MSF WAXEY MAR KALE KU CELINEYSAA CARADA IYO NAXDINTA AY KA QAADAY AFDUUBKII KA DHACAY DHADHAAB EE LOO GEEYSTAY SHAQAALAHEEDA SANAD KA HOR

10.10.2012 | Keyna, Xeradda qoxootiga ee Dadaab, Qeybta Guud

Hay’adda samafalka ee Dhakhaatiirta aan Xuduuda lahayn (MSF) waxey sii wadeysaa in ay taageerto qoysaska Blanca Thiebaut iyo Montserrat Serra oo laga afduubay xerada qaxootiga Kiinya ku taala ee Dhadhaab, iyagoo ka shaqeynaya samafal lagu caawinayo qaxooti Soomaaliyeed ee kaalmada u baahan. MSF waxay mar kale ku celineysaa carada iyo naxdinta ay ka qaaday falkan waxeyna weydiisaneysaa in si deg deg ah loo soo siidaayo.

Montserrat iyo Blanca waxaa xerada Ifo 2 ee Dhadhaab ka afduubay rag hubeysan, iyagoo ka shaqeynayay meel laga dhisayay isbitaal, 13kii Oktoobar sanadkii 2011 kii. Tan iyo markaasi waxaa si khasab loogu haystay gudaha Soomaaliya. MSF waxey si weyn u cambaareyneysaa weerarkaas.

Qoysaska Montserrat iyo Blanca waxay muujinayaan xanuunka ku saabsan afduubka loo geystay labadooda gabdhood waxayna ku dhawaaqayaan in ay sameyn doonaan wax walba oo ay awoodaan si loo soo sii daaya. MSF oo mataleysa qoyasaska Montserrat iyo Blanca, waxay u mahad celineysa warbaahinta iyo hay’adaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah taxadarka ay muujiyeen mudadii sanadka ahayd ee gabdhaha ay afduubnaayeen, waxayna codsaneysaa in ay sii wadaan ka fiirsashadaas.

MSF waxay si joogta ah uga shaqeyneysay Soomaaliya tan iyo sanadki 1991 waxayna hadda guud ahaan dalka ka wadaa 12 mashruuc. Kumanaan Soomaali ah ayaa ka barakacay guriyahooda ama u carary dalalka dariska ah; dagaal, rabshado, abaaro, nafaqa dara iyo caafimaad daro awadood. Xaaladda amaan darada ee daran waxay khatar gelineysaa in qeyba ka tirsan Soomaaliya laga bixiya adeeg deg deg ah oo nafaf lagu badbaadiyo. Kooxaha MSF waxay daawo iyo samafal gaarsiiyaan kumanaan qaxooti Soomaali ah oo ku nool xeryaha dalalka jaarka ah ee Itoobiya iyo Kiinya.

Tags: , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Keyna, Xeradda qoxootiga ee Dadaab

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud