“Himilooyinka mustaqbalka ee daryeelka caafimaadka iyo sida aan kharashka u bixinneyno”

03.12.2012 | Dhacdooyinka, Qeybta Guud

© Joshua Lutz/Redux Dr Unni

Dr Unni Karunakara, Madaxweynaha Caalamiga ah ee Médecins Sans Frontières

Shir-madaxeedka Caalamiga ah ee Daryeelka Caafimaadka, The Economist, London, 29 Nofembar 2012 

Saaxada caafimaadka ee dunida waa ay is beddeleysaa. Culeyska baahiyaha caafimaadku waa uu is-beddelayaa. Taranka dadka oo hoos u dhacaya, muddada ay dadku noolaanayaan oo dheeraaneysa, haajiridda iyo magaaloobidda ayaa qayb ka qaadanaya is-beddellada ku imaanaya baahiyaha caafimaadka.

Isla waqtigaan, dhibaatooyinka maaliyadeed ayaa culeys saaraya daryeelka caafimaadka ee dowladdu maalgeliso, waxaana taageerada maaliyadeed ee dibadda laga helo ay noqotey mid aan sugneyn. Waxaa hoos u dhacay gargaarka rasmiga ah ee horumarinta. Deeq-bixiyeyaasha ayaan sidii hore u gacan furneyn.

Ka dib Yoolalkii Horumarka ee Kun-sanadka (MDGs) iyo markii toban sano la maalgelinayey caafimaadka, waxaa hadda loo wareegayaa dhinaca horumar waara, kaas oo, sida uu u dhigey Richar Horton, oo ah Tifaftiraha Lancer, uu sheegey, caafimaadku “weli ma ahan fikradda ugu weyn ee aasaaska u ah sida aan u aragno horumarka aadanaha”. Haddaba waa in aan is-weydiinnaa, caafimaadka dunidu weli ma yahay wax mudnaan caalami u leh gooni-ahaantiisa?

MSF fikrad gaar ah ayaa ay ka qabtaa arrintaan. Waxaan bixinnaa gargaar bani’adamnimo oo caafimaad. Waxaan ka shaqeynaa geesta ugu shisheysa bixinta daryeelka caafimaadka. Waxaan ka shaqeynaa meelaha aaney dadku haysan – ama si aad u kooban ay – u heli karaan daryeel caafimaad.

Sida qof kasta oo kale oo halkaan jooga, waxaan aaminsanahay, in himiladeenna mustaqbalka daryeelka caafimaadku ay tahay in uu ahaado mid loo siman yahay, oo qof kasta uu heli karo daryeelka caafimaad ee uu u baahan yahay. Laakiin waxaan aqoonsannahay in kastoo horumar la sameeyey tobankii sano ee la soo dhaafey haddana aad iyo aad ayaan uga fog nahay xaqiijintiisa.

Yoolalka Horumarka ee Kun-sanadka (MDGs) raad ayaa ay reebeen. Dad ka badan siddeed milyan oo qof oo qaba HIV ayaa nool maanta taasna waxaa mahaddeeda leh daaweynta antiretroviral. Geerida ay sababto duumada ee Afrika ayaa hoos u dhacdey saddex-meelood meel. Habab cusub oo maaliyad-siin sida maaliyadda Global Fund iyo PEPFAR ayaa xuddun u ahaa guulahaan. Laakiin sanadkiila soo dhaafey maaliyadda Global Fund ayaa ku khasbanaatey in ay wax ka goyso deeqihii socdey iyo in ay joojiso qabashada codsiyo cusub sababta oo ah maaliyad-yaraan ayaa haysatey. Maaliyadda Global Fund ayaa dhab ahaan ku khasbanaatey in ay hakiso lacagta ay bixiso sababta oo ah yabooha deeq-bixiyeyaasha oo ka yaraadey kheyraadka/maaliyaddii ay u baahneyd.

Halkii ay ahayd in aan ku dadaalno kordhinteeda, waxaa ina soo wajahdey suuragalnimada ah in aan hoos u dhigno hawsha.

Meelaha qaar, ma muuqato meel hoos looga sii dhaco. Waxaa jira dadweyne aan marna heleynin daryeel caafimaad.

Hawsha caafimaad ee MSF waxaa ay badbaadisaa qof marka uu qofkaasi dhibaato ku sugan yahay. Looguma talogelin in ay ahaato mid muddada fog socota. Laakiin meelaha qaar, heerar aan la aqbali karin oo ah geeri iyo silic badan oo lala xiriirinayo cudur ayaan ahayn dhibaatooyin muddo gaaban socda ee laakiin ay yihiin arrimo muddada fog ku wajahan. Waa arrimo muddada fog la xiriira oo aan heleynin waxqabad ku filan. MSF waxaa ay ka shaqeysaa goobahan, iyada oo gargaar bani’aadamnimo bixisa muddo fog.

Tusaale aan idin siiyo. Nidaamka caafimaadka ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe waxaa uu ku saleysan yahay in dadku ay iska bixiyaan kharashaadka caafimaadka. Bukaannadu waxaa ay ku khasban yihiin in kharashka daryeelkooda ku baxa ay jeebkooda ka bixiyaan.

Nidaamkan soo celinta kharashaadka ma aha mid shaqeeya. Uma shaqeeyo bukaannada. Uma shaqeeyo nidaamka caafimaadka.

Dhab ahaantii, dal sida Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ah, oo uu qaranku jilicsan yahay, dadku ay sabool yihiin, oo culeyska cudurkuna uu aad u sarreeyo, ayaa nidaamka soo-celinta kharashaadku uu ka dhigan yahay dayacidda daryeelka caafimaadka aasaasiga ah ee badi dadweynaha. Casharka laga baranayo hindaha Bamako, oo dhiirrigeliyey soo-celinta kharashaadka, waa in haddii qofku aanu haysan lacag, keenista adeegyo kale aaney kordhineynin helitaanka daryeel caafimaad haddii adeegyadaasi ay yihiin kuwo lacag lagala baxayo.

Ujuurooyinka laga qaado dadka adeegga helaya ayaa is-hortaagaya helidda daryeelka caafimaadka. Haseyeeshee, dalal badan, ayaa ay ujuurooyinka laga qaado dadka adeegga helaya uu weli ka jiraa.

Maanta, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe waxaa ay ku sugan tahay xaalad degdeg ah caafimaad oo dabadheer. Duumada, oo ah, inta badan, mid laga hortegi karo lana daweyn karo, iyada oo aan kharash aad u badan ku bixin – ayaa weli ah sababta ugu badan ee ay u dhintaan bukaan-jiifka cusbitaallada. Baahsanaanta, qaadista iyo geerida qaaxada ayaa la qiyaasayaa in ay laba-laab noqotey muddadii u dhaxaysey 1990 ilaa 2009. Qiyaasta cumriga dadku gaaraan waa 48 sano oo keliya.

Dhibaatooyinka caafimaad ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe waa kuwo aad u weyn. Dadku waxaa ay u baahan yihiin nidaam caafimaad oo shaqeeya, uma baahna in loo ugaarsado sidii il dakhli laga helo.

MSF waxaa ay ka shaqeyneysey Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe muddo 16 sano ah. Waxaan ogsoonahay in aan halkaa sii joogi doonno 10 sano oo kale, in kasta oo aan dhab ahaantii dooneynin in aan joogno halkaa.

Muxuu yahay xalku?

Midda koowaad, dowladda. Muddadii u dhaxaysey 2001 ilaa 2009 kharashka ay caafimaadka ku bixiso dawladda Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa dhab ahaantii hoos u dhacay. Dowladda Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe waxaa u yaalla liis hawlo aad u badan oo looga baahan yahay, laakiin waa in uu caafimaadku uu meel sare kaga jiraa liiska hawlahaas. Dowladdu waa in ay ka soo baxdaa waajibaadkeeda ayna ka soo baxdaa ballantii ay ku gashey Abuja ee ahayd in 15% miisaaniyaddeeda ay ku bixiso caafimaadka. Ka soo bixidda ballan-qaadkan ma kaafineyso baahiyaha caafimaadka ee dalka. Laakiin waxaa ay muujinaysaa in dowladdu ay ku dadaaleyso baahiyaha caafimaadka ee dadweynaha.

Midda labaad, maaliyad dibadeed. Ballanqaadka dowladda waxaa uu gacan ka geysanayaa in culeys la saaro deeg-bixiyeyaasha ajnabiga ah, oo maalgelinta ay ku sameeyaan caafimaadka dalka uu hoos u dhacayo.

Maalgelinta caafimaadku waxaa ay leedahay saameyn aad uga fog bedqabadka shakhsiga. Duumo badan ayaa saameyn ku yeelata Wax-soo-saarka Dalka. Dabiibidda HIV ayaa nolol badbaadisa, waxaa ay ka hortagtaa in uu dad cusub ku dhaco cudurka, waxaa ay hoos u dhigeysaa qaaxada, waxaana ay joojineysaa in qoysasku ay cayroobaan. Sida uu yiri Michael Sidibe, oo ah agaasimaha fulinta ee UNAIDS, “Bixi hadda, ama weligaa bixi.” Sugitaanka waxaa ku dhimanaya dad badan, dhaqaale ahaanna ma ahan mid wanaagsan.

Midda saddexaad, waxaan u baahannahay in aan la hadalno bulshada, iyo bukaannada laftooda. Taasna macnaheedu ma ahan in aan lacag weydiisanno, ee waa in aan ku dhiirrigelinno in ay qayb ka qaataan maareynta daryeelka caafimaadkooda. Kooxaha bukaanka bulshada, iyo shaqaalaha caafimaadka bulshadu ayaa ahaa habab meelo kale lagu guuleystey oo hoos u dhigey kharashaadka oo wanaajineyey helitaanka daawada.

Halkee buu ganacsiga gaarka loo leeyahay ka gelayaa?

Horumarka laga gaarey maaliyad-siinta caafimaadka dunida sanadkii la soo dhaafey waxaa si xoog leh u saameeyey hay’adaha faa’iido-doonka iyo kuwa aan faa’iido doonka ahayn ee gaarka loo leeyahay ama waxaa ay ku lug lahaayeen ka-qaybgalkiisa. Hay’adaha/ganacsiga gaarka loo leeyahay waxaa ay keenaan fikrado cusub, waxaana ay is-beddelka u hirgelin karaan si degdeg ah.  Inta badan waa hay’adahaas/ganacsigaas gaarka loo leeyahay kuwa soo saara daawooyinka iyo agabka aan u baahannahay.

Dalalka dakhligoodu hooseeyo ee sida guusha leh u gaarey daryeel caafimaad oo si guud loo wada helo waxaa ay dhammaantood guushaas ku gaareen markii ay si weyn uga qaybqaateen hay’adaha gaarka loo leeyahay. Bukaannada hodonka ah waa iska bixiyaan kharashaadka adeegyada gaarka ah, ee kaaba hay’adaha dowladda.

Laakiin waxaa weli lug ku leh hay’adaha/ganacsiga gaarka loo leeyahay. Sababta oo ah marka ay timaaddo dadka sida ugu yer u hela adeegyada caafimaadka, waa dowladdu ay u istaagtaa dadkaas. Maaliyad-siinta dowladda ayaa lagamamaarmaan u ah si loo hubiyo in daryeel aasaasi ah uu qof kasta helo, oo ay ka mid tahay helidda daawooyinka iyo dabiibidda aasaasiga ah, si kasta oo ay tahay wax haysashadooda.

Hay’adaha faa’iido-doonka ah waa ay ka warwareegaan marka ay u yimaadaan kuwa aan kharashka iska biixn karin. Waxaa ay u baahan yihiin gacan ay ka helaan dowladda- hay’adaha gaarka loo leeyahay weli waa ay hirgelin karaan, laakiin maaliyadda dowladda ayaa loo baahan yahay si loo abuuro suuq, waxaana loo baahan yahay hay’ad dowladeed oo kormeerta.

Dalalka uu ganacsigoodu dardarta ku socdo, ayaa laga yaabaa in suuqa iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ay keenayaan koboc dhaqaale, laakiin si la isku halleyn karo uma keenayaan in ay sii wanaagsanaadaan tilmaamayaasha caafimaadka ee dadka saboolka ah.

Tusaale aan u qaadanno Qaaxada Daawooyinka Badan u Adkeysata (MDR-TB). Marka wadarta tirooyinka la eego, afar ka mid ah shanta dal ee culeyska ugu weyn ay ku hayso MDR-TB waa dalalka loo yaqaanno BRICKS (Brazil, Ruushka, Hindiya iyo Shiinaha). Dalalkaan waa ay haystaan kheyraadka ay igu baahan yihiin la dagaallanka cudurkan, laakiin ma aragno iyaga oo maalgelinaya dadaal wax looga qabanayo Qaaxada.

Dowladuhu waa in ay ka soo baxaan mas’uuliyadahooda. Mar jirto si arrintaas looga meermeero.

Haddii aad eegto Tusmada Horumarka Aadanaha, dalka Nayjar ayaad ka heleysaa meel ku dhow gunta. Sanadkii 1990kii, dalka Nayjar waxaa uu lahaa nisbada ugu sarreysa ee nafaqo-yaraanta iyo geerida carruurta. Maanta, dalka Nayjar ayaa ugu badan carruurta laga daweeyo nafaqo-xumada dunida oo dhan. 20 sano gudahood, ayaa geerida carruurtu ay hoos u soo dhacdey 40 boqolkiiba.

Dabcan, Nayjar keligeed ma sameynin arrintaas. Malaayiin doolar oo deeqo dibadda ka yimid ah oo dhinaca daawooyinka, qalabka baaritaanka, iyo cuntada u diyaarsan in la cuno ayaa muhiim u ahaa horumarkan. Laakiin Nayjar waxaa ay ina tustey waxa la qaban karo  haddii ay dowladdu ka go’an tahay ayna muujiso hoggaan wanaagsan. Habka ay u mareen kuma koobneyn oo keliya daaweynta kuwa ay nafaqo-xumada ba’ani hayso. Waxaa ku jirey daryeel hooyada oo lacag la’aan ah iyo daryeel caafimaad oo lacag la’aan oo ay helaan carruurta shan sano jirka ka yar, sahaminta kuwa ay hayso nafaqo-xumada, tallaal, fitamiin A dheeri ah, habab cusub ee daryeelka, iyo tallaabo ka hortag.

Aan idiin soo koobo. Dadka ugu saboolsan ayaa badanaaba culeyska ugu weyn uu ka cudurku uu soo gaaraa iyaga ayaana qaba baahiyaha caafimaad ee ugu adag. Waa in aaney gargaar bani’aadamnimo ugu tiirsanaan daryeelka caafimaadka.

Yoolalka Horumarka ee Kun-sanadka waxaa ay ku dhowaad gaareen ujeedkoodii. Waxaa ay na bareen waxaa la qaban karo haddii aan dhammaanteen wada dadaalno. Waxaa ay sidoo kale na tuseen waxa inoo dhiman ee nalooga baahan yahay in aan qabanno. Uma baahanin keliya lacagta laakiin waxaan sidoo kale u baahannahay himilada iyo doonista siyaasadeed ee dhammaan dhinacyada – ganacsiga, dowladda, deeq-bixiyeyaasha, bulshada rayidka ah – si aan u joogteynno maaliyad-siinta iyo maalgelinta caafimaadka si uu u gaaro heerarka ugu sarreeya, iyo si uu daryeelka caafimaadku uu dhab ahaantii u noqdo mid la wada helo.

Tags: , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Dhacdooyinka

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud