SHAQO BANNAAN – Qof u qaabilsan adeegga Biyaha iyo Fayadhowrka Cusbitaalka

21.12.2012 | Shaqooyin

                                                                                                    SHAQO BANNAAN

WAXAA LAGA QAADANAYAA HAY’ADDA GUDAHEEDA IYO DIBADDEEDABA

MSF-CH waxaa ay raadineysaa in ay shaqaaleyso:

Qof u qaabilsan adeegga Biyaha iyo Fayadhowrka Cusbitaalka

Oo taageera hawlaheeda bani’aadamnimo ee ay ka waddo Soomaaliya

Goobta Shaqada:      Muqdisho

Waqtiga la doonayo in shaqada la bilaabo:  Sida ugu dhaqso badan ee suuragalka ah

Baaxadda mas’uuliyadaha:

  • Waxaa uu ka mas’uul noqonayaa guud ahaan tayada iyo tirada/qiyaasta biyaha ee loo baahan yahay
  • Kor u qaadista wacyiga dadka ee ku aaddan muhiimadda ay nadaafaddu leedahay isaga oo kaashanaya shaqaalaha caafimaadka (Kaalkaaliyeyaasha Caafimaadka).
  • Hubinta nadaafadda guud ee xarumaha MSF ee uu hoos yimaada mas’uuliyaddiisa.
  • Waxaa uu mas’uul ka yahay asturidda wasakhda ee goobaha/tas-hiilaadka caafimaadka.

 Shuruudaha shaqo-qorista:

Waxbarashada:

  • Shahaado dugsi sare.
  • Diblooma ama shahaaddo ku habboon hawsha (ama loo qaadan karo).
  • Waayo-aragnimo iyo/ama tababar farsamo oo u habboon hawsha.
  • Waayo-aragnimo la xiriirta in si bedqab ku dheehan loo kala saarsaaro wasakhda ka dhalata hawlaha caafimaadka.

Waayo-aragnimo uu ka heley MSF ama meelo kale:

  • Ugu yaraan waayo-aragnimo 2 sano ah oo uu u leeyahay arrimaha Fayadhowrka/Nadaafadda Biyaha:
  • Waxaa tixgelin dheeri ah la siinayaa waayo-aragmo qofka u leh hawlaha MSF.
  • Waayo-aragnimo dhinaca maareynta shaqaalaha ah.

Luqadaha:

  • Waa in uu aqoon wanaagsan u leeyahay Af-Ingiriisa oo uu aad ugu wanaagsan yahay Af-Soomaali

Tayada Shakhsi ahaaneed:

  • Waa in uu leeyahay xirfado wanaagsan oo dhinaca maareynta/kormeeerka ah
  • Waa in uu leeyahay xirfado nidaamsanaan, kuna wanaagsan yahay wargaarsiinta dadka
  • Waa in uu awood u leeyahay dhegeysiga dadka iyo uuna leeyahay Diblomaasiyad
  • Waa in uu yahay qof Adag, Dhinac keliya wax ka arkin, oo Maskax furan
  • Waa in uu la shaqeyn karaa dad xirfado  iyo dhaqamo kala duwan leh

Codsiga:

Fadlan e-mail ku  soo dir:

  • CV-gaada & Dibloomada/Shahaadooyinka
  • Waraaq arji/codsi ah (sida wanaagsan ku qoran Af-Ingiriisi)

Adiga oo ku soo hagaajinaya:

Haddii aad gacanta ku keeneyso: Xafiiska MSF Swiss, Muqdisho, Degmada Xamar Weyne.

ama

email: msfch.som.recruitment@gmail.com

Ujeeddada/Subject email-ka/waraaqda ka dhig: “Application for Hospital Watsan Log – Mogadishu”

Codsiyada waa in la helaa ugu dambeyn 30ka Disembar 2012

Keliya tartamayaasha la soo xulo ayaa lala soo xiriiri doonaa

MSFCH waa hay’ad shaqaalaha ay qoraneyso shaqada u siisa fursado isku mid ah.

Qoraalada kale ee ku saabsan Shaqooyin