Hirgelinta baaritaan cusub oo kordhiyey ogaanshaha Qaaxada daawada u adkeysata kaas oo isla markaana soo gaabiyey waqtiga bilaabidda daawada/dabiibidda

13.11.2012 | Qeybta Guud, Taakulada Soomaalida

Natiijooyinta xogta MSF ayaa muujinaya in degdeg loogu baahan yahay in kor loo qaado dabiibidda/daaweynta Cudurka Qaaxada Noociisa Daawada u Adkeysta

Geneva/Kuala Lumpur, 13 Nofembar 2012 – Natiijooyinka laga heley hirgelintii ugu ballaarneyd ee baaritaanka degdegga ah ee qaaxada ee cusub ayaa muujiyey in degdeg loogu baahan yahay in wax laga qabto dhibaatooyinka dunida ku sii kordhaya ee la xiriira qaaxada daawada u adkeysata, sidaa waxaa qaba ururka bani’aadamnimada ee caalamiga ah ee caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF).

Xogta, oo lagu soo bandhigey Shirweynihii Caalamiga ee 43aad oo sanad kasta looga hadlo Caafimaadka Sambabka ee lagu qaybtey Kuala Lumpur, xogtan waxaa laga soo ururiyey 26 mashruuc oo ay MSF ka waddo 16 dal muddo ku dhow 18 bilood. Xogtu waxaa ay muujineysaa koror celcelis ahaan 50% ah marka la adeegsado baaritaanka Qaaxaada ee lagu sameeyo shaybaarka iyada oo la adeegsanayo Xpert MTB/RIF marka la barbardhigo baaritaanka Qaaxada ee badanaa weli la adeegso, kaas oo ah baaritaanka xaakada/candhuufta.

Baaritaanka Xpert MTB/RIF, oo natiijadiisa ku soo saara laba saacadood gudahooda, waxaa uu sidoo kale ogaadaa in nooca Qaaxada ee qofka haysa ay u adkeysato mid ka mid ah daawooyinka aasaasiga ah ee Qaaxada, taas oo ah rifampicin. Mashruuc MSF ay ka waddo Zimbabwe, ayaa natiijooyin hordhac ah ay muujiyeen in adeegsiga baaritaankan cusub ay ku dhowaad afar-laabtey dadka laga helayey Qaaxada nooceeda daawada u adkeysata; mashruuc MSF ay ka waddo Swaziland, ayaa daahiddii waqtiga qofka laga qaado saamiga baaritaanka ilaa waqtiga loo bilaabayo dabiibidda Qaaxada daawada u adkeysata  la soo gaabiyey 79%, 65.9 maalmood ayaa ay horey u ahayd waxaana laga dhigey 13.9 maalmood.

“Baaritaankan cusub ee qaaxada waxaa uu gacan ka geysanayaa in bannaanka loo soo saaro baahsanaanta Qaaxada daawada u adkeysata iyo in weliba in dadka degdeg loogu bilaabo dabiibidda,” ayaa ay tiri Dr. Helen Bygrave, oo ah dhakhtarad ku takhasustey HIV/Qaaxada oo MSF kula shaqeysa Koonfur Afrika. “Laakiin bukaannada iyo dhakhaatiirtuba waxaa si isla mid ah ay ula rafanayaan dabiibidda muddada dheer socota ee xannuunka leh ee Qaaxada daawada u adkeysata taas oo keeneysa in ay daaweyso mid ka mid ah labadii qofba.”

In kasta oo xogta laga heley hirgelinta Xpert MTB/RIF  iyada oo la adeegsanayo khasnadaha jiilka saddexaad ay muujisey dhibaatooyin la xiriira in qaar ka mid baaritaannada ay muujiyaan natiijooyin aan dhammeystirneyn (soo noqnoqoshada natiijooyinka aan dhammeystirneyn waxaa ay ka badneyd 6% in ka badan kalabar mashaariicda), waxaana weli loo baahan yahay baaritaan ka fudud oo sameyntiisuna ka fududdahay oo lagu sameyn karo goobta qofka lagu daryeelo, waa ay caddahay in baaritaanku uu yahay mid si mug leh kor ugu qaadey ogaanshaha Qaaxada iyo Qaaxada Daawooyinka u Adkeysata, waana in la dhiirrigeliyaa in la baahiyo adeegsigiisa.

Marka laga soo tago in baahida loo qabo baaritaanka laga dhigo mid si ballaaran loo helo, waxaa iyana walaac ballaaran laga qabaa dabiibidda Qaaxada Daawada u Adkeysata lafteeda. Bukaannada ayaa u baahan in laba sano ay qaataan daawooyin dhibaatooyin la socda oo aan loo dul-qaadan karin leh (oo isugu jira labbo-labbo joogto ah ilaa buufis (psychosis) ilaa dhego-beelid). Natiijooyinka bukaannada MSF ay ka dabiibeyso Qaaxada daawada u adkeysata ayaa muujiyey in ay caafimaadaan keliya 53% (taas oo ah mid waxyar ka badan tan celceliska dunida oo ah 48%). Arrinta ayaa sidaa ah, weliba iyada oo MSF ay sameysey habab dabiibid oo bulshada degaanka loogu talogaley oo hadafka laga leeyahay uu yahay in lagu fududeeyo culeyska dadka qabsada.

Laba daawo oo cusub oo lagu dabiibo Qaaxada – oo ah tii ugu horreysey ee cudurka loo sameeyo ku dhowaad 50 sano – ayaa la filayaa in ay suuqa soo galaan sanadka 2013ka waxaana ay labaduba la tacaalaan noocyada cudurka ee daawada u adkeysta. Suuq soo-gelintooda ayaa ah fursad muhiim ah oo lagu sii wanaajinayo dabiibidda Qaaxada daawada u adkeysata waana in dadaal kasta lagu bixiyaa sidii loo hubin lahaa in loo adeegsado qaab oggolaanaya in la soo yareeyo waqtiga dabiibidda lagana dhigo kuwo ay u dulqaadan karaan bukaannada, lagana dhigo kuwo ay goyn karaan ayna heli karaan bukaannada ku nool dalalka soo koraya.

“Maaddaama daawooyin cusub oo loogu talogaley Qaaxada daawooyinka u adkeysata ay heliddoodu aad u soo dhowdahay markii ugu horreysey muddo nus qarni ah, waa in bulshada caalamiga ah ee caafimaadka ay ka faa’iideystaan fursaddan in ay dad soo marto ay naadir tahay iyaga oo Qaaxada daawada u adkeysata ka hor istaagaya in ay faraha ka baxdo,” ayaa uu yiri Dr. Manica Balasegaram, oo ah Agaasimaha Fulinta ee Ololaha Helidda Daawada ee MSF.

 

++++++++++++++++++
MSF waxaa ay Qaaxada daaweyneysey 25 sano. Sanadkii 2011, 26,600 bukaannada Qaaxada ah ayaa lagu dabiibey mashaariic ay MSF taageerto oo laga wada 39 dal. Kalabar mashaariicdaas waxaa ay ku lug lahaayeen dabiibidda Qaaxada daawooyinka badan u adkeysata – kuwaas oo wadartoodu ahayd 1,300 bukaan oo kala jooga 21 dal. MSF hadda waxaa ay ka mid tahay NGO-yada dunida oo dhan ugu ballaaran ee daaweeya Qaaxada daawooyinka badan u adkeysata.

In kasta oo xoogaa guul ah laga gaarey kor u qaadista daryeelka iyo culeys-saaridda baahinta dabiibidda oo la heleyna habab cusub oo wax looga qabto cudurka, haddana nisbada dadka caafimaada ee barnaamijyada MSF weli waa ay hooseysaa, waana 53% bukaannada Qaaxada daawooyinka badan u adkeysata (sida ay qabto WHO, celceliska dunida ee dadka ka caafimaada waa 48%), iyo 13% bukaannada qaba Qaaxada aadka ugu adkeysata daawada.

 

Tags: , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud

Qoraalada kale ee ku saabsan Taakulada Soomaalida