Jadeecadu waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee loogu dhinto Soomaaliya, markaa waa in dadka laga tallaalaa!

13.06.2012 | Taakulada Soomaalida


Jadeecadu
si weyn ayaa ay dad ugu dishaa Soomaaliya waana cudur si fudud looga hortegi
karo. Tallaalka – oo dad badan la gaarsiiyo si wanaagsanna loo maareeyo – ayaa
muhiim u ah nolol badbaadinta Soomaaliya gudaheeda. MSF waxaa ay maamullada
weydiisaneysaa in ay taageeraan barnaamijyada degdegga ah ee tallaalka ee guud
ahaan Soomaaliya.

Khadiijo waxaa ay cusbitaalka ay Médecins Sans Frontières
(MSF) taageerto timid laba maalmood ka hor iyada oo ay la socdaan lix ka mid ah
carruurteeda. Toddobadoodaba waxaa ay qabaan jadeeco. Waxaa ay sheegtey in ay
taqaanno calaamadaha jadeecada laakiin halkaan goor hore ma imaanin sababta oo
ah waxaa ay ku nooshahay meel aad u fog gaadiidkuna waa qaali. Markii hore
waxaa ay ku daydey daawo-dhaqameed – iyada oo ka gubtey meelo kala duwan oo
jirka ka mid ah – waxaana ay timid cusbitaalka markii ilmihii ugu yaraa uu
dhintey, kaasna waxaa uu ahaa wiil hal sano jirey oo magaciisu ahaa Yacquub.
Jadeecada aan la iska daweyn waa loo dhiman karaa, gaar ahaan carruurta yaryar.
Haddii ay helaan daryeelka caafimaad oo bukaan-jiif badi bukaannada jadeecadu
waa ay badbaadaan, laakiin faa’iidada ugu wanaagsan waxaa lagu helaa tallaal.

Guud ahaan Soomaaliya, jadeecadu waa ay ku faafeysey, gaar
ahaan lixdii bilood ee la soo dhaafey. MSF waxaa ay 4,288 bukaan ka daaweysey
jadeeco tan iyo bishii Jannaayo, kuwaas oo badidoodu ay ahaayeen carruur, iyada
oo ku daweysey xarumaheeda caafimaadka ee ku yaalla guud ahaan Soomaaliya. [1]
Xataa degaamada maamullada caafimaadku ay leeyihiin ololayaasha tallaalku waa
taabogal, ayaa MSF ay maalin kasta weli ku daweyneysaa dersinno bukaanno ah.
Magaalada Burco, oo ah degaan aanu saameyn iskahorimaad oo si joogto ah u hela
ololayaal tallaal, ayaa MSF ay ku qaabishey 586 bukaan tan iyo bilowgii
sanadka. Tiradu sidan u badnaateen haddii tallaalku si dad ku filan u gaari
lahaa.

Tallaalka uma baahna oo keliya in si wanaagsan uu u wada gaaro dadka,
taas oo ah in uu gaaro in ka badan 90% si loo joojiyo faafidda cudurka, waxaa
uu sidoo kale u baahan yahay in tallaalka lagu qaado gaadiid laguna keydiyo heer-kulka
ku habboon. Taa ayaa sabab u noqon karta cudurrada ka dillaaca degaannada la
sheegey in tallaal laga fuliyey. Laakiin waxa taas ka sii welwel badan waa
degaammada ay maamulladu gebi ahaanba diidaan tallaalka. Degaammo tiro badan
ayaa MSF loo diidey in ay dadka tallaasho iyada oo taas sabab looga dhigayo in
madaxda sare aaney oggoleyn.

Jadeecada ayaa si weyn uga dillaacdey guud ahaan Soomaaliya bilihii la
soo dhaafey waxaana qaar badan oo ka mid ah qaybaha xarumaha caafimaadka ee MSF
ka buuxay carruur cudurka qabta sida kuwa khadiijo oo kale. Waxaa ay ku
fadhidaa derin taalla dhulka xarunta ku meelgaarka ah ee MSF iyada oo ay ku
hareereysan yihiin lixdeeda carruurta ah iyaga oo sugaya ilaa ay ka soo roonaadaan
oo ay soo gaaraan heer ay soo safri karaan. Qoyskeeda ayaa sida qoysas kale oo
badanba waxaa sanadkii hore ku dhuftey abaar. Waxaa ay ku waayeen kalabar
laakiin waa ay soo kabanayeen ilaa ay jadeeco ku dhufatey tuuladooda.

 

Bishii Oktoobar 2011, laba shaqaalaha gargaarka ee MSF ka mid ah,
Montserat Serra iyo Blanca Thiebaut, ayaa laga afduubey xerada qaxootiga ee
Dhadhaab ee ku taalla Waqooyiga-bari ee Kenya iyaga oo gargaar degdeg ah u wada
qaxootiga Soomaaliyeed. Ilaa haddana waa la haystaa, waxaana MSF, in kasta oo
ay weli wax ka qabaneyso dhibaatada ba’an ee u baahan in nolol lagu badbaadiyo,
haddana waxaa ay hakisey in ay mashruuc kasta oo aan degdeg ahayn laga furo
Soomaaliya ilaa labadoodaba laga sii daayo.


[1] Wadarta
tirada bukaannada jadeeco looga daweeyey 4 bilood intii u dhaxaysey Jannaayo –
Maajo 2012 (305,467 iyo 3,222 xaaladood) iyo 1 gobol muddadii u dhaxaysey
Jannaayo – Abriil 2012 (57 xaaladood)

Qoraalada kale ee ku saabsan Taakulada Soomaalida