Halis Ka jirta Soomaaliya! Halista Umulidda

09.06.2012 | Qeybta Guud

Joe Belliveau

Maajo 2012

Waqooyiga Gaalkacyo

Dr Xamiida Shakib Maxamed waxaa ay hadda hooyadiis ka umulisey wiil 3.6 kg ah. Waa ay wanaagsaneyd in hooyadu ay soo gaartey xaruntan caafimaadka; foosha ayaa ay ku dhibtootey waxaana ay gacan uga baahneyd umuliso xirfad leh oo adeegsaneysa
qalab soo nuuga ilmaha si looga umuliyo. Waxaa ay ku nooshahay tuulo ilaa 110 kilomitir dhinaca waqooyi innaga xigta, laakiin aabbaheed ayaa ku adkeystey in ay soo safarto. Waa uu qirsan yahay waxtarka adeegyada ay  Médecins Sans Frontières (MSF) taageerto ee lagu bixiyo halkaan ka dib markii xaaskiisa dhiig-bax dhalmo looga daweeyey halkaan bilow ka hor. Waxaan bixinnaa “daryeelka ku habboon,” waa sida ay dhigtey Dr Hamid, “sidaa daraaddeed dadku waa ay inoo yimaadaan.”

MSF waxaa ay Disembartii hore ballaarisey adeegyadii ay ku bixineysey Waqooyiga Gaalkacyo iyada oo ku dartey daryeelka hooyada iyo umulaha. Tirada carruurta ku dhalatey aya aad u korodhey oo gaartey ilaa 200 bishii, iyada oo qaar badan ay ka imanayaan meelo marba marka ka dambeysa aad uga sii fog. Dr Hamida waa ay ku faraxsan tahay arrintaas. Waa Soomaali, waxaana ay 1980-maadkii wax ku baratey Muqdisho, laakiin waxaa ay haysataa baasaboor Ajnebi ah waxaana ay dibadda ku nooleyd labaatankii sano ee la soo dhaafey badidooda. Hadda oo ay carruurteeda koreen waxa ay leedahay “waqti badan ayaan haystaa waxaana aan doonayaa in aan wax taro bulshada Soomaaliyeed.” Mar hadda looga baahi badan yahay ma jirto.

Nabadgelyo-xumada Soomaaliya ka jirta ayaa MSF iyo hay’adaha kaleba iska hortaagaya in ay shaqaale caalami ah ay muddo aad u dheer ku jayaan gudaha meelaha qaarna gebi ahaanba lama geli karo. Sidaa daraaddeed MSF waxaa ay shaqaalaheeda Soomaalida
ah ugu tiirsan tahay hawsheeda badideeda. Waa culeys jira in jaangooyooyinka meel sare lagu hayo, laakiin iyada oo loo marayo koorsooyin tababar degdeg ah, in goobta shaqada lagu xilliyada booqashooyinka kookooban, iyo talo laga helo khubarro ku nool Soomaaliya dibaddeeda, shaqaalaha dadaalka badan sida Dr Xamiida ayaa tayada adeegga kor  ku haynaya. Dr Xamiida ayaa sheegtey in ay dhowaan hooyo ka umulisey ilmo – oo madaxiisu meel ku dhegey intii ay foolaneysey – iyada oo markii ugu horreysey
adeegsaneysa qalabka gaarka ah ee loogu talogaley soo qabashada iyada oo teleefoonka tallaabo-tallaabo ay ugu hagayaan dhakhaatiirteenna ka khibrad badan ee jooga Nayroobi.

Bukaannada badidoodu waa ay ku faraxsan yihiin joogitaanka halkaan. Ku dhowaad dhammaantooda waxaa ay sheegaan hadal la mid ah kii Shamso, oo ilmaheedii saddexaad xaley dhashey. Waxaa ay tiri “Waan ogahay in aan heli karo daryeel caafimaad oo wanaagsan.” Waana lacag la’aan, taas oo ah arrin miisaan culus ay siiyaan qaar badan oo haweenka ka mid ah marka ay kala dooranayaan xarumaha caafimaadka. Shamso nasiib ayaa ay leedahay. Waxaa ay deggan tahay Gaalkacyo dhibaatooyin kalena ma
lahayn foosha horteeda ama intii ay foolaneyseyba. Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalalka heerarka dhimashada hooyooyinku ay ugu sarreeyaan dunida oo dhan dhibaatoyin ballaaran ayaana haysta haween badan oo kale.

Haweeney ku jirta  qolka xiga waa mid isku –soo-qalloocsan oo indho-godan oo dhiig soo galey la cas oo hayso ilmaha weli caloosheeda ku jira. Ma hubto sida ay halkaan ku timid. Waxaa keliya oo ay og tahay in ay miyir beeshey dhiigkarka uurka la xiriira (pre-eclampsia) waqti ka hor waxaana ay u maleyneysaa in qaraabadeeda ay u soo qabanqaabiyeen safarka saddexda saac loo soo socdo si ay halkaan u keenaan. Laxaw ayaa ay dareemeysaa laakiin dhakhtarku waxaa uu leeyahay in iyada iyo ilmaheeda aan weli dhalan ay wanaagsan yihiin hadda.

Meel kale oo hoolka ka mid ah, haweeney aad u da’ yar oo ay murugo ka muuqato ayaa soo kabaneysa ka dib markii uu ilmaheeda ka dhintey. Laba maalmood ka hor ayaa ay timid iyada oo ay fooli hayso oo ay ula socdaan calaamado dhiigkarka uurka la xiriia. Waxaa la tilmaamey in ay u baahan tahay in qalliin looga umuliyo, laakiin dhaqanka Soomaalida qalliinka noocaas ah lama sameyn karo iyada oo aanu la helin oggolaanshaha ninka qaba haweeneysa. Waa laga soo waayey xerada barokacayaasha eek u taalla bannaanka magaalada ee ay ku noolaayeen, waxaana in kasta oo teleefoonnada gacanta ay caadi ka yihiin haddana qofna ma haynin talbalkiisa, xataa haddey tahay xaaskiisa oo hadda iyada oo aamusan dhinac fadhida gabadheeda. Abtigeed ayaa yimid laakiin oggolaanshaha ma bixin karin maaddaama qaraabanimadiisa ay dhinaca hooyada tahay. Ugu dambeyntii, toban iyo laba saacadood ka dib adeer ayaa yimid oo oggolaanshihii bixiyey, laakiin ilmaha uurka ku jirey markaasba meyd ayuu ahaa.

Qol kale waxaa taalla haweeney shaley ka timid Itoobiya ka dib markii afar maalmood ay foolaneysey, taas oo ku adkeyd ilmaha oo dhintey wax ka dib markii uu dhasheyba. Waxaa laga yaabaa in iyaduna sidoo kale ay aad ugu cusleyd. Waxaa iyada oo jahawareer weyn uu haysto oo xabadku si aan dheellitirneyn uu kor uug taagan yahay, oo aan hubin halka uu ku jirto ilmaha. Kaadida ayaa ka socota iyada oo aan iska warqabin umulisadana waxaa ay la tahay in ay qabto fistula (isufuran).

Fistula-da saxaaxa ayaa ku badan Soomaaliya, taas oo haween laxow iyo kaadi-furan ku keenta. Kala go’a ayaa ku imaan kara sababo kala duwan, badanaana ilmaha oo soo bixi waaya, mararka qaarna kufsi. Haweeney aan cidi la socon ayaa timid Gaalkacyo toddobaadyo yar ka hor iyada oo ka timid Muqdisho. Intii ay waddada ku soo jirtey ayaa shan nin ay kaxaysteen, saddex maalmood ayaa ay haysteen marar badan ayaan ay kufsadeen. Waxaa ay timid shan maalmood ka dib markii qaraabo ay ku lahayd xerada barokacayaasha ay u sheegeen ay u sheegeen in ay halkaan caawimo ka heli kato. Waa ay ka soo daahdey waqtigii ay heli lahayd
daawada ka hortagga HIV, laakiin la-talin ayaan u sameyn karney, waxaan ka hortegi karney uur ay qaaddo iyo cudurrada galmada la isugu gudbiyo, waxaana aan wax ka qaban karney fistula-heeda.

Caado-dhaqameedyada ayaa sidoo kale mararka qaar sii xumeyn kara carruur dhalista. Gudniinka haweenku ayaa ku badan Soomaaliya waxaana mararka qaar waxaa uu kordhiyaa halista carruur-dhalista, ilmaha oo soo bixi waayo ama dhiig-bax mid ay
noqotaba. Hooyo ugub ahayd oo dhowaan ilmiheedii curadka ahaa u tagtey in ay ka umuliso Umuliso Dhaqmeed oo six un u goysey iyada oo isku dayey si ay ilmaha ugu banneyso halkii uu soo mari lahaa oo yareyd gudniinna horey loogu sameeyey. Waqtii ay soo gaartey xarunta caafimaadka ee MSF waxaa hayey qaracan waxaana ay u baahneyd in dhiig lagu shubo oo si weyna loo soo kabo goobtii dhaawaca la gaarsiiyey. MSF ayaa hadda isku dayeysa in ay si dhow ula shaqeyso Umuliso Dhaqameedyada, iyada oo tababar ku siineysa in goor hore ay aqoonsadaan dhibaatooyinka iyo in lagu dhiirrigeilyo in goor hore ay soo gudbiyaan ka umulinta halistood sarreyso.

Carruur-dhalista waxaa ay noqon kartaa halis Soomaaliya dhexdeeda, laakiin ka-umulintooduna waa sidaas oo kale. “Ammaanka waa mid aan fadhin,” ayaa ay tii D Xamiida. Jimcihii la soo dhaafey goor habeen ah loogu yeerey in ay wax ka qabato mandheer soo
bixi weydey. Intii ay ku socdeen cusbitaalka, ayaa qof boolis ah oo khamri cabsan uu joojiyey isaga oo warwareejinaya qorigiisa AK-47-ka ah. Waxaa uu mid kasta oo ka mid ah u sheegey in uu “ka soo baxo”, laakiin nasiib wanaag markii lagu baryey in dhakhtaradda loogu baahan yahay xaalad degdeg ah oo ka jirta cusbitaalka ayaa qofkii booliska ahaa waxaa uu u oggolaadey in ay sii socdaan. Ka
dib markii ay ku shubtey dhiig, waxaa ay ku guuleysatey in ay dejiso xaaladdii bukaanka. In kasta oo halistaasi jirto, Dr Xamiida waa ay ku faraxsan tahay in ay halkaan joogto waana ay ka heshaa in mashquulku badan yahay sababta oo ah “wax baad qabaneysaa.” Waa ay dhoolla-caddeyneysaa waxaa ay sheegtey “in bulshada ay dib ugu celineyso wixii ay horey ugu tartey.”

Haddii aaney jiri lahayn shaqada ay hayaan shaqaalaha dadaalka badan sida Dr Xamiida, MSF ma wadi karin barnaamijyada ay ka waddo Soomaaliya. Daryeelka hooyadu waa mid un ka mid ah hawlaha caafimaadka ee tirada badan ee ay MSF ka waddo guud
ahaan dalka, laakiin Soomaaliya waxaa ka jirta nisbo aad u sarreysa oo geerida hooyooyinka ah – qiyaastii 1200/100,000 oo nolol ku dhasha sida laga heley ilo kala duwan, haddii si kale loo yiraahdo, tiro ka badan hal hooyo ayaa dhimata boqolkii carruur ah ee dhashaba – sidaa daraaddeed daryeelka hooyadu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah xirmada daryeelka caafimaadka MSF. In carruur lagu dhalo Soomaaliya waa arrin halis leh, waxaana halistaa waxyar soo yareeyey dadaalka weyn ee shaqaalaha MSF Soomaaliya.

MSF waxaa ay Soomaaliya si joogto ah uga shaqeyneysey tan iyo 1991. MSF waxaa ay ku tiirsan tahay keliya deeqaha sadaqada ah ee dadka caadiga ah ay bixiyaan si ay ugu fuliso hawsha ay ka hayso Soomaaliya mana aqbaleyso maaliyad ay bixiso
dowlad.


Muddadii u dhaxaysey Maajo ilaa Disembar 2011, MSF waxaa ay in ka badan 22 mashruuic ka waddey goobo kala duwan oo ka tirsan Soomaaliya iyo xerooyinka qaxootiga Soomaalida eek u yaalla Itoobiya iyo Kenya. Muddadaan, oo ahayd waqtigii ay dhibaatooyinku ugu sarreeyeen, hay’addan caafimaadku waxaa ay in ka badan 78,500 bukaan ka daweysey nafaqo-xumo ba’an waxaana in ka badan 30,0000 ka daweysey nafaqo-xumo dhexdhexaad ah in ka badan 7,200 bukaanna jadeeco waana ay in ka badan 255,000 qof ay cudurro kaga tallaashey Geeska Afrika. MSF waxaa ay ay gacan ka geysatey in ka badan ka umuliso 6,000 hooyo  waxaana ay bixisey in ka badan 537,500 la-talin caafimaad oo bukaanjiif ah.


Dagaalka Soomaaliya waxaa uu hadda galey sanadkii 21aad. Ka dib abaartii iyo dhibaatooyinkii ballaarnaa ee sanadkiii hore, waxa ay hadda dadku haystaan kama badna inta ay cunaan, waxaana ay weli halis weyn ugu jiraan caabuqyo, cudurro
iyo nafaqo-xumo.

 

Gudaha Soomaaliya, MSF ma ballaariseyso hawlaheeda mana furesyo mashaariic cusub ilaa labada qof ee shaqaalaheeda ka tirsan – Montserrat Serra iyo Blanca Thiebaut, oo lagu afduubey Dhadhaab laguna haysto Soomaaliya tan iyo bishii Oktoobar 2011
– ay dib ula midoobaan qoysaskooda.

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud