Daryeelka caafimaadka dhimmirka oo la gaarsiinayo dadka u baahan

10.10.2012 | Keyna, Xeradda qoxootiga ee Dadaab, Qeybta Guud

Xerooyinka qaxootiga ee ku yaalla Kenya iyo meelo ka sii fogba, dhakhaatiirta cilmi-nafsiga waxaa ay qayb aan ka go’i karin ka yihiin kooxaha Médecins Sans Frontières/Dhakhaatiira Aan Xuduudda Lahayn (MSF). Munaasabadda Maalinta Adduunka ee Caafimaaadka Dhimmirka, waxaan eegeynaa doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaaraan in ay dadku ka gargaaraan ka caafimaadidda dhaawaca-maskaxeed/qulubka (trauma). 

Siyaad Cabdi Aar waxaa uu jirey 16 sano markii uu ku xadgudbey qof dableey ah isaga oo jooga Soomaaliya. Siddeed sanadood ka dib, weli dhaawacii maskaxeed weli kama caafimaadin. Tan iyo markii uu yimid xerada qaxootiga Dhadhaab ee ku taalla Kenya sanadkii 2010kii, hooyadiis waxaa ay ku haysay silsilad ay lugtiisa kula xirtey sariirta, iyada oo ka welwelsan in uu iska dhaqaaqo oo uu naftiisa dhibaato gaarsiiyo.

© Robin Hammond

Qaar badan oo ka mid ah qaxootiga imanaya Dhadhaab waxaa dhaawac maskaxeed uu ka soo gaarey wixii ka soo marey Soomaaliya, halkaas oo rabshadda iyo abaartu ay ku soo qasbeen in ay ka soo cararaan guryahooda. Tan iyo 2009kii, MSF waxaa ay daryeel caafimaad ku bixineysey xerada Dhagaxley ee ka tirsan Dhadhaab, halkaas oo adeegyada lagu bixiyo ay ka mid yihiin daryeelka caafimaadka dhimmirka iyo la-taliinta/u-dhimrinta aadka loogu baahan yahay. Kenya, sida dalalka kale ee ay MSF ka shaqeysaba, dhakhaatiirta cilmi-nafsigu waxaa ay hadda yihiin qayb aan ka go’in kooxaha ururkan caafimaadka.

“Dhadhaab dhexdeeda, iyo guud ahaan Afrikaba, dhibaatada nafsaaniga ah badanaa looma muujiyo si la mid ah sida dalalka hodonka ah,” ayaa uu yiri dhakhtarka cilmi-nafsiga ee magaciisu yahay Pablo Melgar Gomez, oo ka shaqeeyey Dhadhaab min 2009kii ilaa 2010kii oo haddana u shaqeeya qaxootiga Falastiiniyiinta ee jooga Libnaan. “Dadku badanaa waxaa ay ka cawdaan xanuun jirkooda haya. Marka ay la-talinta caafimaad socoto, waxaannu isku daynaa in aan fahamsiinno in xanuunnadan ay la xiriiraan xaaladda dareen ee qofka.”

Dhowr kulan oo la-talin caafimaad/u-dhimrin ah ayaa badaa dadka ugu filan in ay helaan waddo ay kula qabsadaan dhibaatada nafsaaniga ah ee haysata. Laakiin dadka qaba xaalado ba’an oo caafimaadka dhimmirka la xiriira – sida cudurrada nafsaaniga ah ee ay ka mid yihiin schizophrenia (qofka oo aan kala garan dhabta iyo dhalanteedka) iyo bipolar (caro iyo farxad dhowaan) – ayaa laga yaabaa in aaney helin daaweynta ay u baahan yihiin.

“Intii aan joogey Dhadhaab, waxaan arkey dersinno dad ah oo qaba dhibaatooyin caafimaadka dhimmirka la xiriira oo silsilad ku xiran ama ay meel ku xireen qoysaskooda, oo aan waxba ka garaneyn sida loo maareeyo dadkaan,” ayaa uu yiri Gomez. “Haddii aanan gacansiin lahayn, dadkaa wax rajo ah kama lahaan lahayn in ay helaan daryeel cudurrada dhimmirka oo ilaa maantana silsilad ayaa ku xirnaan lahaayeen.”

Ilaa 450 milyan qof oo dunida jooga ayaa qaba dhibaatooyin dhimmirka la xiriira, sida uu sheegey Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), in kasta oo farqi aad u weyn u dhexeeyo kuwa u baahan daryeelka caafimaadka dhimmirka iyo kuwa hela.

Marka ay socdaan dagaallo ama ka dib marka ay dhacaan aafooyin dabiici ah,  saamiga dadka qaba muraal-dillaac ama walaac – oo ah falcelin caadi ah oo looga falcelinayo dhacdooyinka aan caadiga ahayn – ay badanaa laba-laab ama saddex-laab noqdaan. Xaaladaha aadka u ba’an, dhammaan dadka ayaa dareema walaac iyo murugo ku sii kordhey. Dadka badidoodu iskood ayaa uga bogsadaan ama waxaa ay gacan ay ka heleen saaxiibbo iyo qoyskooda. Laakiin qaar kale, waxaa lagamamaarmaan u ah in ay helaan daryeel nafsaani ama daryeelka cudurrada dhimmirka.

Marka ay dhibaatooyin jiraan, dhakhaatiirka cilmi-nafsiga ee MSF waxaa ay marka hore wax ka qabtaan xaaladaha ugu degdegsan. Ka dib dhul-gariirkii Haiti ka dhacay bishii Jannaayo 2010kii, shaqaalaha MSF waxaa ay bixiyaan la-talinno caafimaad oo degdeg ah si ay bukaannada gacan uga siiyaan dhaawaca maskaxeed (qulubka) la soo gudboonaadey, iyaga oo isla markaana daaweynaya dadka qaba jahawareer / dhibaato dhimmirka la xiriirta oo ba’an.

Dhibaatada nafsaaniga ah waa ay adkaan kartaa in la aqoonsado marka ay u muuqato sidii xanuun qofka jirka ka haya oo kale, mid ka mid ah hawlaha dhakhaatiirta cilmi-nafsiga ee MSF-na waa in shaqaalaha kale ee caafimaadka ay ku tababaraan in ay soo ogaadaan bukaannada noocaas ah. Caadi ahaan dadkaasi waa kuwo ka cawda xanuun aan meel ku gaar ahayn oo marar badan soo noqnoqda iyaga oo jirradoodana si quman loo ogaan – taasina waa mid ka mid ah sababaha ay aadka muhiimka ugu tahay in maareynta daryeelka caafimaadka dhimmirka la dhexgeliyo hawlaha kale ee caafimaadka.

Marka laga soo tago xerooyinka qaxootiga, aafooyinka dabiiciga ah iyo goobaha dagaalka, dhakhaatiirka cilmi-nafsiga ee MSF waxaa ay la-talin caafimaada (u dhimrin) siiyaan dad xaaladl badan oo kala duwan ku kala sugan, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhibbanayaasha rabshadda jinsiga (kufsiga) ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo Guatemala.

“Gacan-qabashada dhinaca cilmi-nafsiga la xiriirta waxaa ay bukaannada HIV/AIDS ama TB gacan ka siin kartaa sidii daawadooda ay si wanaagsan ugu qaadan lahaayeen, ayaa uu yiri Gomez, “halka xarun nafaqo, aaney hooyo awoodeynin in ay ilmaheeda si habboon u daryeesho ayna hubiso in uu miiisaankiisa soo kordho haddii ay qabto muraal-dillaac.”

Sanadkii 2011kii, dalalka ay MSF ka shaqeyso, kooxaheenna dhakhaatiirta cilmi-nafsiga waxaa ay ku dhowaad 17,000 la-talinta cafimaadka dhimmirka u bixiyeen si shakhsi shakhsi ah iyaga oo 19,200 siiyey la-talin (u dhimrin) iyaga oo kooxo ah.

Tags: , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Keyna, Xeradda qoxootiga ee Dadaab

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud