MSF iyo Soomaaliya: Ka dhex shaqeynta halis aan u bareerney

24.12.2012 | Qeybta Guud

Hal sano ka dib markii ay dhacdey mid ka mid ah “macaluulihii ugu ba’naa”[1] ee Soomaaliya  abdi soo marey, ayaa hadda dareenka bulshada caalamku waxaa u wareegey meelo kale. In kasta oo xaaladda cuntada iyo nafaqashadu ay si tartiib ah u soo wanaagsanaaneyso, haddana weli ma sal-dhigin: sida ay sheegtey FSNAU[2], shantii carruur ahiba midkood ayaa ay nafaqo-xumo ba’ani haysaa, waxaana dad ka badan laba milyan ay weli haysataa haqab-beel la’aan cunto oo ba’an.

Dagaalka socda iyo biyo iyo cunto la’aan daraaddood, ayaa 60,000 qof ay Soomaaliya ka qaxeen tan iyo bilowgii sanadka 2012da. Waxaa ay dadkaan ku biirayaan hal milyan oo Soomaali qaxooti ku ah dalalka deriska la ah – inta badanna Kenya, Itoobiya iyo Yaman – iyo hal milyan oo kale oo ku barokacay Soomaaliya gudaheeda.

Hay’adaha gargaarka sida Médecins Sans Frontières/Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF), gargaar-siinta dadka shiddadu ku haysato Soomaaliya gudaheeda ayaa weli ah culeys jira. Bartamaha iyo koonfurta dalka, waxaa suuragal ah in lagu arko ugu yaraan saddex xaaladood, oo mid kasta caqabado mug leh ku ah shaqaalaha bani’aadamnimada.

Ka dib markii la geeyey ciidamo badan oo mileteri ah, ayaa Muqdisho ay haatan ku jirtaa waqti ay xoogaa degganaansho ahi ka jirto, taas oo aan lagu arag tan iyo sanadkii 2006dii, markii Midowga Maxkamadaha Islaamku ay la wareegeen gacan ku haynteeda. Makhaayadaha ayaa dib u furmey, ganacsato ajaanib ah ayaa uu ganacsi mar kale u socdaa, waxaana dhismaha socda uu markhaati ka yahay dhaqaale ay maalgeliyaan Soomaali qurba-joogga ah.

Laakiin magaaladu weli ammaan ma aha. Qaraxyada iyo khaarajinta ayaa ku badan, iskudhacyo maliishiyaad u dhexeeya ayaa weli ka dhacaya degaannada qaar, waxaana dagaalyahanno Al Shabaab ka tirsan ay xoojiyeen weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda taabacsan. Intaa waxaa dheer, in xaaladaha nololeed ee badi dadku ay ba’an yihiin – gaar ahaan 300,000 ilaa 400,000 qof oo barokacayaal ah, oo badidoodu ku barokacay dhibaatooyinkii nafaqo ee sanadkii 2011kii. Barokacayaal badan ayaa weli ku dhex nool burburka oo ay uga dhisan yihiin cooshado ka sameysan baco lagu adkeeyey gaballo alwaax ah. Dhismaha dhulka laga wado ayaa sababaya in kuwa ku kool xerooyinka ku-meelgaarka ahi ay meel kale u guuraan; qaarkood ayaa guurey dhowr jeer. Biyaha la cabbo dad kuma filna si joogto ahna looma helo – waana wax iska caadi ah in tuubooyinka xerooyinku aaney biyo ka socon dhowr toddobaad – halka cusbitaallada tirada yar ee ku yaalla caasimadda ay la kacaa-kufayaan wax u qabashada bukaannada tirada badan ee ka imanaya guud ahaan dalka. Ka dib markii bishii Abriil ee 2012ka ay shaqaalaheeda ula baxdey dagaal xooggan oo socdey daraaddii, ayaa cusbitaalka Dayniile – oo ay taageerto MSF – uu dib u furmey bishii Sebtembar.

Arrinta labaad waa tan magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, ee sanadkii la soo dhaafey ay maamulkii Al Shabaab ‘looga xoreeyey’ hawlgalkii mileteri ee wadajirka ahaa ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Itoobiya iyo Dowladda Federaalka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya. Haddana ilaa maantadan ammaanka dadka magaalooyinkaa deggani laga yaabo in uu ka jilicsan yahay sidii uu ahaa sanad ka hor. Dil khaarajin ah, weerarro, dhac, baad iyo baqdin-gelin ayaa caadi uga dhaca. Gaaritaanka xarumaha caafimaadka ayaa weli dhibaato ah, oo dad tiro yar ahaa u bareera in ay cusbitaallada soo aadaan gabbal-dhaca ka dib.

Ugu dambeyntii, qaar badan oo ka mid ah degaannada miyiga ah ee koonfurta iyo bartamaha dalka, waxaa weli saameyn ku leh dagaalyahanno Islaamiyiin ah. Badidooduna waa ay ka horjeedaan joogtiaanka hay’adaha gargaarka ee ajnebiga ah, waxaana ka dib markii ay dhaceen mawjado is-xigxigey oo mamnuucis iyo dal ka saaris ah, keliya tiro yar oo hay’ado gargaar – oo ay ka mid tahay MSF – ay weli dirqi kaga shaqeeyaan degaanadaa.

Ka shaqeynta Soomaaliya waxaa uu macnaheedu yahay, marka ugu horreysaba, in la oggolaado in lagu shaqeeyo xaalado halis ah. Shaqaalaheenna, waxaa uu uga dhigan yahay in midmid ay u daraaseeyaan halista la xiriirta hawshooda. Waxyaabo badan ayaa shilalka sababi kara – kuwaas oo xiriir la leh ganacsiga daawada iyo shaqooyin lagu dagaallamo, iyo waxyaabo kale – taas oo ay weheliso halista ah in uu qofku joogo meel masiibo ka dhacayso waqti ay masiibadu dhacayso.

Waqtigan oo aan qorayo qoraalkan, laba shaqaalaha MSF ka mid ah ayaa weli lagu haystaa Soomaaliya, muddo sanad ka badan ka dib markii laga af-duubey Dhadhaab, Kenya. Waxaana bishii Disembar 2011kii, laba xubnood oo ka tirsan kooxdii MSF ee Muqdisho oo kala ah Philippe Havet iyo Dr Andrian Karel Keiluhu – ay u dhinteen dhaawacyadii soo gaarey ka dib markii uu toogtey qof Soomaali ah oo u shaqeynayey hay’adda.

Xaaladdaa ayaa innagu khasabtey in aan yareyno waxqabadyadii aan caadi ahaan jeclaan lahayn in aan qabanno marka loo eego baahiyaha jira, waana laba sababood daraaddood.

Midda koowaad waa annaga oo dooranney in aan mudnaanta siinno xaaladaha caafimaad ee degdegga ah iyo nafaqada, ilaa laga sii deynayo saaxiibbadeenna la af-duubey ee lagu hayo dalka gudihiisa.

Midda labaad waxaa ay la xiriirta ka-falcelinta caadiga ah ee halista ay shaqaalaheennu ku sugan yihiin; waxaan ku khasbannahay in aan soo koobno baaxadda mashaariicdeenna iyo tirada shaqaalaha caalamiga ah, oo si gaar ah ugu nugul af-duubasho. Tani waxaa uu macnaheedu noqon karaa in aan oggolaanno in sidii aan rabi lahayn aysan gacanteenna ugu wada jirin waxqabadyadeenna, ama aan oggolaanno in tayada caafimaad ee barnaamijyadeenna aan sidii aan rabi lahayn u hubin karin. Doorashada aan dooranney in aan inta badan taageerno cusbitaallada iyo xarumaha qalliinka, ayaa sidoo kale yareyneysa socsocodka kooxaheenna, sidaa daraaddeedna hoos u dhigeysa halista la soo gudboonaaneysa.

Intaa waxaa dheer, arrin ku cusub MSF, oo ah in aan Soomaaliya dhexdeeda ku haysanno ilaaliyeyaal hubeysan si aan u cajis-gelinno iskuday af-duub ama weerarro. Middan lafteedu halis la’aan ma aha, sida halista ah in dad ay ku dhintaan xabbadaha la is-dhaafsanayo.

Nabadgelyo-xumada ma ahan caqabadda keliya ee hortaagan hay’adaha gargaarka ee ka shaqeeya Soomaaliya. Waxaa jirta in ay adag tahay in la helo wada-hawlgalayaal la isku halleyn karo oo aan is-bahaysi la yeelanno oo aan kala xaajoonno gaaritaanka aan ugu baahannahay shaqadeenna, halka tas-hiilaadka caafimaadka ee tabarta daran ee jacburka ah, jiritaan la’aanta shaqaale caafimaad oo tababaran, iyo in aan si buuxda loo fahamsaneyn baahiyaha caafimaad ay dhammaantood cabaqado ku yihiin hay’adaha gargaarka.

Ugu dambeyn, in kasta oo ay muhiim tahay in kheyraadka MSF uu ahaado mid ay ka faa’iideystaan bukaannada, haddana waa in aan ogaannaa in gargaarka bani’aadamnimadu uu noqon karo il ay awood ay ka heli karaan kuwa degaanka jooga ee uu la halmaalo, waxaana Soomaaliya caadi ka ah in cashuur laga qaado, gargaarka la leexsado iyo iskuday baad.

Marka aan ka soo gudbo si guud wax u sheegidda iyo ereyada nuxur-beeley, kuwan ayaa ah arrimaha qeexaya waxa xaddidaya hawsha MSF ee Soomaaliya, oo aan aaminsanahay in ay tahay hawl suuragal ah oo welibana faa’iido leh. Kani qiimaha uu innoogu kacayo in aan hawsheenna qabsanno. Halkii aan ka dhalleecayn lahayn waxyaabahan xaddidaya hawsha, waxaan u baahannahay in aan oggolaano xaqiiqda ah in ay jiraan iyo in aan baranno sida aan wax uga qaban karno.

Michel-Olivier Lacharité, maareeya barnaamij MSF

Michaël Neuman, isuduwe daraasado ee mu’asasada CRASH / MSF Foundation

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud