Xerada qaxootiga ee ugu wayn adduunka wey magan-beeshay

19.06.2012 | Keyna, Xeradda qoxootiga ee Dadaab, Qeybta Guud

Aamina waxa ay timid Dhadhaab 1992dii, iyada oo ah sannad jir. Waxa ay ku dhalatay Afmadoow, Soomaaliya, waxa ay waddankeeda uga soo qaxday rabshado, abaar iyo cunno la’aan. Xerada qaxootiga dhexdeeda waxa ay hoy la wadaagtaa ninkeeda, inanteeda yar iyo 12 kale oo ah xubno ka tirsan qaraabadeeda.

Aamina waxa ay aaminsantahay in wax badan oo lagu sii wanaajinayo xerada la qaban karo: buux-dhaafka dadka, biyo yarida, cunnada, tayada hoyga, tababarka liita ee macallimiinta dugsiga hoose/dhexe ee xerada. Xerada ayey deggantahay badanaana waa ay cabsataa: waxa jira weerarro is daba-joog ah oo ay sameeyaan burcad, waxa ayna maqashay dhacdooyin bililiqo, dhac iyo haween la kufsadey marka ay bannaanka aadaan oo ay xaabo soo guranayaan.

Muddo 20 sanno ah ma aysan dhaafin xerada. Waxa ay aaminsan tahay, haddii ay waxbarashada sii wadan lahayd, in ay lahaan lahayd mustaqbal wanaagsan. Hadda rajada keli ah ee ay leedahay waa in dib-u-dejin loogu sameeyo waddan saddexaad.

Labaatankii sano ee la soo dhaafay, nolosha dadka Soomaalida caadiga ah waxa baabi’yey  iskahorimaad hubeysan. Abaartii iyo rabshadihii sii siiyadayey ee 2011kii waxaa ay uga sii dareen un xaallaaddii markii hore quus taagneyd. Boqolaal kun oo Soomaali ah ayaa lagu barakiciyey waddankooda gudahiisa, ama u qaxay waddamada deriska ah si ay u badbaadaan.

Xilligii 2011kii, ku dhowaad 200,000 oo qof ayaa timid Dhadhaab, oo ku taalla gobolka waqooyi bari ee Kenya, taasi oo ka dhigtay dadka ku nool xerooyinka mid ku dhow nus malyuun qof. Xerooyinkii waxa ay noqdeen kuwo aan xamili karin dadka intaa le’eg ee ku soo jabay. Sidaas awgeed, qaxootigii soo galootiga ahaa waxa ay la rafaadeen biyo, cunno, hooy iyo xanaanno caafimaad yari baahsan. Waxa ay hay’adaha gargaarku si wacan ugu soo gurmadeen baahida qaxootiga oo keli ah wixii ka dambeeyey Luuliyo 2011kii.

Xitaa intaa ka dib, waxaa dillaacay jadeeco, daacuun; iyada oo ay jireen in ka badan 1500 oo qof oo da’ waliba leh oo ay jadeeco ku dhacday. Barnaamijkeenna caafimaadka maskaxda- oo ah hal qayb oo hawlaha caafimaad ee MSF ee Dhadhaab ka mid ah, waxa aanu qaabilney in ka badan 1500 oo bukaanno ah, waxa aanu la kulannaa in ka badan 700 oo qof oo aanu siinnaa tala-bixin caafimaadka maskaxda bil kasta.

Xaaladda aminga aad bay u sii xumaatay tan iyo bishii Agoosto ee Sannakii hore, taasi oo u horseedday hay’adaha gargaarka ah in ay howl-galladooda ay aad hoos ugu dhigaan. Qaxootiga iyaga ayaa isku-tashanayey, marar badan iyaga oo la wareegayey adeegyadii ay horay u qabad-jireen hay’adaha gargaarka; walow aysan lahayn khibrad ama tababarkii loo baahnaa.

Tan ii markii la xiray xafiiskii diiwan-gelinta Oktoobartii la soo dhaafay, gargaaridda dadka cusub waxa ay noqotay mid aad u adag, waayo ma laha qaab toosan oo lagu aqoonsan-karo luguna daba-joogi karo qaxootiga cusub.

Dadka cusub qaarkood waxa la siiyaa raashiin, laakin midkoodna lama siinin qalab ay hooy ka dhistaan mana laga gacan siinin in ay helaan meel ay joogaan. Intaasi waxa u dheer, sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, qaxootiga lama siinin tallaal ama baaritaan caafimaad marka ay yimaadaan. Marka lagu daro marxalladda asaasiga ah ee nolosha xerooyinka iyo iskor-fuulka dadka, tani waxa ay sare u qaadeysaa halista hoos u dhaca xaalladda caafimaad ee qaxootiga, waxa ayna sahli kartaa in ay cudurro dillaacaan. Tani ayaa daruuri ka dhigeyso in xarumaha diwaangelinta ee xero kasto dib loo furo si kama dambeys ah.

Hal sano markii ay ka soo wareegtey xaaladdii degdegga ahayd, haddii aan nahay MSF waxaanu weli la yaabbannahay xaaladaha Dhadhaab, waxaana ka walaacsannahay u sama-falidda qaxooda halkaasi hooyga u tahay. Iyada oo heerka geerida ay yaraaneyso, oo ay jiraan in ka yar intii hore ee carruurta nafaqo-xumada haysay ee aanu ugu adeegeynay barnaamijadeenii nafaqada,ayaa haddana waxa ay qaxootiga ku sugan-yihiin marxalad aan degganeyn. Duruufahooda
ayaa halis gelinaya arrimo badan oo dibadeed, oo ay ka mid yihiin cudurro dillaaca, khataraha rabbaaniga ah ama qaxooti kale oo tira badan oo soo buuxiyo xeryaha, sida dhacday 2011kii.

Qaxootiga Dhadhaab sina ugama foga halis. Weli waxaanu ku  haynaa barnaamijkeenna nafaqada 850 carruur ah oo aad u nafaqa-daran, taasi oo muujineyso 60kii carruur ahba hal in uu la il-daran yahay nafaqo-darro ba’an uuna halis ugu jiro geeri. Tirade dadka qaba qaaxada u adkeysata daawooyinka ayaa sidoo kale iyana kor u kaceysa.

Meeqaa kale oo dhibaatooyin nafaqo ama jadeeco safmar ah ayaa ay qaadanaysaa ka hor inta aanan bilaabin in aan raadinno xal? Gargaaridda qaxootiga Dhadhaab iyada oo la sugayo xaalad degdeg ah oo kale in ay dhacdo, waxa ay keeneysaa su’aalo anshax la xiriira oo ka badan kuwa caafimaadka la xiriira.

Si taxadar leh u tixgelinta qorshaha mustaqbalka qaxootigan waa daruuri. Waxa ay u muuqataa in ay iska caddahay in la is hor-taago qaabka ay hadda wax ugu socdaan qaxootiga. Qaxooti badan oo iskooda ugu laabto Soomaaliya ma ahan xal shaqayn-karo maanta.

Xalal kale- sida deeq dib-u-dejineed dibadeed, iyo in qaxootiga la siiyo fursado ay isugu filnaadaan- ayaa dabcan u baahan dadaal dheeraad ah; marxalladda sidan oo kale u cakiran, hal cabbir kuma filno dhamaan dadka.

Intaa horteed, mustaqbalka dhow, baahida taagan ee ummadda Soomaaliyeed waa in aanan la illaawin, xuquuqda ay ku doonayaan magangalyadan waa in la dhawraa.

Tags: , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Keyna, Xeradda qoxootiga ee Dadaab

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud