SHAQO BANNAAN – Sheybaariste

21.12.2012 | Shaqooyin

                                                                                                      SHAQO BANNAAN

WAXAA LAGA QAADANAYAA HAY’ADDA DIBADDEEDA

MSF-CH waxa ay raadineysaa in ay shaqaaleysato:

Sheybaariste

Oo taageera hawlaheeda bani’aadamnimao ee ay ka waddo Soomaaliya

Goobta Shaqada:      Muqdisho

Waqtiga la doonayo in shaqada la bilaabo:     Isla marka la qaato

Baaxadda mas’uuliyadaha:

  • Sheybaaristaha waxaa uu hubinayaa in uu si habboon u shaqeeynayo sheybaarka.
  • Waxaa uu/ay u shaqeynayaa/saa si waafaqsan amarrada caafimaadka/dhakhtarka, waxaa uu u qabanayaa/saa baaritaannada si waafaqsan xaaladda, iyada oo la adeegsanayo tabaha ku habboon, ee waafaqsan borotokoollada caadiga ah ee ay oggolaatey MSF.
  • Waxaa uu/ay shakhsiyaadka ku habboon (waadhadhka/dhakhaatiirta/kaalkaaliyeyaasha caafimaadka si u habboon hadba xaaladda lagu jiro) macluumaad ka siinayaa/saa natiijooyinka, isaga/iyada oo uu/ay ixtiraamayo/so sirnimada macluumaadka.
  • Waxaa uu/ay mar kasta hubinayaa/saa in natiijooyinka saamiyada la qaado si sax ah loo diiwaangeliyo loona gudbiyo.
  • Waxaa uu/ay dhammaan Dhakhaatiirta Caafimaadka ee la shaqeeya mashruuca ku tababarayaa/saa sameynta iyo dib-u-eegista dhiig-ku-shubista.

Shuruudaha shaqo-qorista:

  • Shahaaddo Sheybaariste
  • Waayo-aragnimo hawl tan la mid ah, waayo-aragnimo hore oo laga heley la-shaqeynta MSF waxaa ay keeneysaa tixgelin dheeri ah.
  • Af-Soomaali iyo Af-Ingiriis wanaagsan (qoraal & hadalba) ayaa la door-bidayaa.
  • Xirfadaha aasaasiga ah ee Kombuyutarka (word, excel, email/internet).

Tayada shakhsi ahaaneed:

  • Xirfadaha qorsheynta iyo nidaamsanaanta
  • Xirfado wargaarsiineed oo wanaagsan
  • Waa in uu yahay/tahay qof Adag, Dhinac keliya wax ka arkin, Sugan, oo Maskax-furan
  • Waa in uu/ay la shaqeyn karaa/kartaa dad xirfado iyo dhaqamo kala duwan leh
  • Waa in uu/ay awood u leeyahay/leedahay dhegeysiga dadka
  • Waa in uu/ay leeyahay/leedahay Diblomaasiyad

Codsiga:

Fadlan ku soo dir:

  • CV-gaada
  • Waraaq arji/codsi (sida wanagsan ku qoran Af-Ingiriisi)

Adiga oo ku soo hagaajinaya:

Haddii aad gacanta ku keeneyso: Xafiiska MSF Swiss, Muqdisho, Degmada Xamar Weyne.

ama

email: msfch.som.recruitment@gmail.com

Ujeeddada/Subject email-la/waraaqda ka dhig: “Application for Lab Technician Position in Mogadishu”

Codsiyada waa in la helaa ugu dambeyn 23ka  Disembar 2012

Keliya tartamayaasha la soo xulo ayaa lala soo xiriiri doonaa

MSFCH waa hay’ad shaqaalaha ay qoraneyso shaqada u siisa fursado isku mid ah.

Qoraalada kale ee ku saabsan Shaqooyin