SHAQO BANNAAN – Kaalkaaliye/so caafimaadka carruurta

21.12.2012 | Shaqooyin

SHAQO BANNAAN

WAXAA LAGA QAADANAYAA HAY’ADDA GUDAHEEDA//DIBADDEEDA

MSF-CH waxaa ay raadineysaa in ay shaqaaleysato:

Kaalkaaliye/so caafimaadka carruurta

Oo taageera/ta hawlaheeda  bani’aadamnimo ee ay ka waddo Soomaaliya

Goobta Shaqada:      Muqdisho

Waqtiga la doonayo in shaqada la bilaabo:     Isla marka la qaato

Baaxadda Mas’uuliyadaha:

  • Kaalkaaliyaha/sada waxaa uu/ay kaalkaalin caafimaad oo daryeelka carruurta ah u bixineyaa/saa si waafaqsan habraaca MSF ee kaalkaalinta caafimaadka
  • Waxa Kaalkaaliyaha/sada uu/ay ilaaleynayaa/saa calaamadaha nolosha ee muhiimka ah, waxaana uu/ay lafagurayaa/saa natiijooyinka waxaana uu/ay wax uga/qabanayaa/saa sida ku habboon
  • Waxaa uu/ay daawooyinka loo qorey bukaannada bixinayaa/saa waqtigii, qiyaastii loogu talogaley, waxaana uu/ay ka siinayaa/saa halkii loogu talogaley, daawo aan waqtigeedu dhicin
  • Waxaa uu/ay daraaseynayaa/saa, dabagalayaa/saa uuna/ayna qiimeynaysaa xaaladda dhammaan carruurta la qaabilo waxaana uu/ay ogeysiinayaa/saa Madaxa Kaalkaaliyeyaasha Cusbitaalka iyo dhakhtarka hawsha ku jira haddii wax dhibaato ah ay ku yimaadaan ama ay ka soo darto xaaladda ilmo
  • Waxaa uu//ay dhammaan macluumaadka caafimaadka ku qoreysaa kaarka bukaanka iyo buugga diiwaangelinta waxaana ay sidoo kale qoreysaa daawooyinka, agabka caafimaadka, PPN, saabuun iwm ee maalin kasta iyo toddobaad kasta la isticmaalo
  • Waxaa uu/ay xiriir wada-shaqeyn wanaagsan la yeelaneyaa/saa saaxiibbada shaqada iyo waaxaha kale
  • Waxaa uu/ay waqti kasta ixtiraameyaa/saa anshaxa shaqaalaha caafimaadka

Shuruudaha shaqo-qorista:

  • Shahaaddada jaamacadda ama dibloomada kaalkaalinta caafimaadka
  • Waayo-aragnimo hawl tan la mid ah, waayo-aragnimo laga heley la-shaqeynta MSF waxaa ay keeneysaa tixgelin dheeri ah
  • Af-Soomaali iyo Af-Ingiriisi wanaagsan (qoraal & hadalba) ayaa loo baahan yahay

Tayada shakhsi ahaaneed:

  • Xirfadaha qorsheynta iyo nidaamsanaanta
  • Xirfado wargaarsiineed oo wanaagsan
  • Waa in uu/ay yahay/tahay qof Adag, Dhinac keliya wax ka arkin, Sugan, oo Maskax-furan
  • Waa in uu/ay la shaqeyn karaa/kartaa dad xirfado iyo dhaqamo kala duwan leh
  • Waa in uu/ay awood u leeyahay/leedahay dhegeysiga dadka
  • Waa in uu/ay leeyahay/leedahay Diblomaasiyad

Codsiga:

Fadlan ku soo dir:

  • CV-gaada
  • Waraaq arji/codsi (sida wansagsan ku qoran Af-Ingiriisi)

Adiga oo ku soo hagaajinaya:

Haddii aad gacanta ku keeneyso: Xafiiska MSF Swiss, Muqdisho, Degmada Xamar Weyne.

ama

email: msfch.som.recruitment@gmail.com

Ujeeddada/Subject email-ka/waraaqda ka dhig: “Application for Nurse Position in Mogadishu”

Codsiyada waa in la helaa ugu dambeyn 23ka  Disembar 2012

Keliya tartamayaasha la soo xulo ayaa lala soo xiriiri doonaa

MSFCH waa hay’ad shaqaalaha ay qoraneyso shaqada u siisa fursado isku mid ah.

Qoraalada kale ee ku saabsan Shaqooyin