib markii ay dhaleen waxaana qaar badan oo ka mid ah ay yihiin kuwo dhiigyaraan iyo dabar-darro ay hayaan. Haweenka iyo gabdhaha badanaaba ma helaan cunto ku filan oo ay cunaan.

Marka ay haweenku is-ogaadaan in ay uur leeyihiin, dabcan aad bey ugu farxaan laakiin sidoo kale waa ay baqayaan sababta oo ah waxaa ay og yihiin in ay adag tahay halkaan lagu dhalo. Haweenka uurka leh waxaa ay la kulmaan dhibaatooyin caafimaad oo badan. Haweenka aan la kulmo badidoodu waxaa ay qabaan caabuqyada kaadi-mareenka. Nimankooduna waxaa ay badanaa leeyihiin laba xaas iyo ka badan waxaana ay tani sidoo kale kordhisaa in ay qaadaan caabuqyada ayna caafimaad-darro u soo korodho. Bukaannada aan la kulmo badidoodu waxaa ay qabaan hooseynta caabbiga dhiigga mana ku dhaqmaan qorsheynta qoyska. Carruur badan ayaa ay ku dhalaan muddo gaaban gudaheeda.

Waan jeclahay shaqada umulasanimada, anniga waxaa muhiim ii ah in aan sameynayo wax aan ku caawinayo bulshadeyda. Waxaan la kulmaa haween kuwaas oo mararka qaarkood in kasta oo uur weyn ay leeyihiin soo lugeeya laba saacadood si ay u soo gaaraan cusbitaalka Wardheer. Haweenku waxaa ay ka soo safraan meelo fogfog si ay u yimaadaan cusbitaalka. Badanaaba ilmo ayaa ka soo noqdey waxaana ay inoogu yimaadaan daaweyn.

Waxaan ogaadey in haween badan ay hadda cusbitaalka yimaadaan si ay ugu umulaan. Waagii hore waxaa ay door-bidi jireen in ay ilmahooda ku haystaan duurka laakiin hadda waxaa ay ku kalsoon yihiin in ay daryeel caafimaad oo wanaagsan ay ku helaan cusbitaalka. Sanado ayaa ay dad ku qaadataa in la beddelo sida ay u fekeraan iyo sida ay u dhaqmaan dadka laakiin waxaan dareemayaa in isbeddeladaani ay wanaagsan yihiin iyo in haweenku ay ku faraxsan yihiin in ay imaan karaan halkaan si ay ugu umulaan. MSF waxaa ay hadda qayb ka tahay bulshadeenna waxaana umuliso ahaan aan ku faraxsanahay in aan ka tirsanahay MSF.”’

Bukaannada:

Badoo,  waa 40 jir, ka timid Dolo Zone

“Gabar ayaan dhaley toddoba maalmood ka hor. Waxaan ku dhaley baadiyaha aan deggannahay halkaas oo aan ku dhaley dhammaan carruurteyda kale, waxaan haystaa toban carruur ah. Umuliso-dhaqameed ayaa iga umulisey laakiin muddo gaaban ka dib ayaan aad u xanuunsadey. Qandho aad u kulul ayaa i qabatey oo aad ayaanna u qarqarayey. Waxaan dareemey in dhammaan tamartii ay jirkeyga ka wada baxayso. Si xun la ii gooyey oo caabuq ayaan qaadey markii aan dhaley ka dib; Kaadida ayaan xanuun kala kulmayey oo xanuunkaas ayaana jirro igu keeney oo waana suuxi gaarey. Waxaan qoyskeyga u sheegey in aanan fiicneyn iyo in aan u baahanahay in la i caawiyo.

Qoyskeyga ayaa igu soo qaadey gaari-dameer oo laba saac ayaa ay nagu soo qaadatey in aan halkaan gaarno. Waddadu ma wanaagsana laakiin waa bacaad sidaa daraaddeedna safarka sidaa uguma soo dhibtoon in kasta oo uu jawigu aad u kululaa oo aad loogu daalayey. Laba maalmood ayaan cusbitaalka ku jirey waxaana shaqaalaha ay baareen caabbiga dhiiggeyga. Waxaa ay i siiyeen daawo waxaana ay igu xireen qalabka hawada ogsijiinta bixiya. Dhakhtarku waxaa uu ii sheegayaa in aan hadda wanaagsanahay waxaana dareemayaa in aan xoogaa tamar ah ay soo galeyso jirkeyga.

Waa markii ugu horreysey oo aan xanuunsado ka dib markii aan umuley. Carruur kale ma rabo markaan. Sababta oo ah waan daaley hadda. Waxaan dareemayaa in maaddaama aan hadda cusbitaalkan joogo in aan roonaan doono. Xanuun badan ayaa I hayey laakiin maalin kasta oo aan halkaan joogo waxaan dareemaa in aan xoogaa soo roonaadey. Waxaan ku khasbanahay in uu ii xirnaado qalabka neefta ogsijiinta marka aan neefsanayo sababta oo ah weli waan tabar-darannahay. Haddii aan baadiyaha sii joogi lahaa oo aan cusbitaalka imaan lahayn ma garanayo waxa igu dhici lahaa.”

Amoon, 35,  oo reer Wardheer ah

Amoon waxaa ay cusbitaalka Wardheer ku dhashey gabar 3dii Disembar 2012.

“Shan carruur ah ayaan dhaley, laba waxaa ay dhinteen waxyar ka dib markii dhasheenba oo labana hadda waa ay nool yihiin. Waa markii iigu horreysey oo aan cusbitaal ku dhalo. Laba maalmood ka hor ayaan halkaan imid si aan ugu dhalo. Dhalmada waan ku dhibtoodey oo xanuunna waan kala kulmey laakiin waxaa uu xanuunka sii darey markii ay umulisadu ay ku khasbanaatey in ay soo jiiddo mandheerta (mandheerta ay gacanta ku soo saarto). Kaasi ayuu ahaa xanuunka ugu ba’an. Carruurteydii, laba ka mid ah ayaa dhintey waxyar ka dib markii aan dhaleyba. Waan ogahay in ilmahan yari uu xanuunsan yahay sababta oo ah waxaan arki karaa in umulisadu ay waqti badan siineyso ilmahaygan yar. Waxaan rajeynayaa in ay badbaaddo si aan guriga uga sii qaato. Haddii uu Alle doonayo in ay noolaato waa ay noolaaneysaa haddii ay sida kale noqotana waan ku qanacsanahay qaddarka Alle.”

Ilmihii yaraa ee Amoon waxaa ay ku dhimatey cusbitaalka 4tii Disembar 2012.

Asli , 39 sano jir, toban carruur ah dhashey, oo cusbitaalka ku soo booqatey bukaan

‘’Haweenka aan aqaanno badidoodu cusbitaalka ayaa ay yimaadaan si ay ugu dhalaan maaddaama ay dareemayaan in ay halkaan u roon tahay. Annigu ilmahayga baadiye ayaan ku dhaley iyada oo ay iga umulisey umuliso dhaqameed. Waa ay wanaagsan yihiin laakiin ma haystaan macluumaad la mid kan ay haystaan umulisooyinka laakiin haddii aaney dhalmadu fududaan oo ay dhibaatooyin yimaadaan ma jirto wax badan oo ay u qaban karaan si uu ilmuhu u noolaado. Carruur badan ayaan leeyahay; ninkeygu wuxuu jecel yahay qoys weyn. Hadda waxaan ku faraxsanahay in aanan carruur kale dhalin sababta oo ah waan ka daaley uur iyo carruur-dhalis kale.’’

“Rag badan oo halkaan jooga waxaa ay guursadaan afar naagood oo carruur dhalis ayaa ay intaas hayaan laakiin ma hayaan wax ay xaasaskooda iyo carruurtooda siiyaan. Halkaan shaqo badan ma taallo mana jiraan wax badan oo la qabto. Haweenkuna aad bey ugu dhib qabaan. Silic badan ayaa ay ku nool yihiin mana awoodaan in ay go’aan ka gaaraan cidda ay doonayaan in ay guursadaan iyo tirada carruurta ay doonayaan. Maalin kasta waxaan arkaa haween aad u daallan oo ay ka dhammaatey; waa haween tabar-daran, dhiig-yari hayso oo cusbitaalka u yimaada baaritaan marka ay uur leeyihiin. Marna ma sheegaan in aaney ku faraxsaneyn in ay uur leeyihiin laakiin daal aad u badan ayaa ka muuqda.’’

 

Kufsi iyo rabshad jinsi/galmo

Umulisooyinka MSF waxaa ay mararka qaarkood la kulmaan haween la soo kufsadey. Mararka qaar kufsigaas waxaa ka dhasha uur aan la rabin.

Intii u dhaxaysey Jannaayo 2009 ilaa Disember 2012 toban iyo shan haween iyo gabdho yaryar ah ayaa yimid si looga daweeyo dhaawacyo ka soo gaarey kufsi.

Tags: , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Itoobiya, Gobolka ay Soomaalidu degto

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud