Dhadhaab: hararka noolaha

21.06.2012 | Qeybta Guud, Taakulada Soomaalida

Xerooyinka ma ahan goob magangelyo

Dhadhaab waxa ay leedahay magaca ceebta ah ee ah in ay tahay xerada ugu weyn ee qaxootiga adduunka. Shanteeda xero (eek ala ah Dhagaxley, Ifo, Xagardheer, Kaambi caws, iyo Ifo 2) waxa ay hooy u yihiin 465,611 qaxooti diiwan-gashan ah[1] iyo kumanaan kale oo aanan weli la diiwan gelinin. Afar meelood saddex waa carruur ka yar 12 sano, haween iyo dadka da’da ah.[2]

Iyaga oo loo arkayey in ay xal kumeel gaar ah u noqdaan qaxootiga dagaallada sokeeye ee Soomaaliya, ayaa xerooyinka Dhadhaab hadda ay 20 sano jirsadeen, waxa ayna u noqdeen hoy joogta ah dadkii halkaasi u gabbaad doontay.

Iyada oo ay illaaween beesha caalamka iyo warbaahinta sannado badan, ayaa xilli yar oo xagaagii 2011kii, waxa Dhadhaab qabtay indhaha dadweynaha, markii sawirrada qaxooti tabaalleysan iyo carruur nafaqa-xumo la il-daran
ay qabsadeen bogogga hore ee waraka caalamka.  Lacago degdeg ah ayaa la soo fasaxay, hay’adaha gargaarka waxa ay
dardar-geliyeen dadaalladoodii, laba xero dheeeraad ahna waa la furay.

Laakiin dareenkii la siiyey qaxootiga waxa uu noqday mid muddo kooban ah, xagaagii hore guulihi la gaaray dib ayey u noqdeen. Tan iyo xagaagii hore, dagaallada Soomaaliya waxa ay soo gaareen xerooyinka, Dhadhaabna way amni-beeshay.

Ka dib markii ay dhaceen dhawr dhacdo oo halis ku ah aminga, oo ay ka mid yihiin afduubiddii labo ka mid ah shaqaalaha MSF, dadaalkii gargaarka aad ayuu hoos ugu dhacay bishii Oktoobar2011kii, waxaana la laalay hawlkasta oo
aan ahayn naf-badbaadin. Tani waxa ka mid ahayd diiwan-gelinta iyo baaritaan caafimaad ku samaynta qaxootiga cusub; taasi oo sababtay in dadkii yimid sagaalkii bilood ee la soo dhaafay aan la siinin aqoonsi rasmi ah gargaarka ay heleenna uu yar yahay.

Qaxootigu weli waxa ay Soomaaliya uga imanayaan tiro intii hore yar, inkasta oo aanay jrin tiro rasmi ah oo lagu xaqiijinayo tani. Badankooda waxa ay u muuqdaan haween iyo carruur yaryar. In badan oo ka mid ah waa ay dayacan yihiin mana haystaan qaab ay ula qabsadaan. Inkasta oo ay ka heleen gacan-qabsi yar oo raashiin iyo caawinaad xagga qalabka asaasiga ah wakaaladda qaxootiga u qaabilasn Qaramada Midoobey ee UNHCR iyo barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP), haddana lama siinin qalab ay ku dhistaan hoy; marka waxa ay ku tiirsan-yihiin ixsaan-falka dadka kale ee ay qaxootiga isla yihiin oo ay ka helaan meel ay joogaan.

Waaxda Arrimaha Qaxootiga ee Kenya (DRA) waxa ay dhowaan ku dhawaaqday in ay wakhti yar oo kooban oo bil ah ay fureyso diwaan-gelinta qaxootiga (taasi oo soconaysa 5ta Juunyo iyo ilaa 4ta Luuliyo). Iyada oo ay tani tahay horumar la soo dhaweynayo, ayaa haddana waxa ay tahay tallaabbo ku-meel-gaar ah oo xaddidan, iyo mid qaxooti badan ay si weyn u sugayeen.

Raritaanka qaxootida la dejianyo Ifo 2 iyo Kaambi Caws waa ay socotaa, laakin xeryahan si buuxda uma shaqeynayaan waxa ayna la’yihiin adeegyo badan oo asaasi ah. Iyadoo aanay jirin wax raashiin ah oo laga bixiyo Kaambi Caws, ayaa haddana waxa deggan 13,413 qof, tusaale, waxa ay ku qasban-yihiin in ay aadaan Xagardheer si ay u helaan raashiin.

Dhibaatooyinka waxaa uga sii daray gargaar maaliyad la’aan, taasi oo ku qasabtay UNHCRta iyo hay’adaha ay iskaashadaan ay culeyska saaraan wixii naf badbaadin ah, beddelkii adeegyada kalena wax laga qaban-lahaa.[3]

Iyada oo rabshadda Soomaaliya ay sii xoogeysaneyso, ayaa ammaanka Dhadhaab uusan ka soo reyneynin. Isku-dhacyo aagagga xudduudka, iyo weerar bambaano iyo dilka khaarajinta ah ee xeryaha dhexdooda ka dhaca, ayaa nolosha
ku sii adkeynayso qaxootiga.

Amni-darrada waxa ay sidoo kale ku kalliftay hay’adaha in ay dhib kala kulmaan sidii ay u gudan-lahaayeen howlahooda. Iyada oo ay xaalladdu isa sii beddeleyso maalin kasta, qorsheynta iyo gudbinta gargaarka ayaa waxa ay
noqdeen caqabad weyn. Marka loo eego sannad ka hor, hadda waxa jira shaqaale gargaar oo ka yar kuwii hore- shaqaalaha gudaha iyo dibaddaba- ee goobta shaqada, taasi oo saameysay tayada gargaarka la bixinayo. Tusaale, dhowrkii bilood ee ugu dambeysay, goobaha caafimaadka waxa ay ku qasbanaadeen in ay shaqeeyaan toddobaadyo iyaga oo aanan haysan shaqaale caafimaad oo oo aqoontii iyo waayo-aragnimadii loo baahnaa leh.

Qaxootiga Dhadhaab badankooda waxa horay ugula soo kulmeen Soomaaliya dhibaatooyin isugu jira rabshado, gaajo iyo khasaaro aad u daran. Waxa ay naftooda halis ugu soo geliyeen in ay Kenya yimaadaan si ay u helaan ammaan, hoy iyo gargaar, waxaa ayse xeryaha ku ogaadeen in aysan ahayn meel magan ah.

Caafimaadka qaxootiga: qaab aan la aqbali-karin

Cusbitaalka MSF  ee xerada Dhagaxley, oo bixiya dhammaan adeegga caafimaad ee ay helaan dadka deggan xerada oo tiradoodu tahay 123, 530 , waxa uu ku shaqeynayaa tan dhaaf. Dhibkani waxa qayb a ah, waa in labada xero ee cusub ay bixiyaan oo keli ah daryeel caafimaad oo asaas ah, marka bukaanka Ifo 2 iyo Kaambi Caws oo u baahan daryeel
bukaan-jiif waxa loo soo gudbinayaa cusbitaallada kale. Tusaale, shantii bilood ee la soo dhaafay,  nus ka mid ah carruurta nafaqo-xumada ba’an ay hayso ee lagu aqbaley xarumaha quudinta bukaan-jiifka ee MSF, waxa ay ka yimaadeen Ifo 2.

Natiijooyinka baaritaanka Wareegga Bartanka Cududda (Mauc)[4] oo lagu sameeyey carruur ay da’doodu u dhaxayso lix bilood ilaa toban sano ee ku nool xerada Dhagaxley bishii Maarso 2012ka, ayaa waxa uu muujisay heerka nafaqa-xumo  ba’an ee guud in uu marayo 2.56%, heerka nafaqo-xumada aad u ba’an ee loo yaqaanno in uu marayo 0.5%, waxaana uu tilmaameyin 12% carruurtu ay halis ugu jiraan nafaqo-xumo.[5]

Iyada oo ay heerarkani aad uga fog yihiin halkii markii ay ugu sarreysey gaareen waqtigii xaalladdii deg-degga ahayd ee sannadkii hore (markaas oo uu GAM-ka ahaa 38.3%, halka SAM-ka uu ahaa 18.8% duleeddada xerada Dhagaxley), haddana ma ahan in ay tani keento is-mahadin, maaddaama heerarka nafaqa-xumadu ay si  ballaaran isku bedbeddeli-karaan deegaanka cakiran ee xero qaxooti.

Arrimaha saameynaya waxaa ka mid ah, xaalladda jireed ee qaxootiga marka ay imanayaan, iyo sida u heli-karaan baaritaanno caafimaad - marka aanan la helin baaritaan caafimaad, calaamadaha digniinta ah ayaa laga yaabaa in aan dhaqso loo arkin. Daahitaanka xagga gargaarka, iyo baahida ah qaxootigii hore ee sii joogay in ay raashiinka la wadaagaan kuwa cusub ee imanaya, ayaa uga sii dari karta xaallaadda nafaqo-xumo. Awoodda hay’adaha gargaarku u leeyihiin bixinta iyo qaybinta cuntada, iyo bixinta daryeel caafimaad oo tayo leh, ayaa iyadana ah arrin muhiim ah.

Guud ahaan, tirada carruurta nafaqo-xumada ba’an ay hayso ee la dhigeyCusbitaalka Dhegaxley, hoos ayey u dhacaysaa. Cel-celis ahaan, waxaa jiray 188 la seexinayey cusbitaalka bil kasto laga soo billaabo Febraayo ilaa
Abriil 2012ka, marka loo eego 797 la dhigay cusbitaalka bishii Agoosto 2011kii.

Iyada oo sida guud ay tusinayso macluumaadka caafimaad sidii ‘caadiga’ ahayd in uu ku soo laabtay, ee u dhaxeysay xaaladaha deg-degga ah, ayaa tani micnaheeda ahayn in ay heerarkani tusinayaan mid caadi ah ama la aqbali-karo. Haddii aanu dhicin isbeddel mug leh weyn, qaabkani, oo ah dhibaatooyin ay u dhexeeyaan xilliyo ay arrintu soo roonaato – ayaa weligeed sii socon doonta, iyada oo shaqaalaha caafimaadka ay heegan u yihiin in ay la tacaalaan xaaladaha deg-degga ah ee caafimaad ee soo fool leh, oo halis gelinaya nolosha qaxootiga Dhadhaab.

(Boxed text)

 Macluumaadka MSF tiro ahaan

 Xerada Dhagaxley, inta u dhaxeysay Jannaayo iyo Maajo 2012ka, waxaa jiray:

  • 73,153 talo-bixin caafimaadka asaasiga ah
  • 5,483 qof oo cusbitaal la seexiyey
  • 1,129 oo cusbitaal ku umushay (oo ay ku jiraan 55 ilmaha lagu soo qalay)
  • 1,050 ciyaal oo ay nafaqo-xumo ba’an qabo oo ay cudurro u weheliyaan ayaa bukaan-jiif ahaan loo daweeyey.
  • 1,769 carruur qaba nafaqo-xumo ba’an oo ayaa bukaan-socod ahaan loo dabiibey.
  • 6,954 oo qabo nafaqa-xumo dhexdhexaad ah ayaa laga diiwan-geliyey barnaamijka quudinta dheeriga ah.
  • 4,276 talo-bixin xagga caafimaadka maskaxda ah iyo u-dhimrin ah ayaa la sameeyey.

Mustaqbalka Dhadhaab: xalal suura-gal ah

Ka dib markii muddo kooban ay ay hadal-haynteedu badneyd xagaagii hore, ayaa dhibaatadii Dhadhaab mar kale dib
la isaga dhigay, iyada oo beesha caalamka ay u jeesatay burcad badeedda iyo dhismaha qaranka Soomaaliya. Haddana waa muhim in baahida nus malyuunka qaxootiga ah ee Dhadhaab aanan la illaawin, isla markaana si taxadar leh looga
fekero iyo loo sameeyo qorshe waara oo ku aaddan mustaqbalkooda.

Caadi ahaan, dhibaatooyinka qaxootiga, waxaa la soo jeediyaa saddex xal: dib-u-celin khiyaari ah, ka mid noqosho bulshada waddanka qaxootiga lagu yahay, iyo dib-u-dejin dal saddexaad.

Maaddaamaa aanay jirin wax xal ah oo ka soo naasacad khilaafka Soomaaliya, dib-u-celinta dad badan oo badanaa ah
tan la doorbido – ayaan ahayn mid suuragal ah, mustaqbalka dhow. Aragtida ah in qaxootigu ku milmaan dadka deegaanka ah oo ay ka mid noqdaan, waa mid xaddidan, waayo qaxootigu ma loo oggola in ay si xor ah ugu socdaalaan meel ka baxsan xeryaha, si ay u helaan shaqooyin ama xuquuqaha kale ee asaasiga ah ee muwaadinnimada. Iyada oo 19,598 qaxootiga Dhadhaab oo keli ah loo diray dal saddexaad tan iyo 2006dii, dib-u-dejin ayaa waqtigan la joogo ay xal u tahay oo keli ah kuwo yar oo nasiib leh.

Waa ay iska caddahay qaabka hadda ay wax u socdaan xeryaha in aysan shaqeynayn, iyo in loo baahan yahay in xal
kale la helo. Xalalka haray ayaa waxa ay yihiin in beesha caalamka laga helo ballamo waaweyn oo dib-u-dejin dibadda ah, in xeryaha loo raro aagag amni ah oo xerooyin yar oo la maamuli karo ah iyo in la sameeyo fursado kale oo ay
qaxootigu isku filnaan ku helayaan.

Waxaa iyana ah loo baahan yahay in la oggolaado in xerooyinka Dhadhaab in ay sii jirayaan- ugu yaraan waqtigaan –  isla markaana boqollaal kun oo qaxooti ah ay ku sii tiirsanaan doonaan dowladda martida loo yahay iyo nidaamka gargaarka si loo xaqiijiyo daboolidda baahidooda iyo in ay ku noolaadaan nolol sharaf leh.

Shaki kuma jiro in Kenya uuculeys xad-dhaaf ah ka saaran yahay qaxootiga Soomaalida ah, waana ay caddahay in ay
meesha ku jirto in loo baahan yahay in mas’uuliyaddaaas loo wadaago si ka wanaagsan sida hadda. Waqtiga hadda la joogo, deeq-bixiyeyaasha caalamka waa ay ka meermeerayaan xilka ka saaran qoxootiga, waa ayna ku guul-darreysanayaan in ay bixiyaan taageeradii lagu hubin lahaa in Dhadhaab ay noqoto goob la magan-galo.

Dadaalka caalamiga ah ee lagu doonayo in Soomaalida lagu gargaaro dalkooda gudahiisa waa in aysan saamaynin cawimaad siinta qaxootiga ka soo qaxay dalka, ama aanay saameynin xuquuqda ay u leeyihiin in magan-galyo uga raadsadaan dalalka deriska ah.

Nidaamka gargaareed, intaa ka hor, waa in uu xaqiijiyaa u samafalka qaxootiga Dhadhaab in culeyska la saaro. Dadka
ay arrintu khuseyso waxa ay leeyihiin door muhiim ah oo uga ciyaarayaan sidii loogu heli-lahaa xal bini’aadannimo oo ku habboon baahida qaxootiga jooga xerooyinka.

Talooyin  

  • Dhammaan qaxootiga ku jira xerooyinka waa in gargaarkooda iyo bad-baadadooda la damaanad qaadaa.
  • Goobaha diiwan-gelinta ee xerooyinka waa in dib loogu furaa si joogta ah si loo xaqiijiyo diiwaan-gelinta qaxootiga cusub isla marka ay yimaadaanba, iyada oo caafimaadkoodana la baarayo, raashin iyo meel ay
    ku hoydaanna loo qoondeynayo.
  • Waa in gargaar caafimaad loo helaa dhammaan qaxootiga, kaas oo ay ku jiraan daryeelka caafimaad ee sare oo tayo leh, ka war-hayn ku habboon iyo awood looga jawaabo arrimaha caafimaadka deg-degga ah.
  • Deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah waa in ay dib uga howl-galaan dhibaatada qaxootiga ee ka taagan Dhadhaab, waana in ay bixiyaan dhaqaale ku filan Hay’adda Qaxootiga u Qaabilsan Qaramada Midoobay (UNHCR) iyo la-hawlgalayaasheed si ay u daboolaan baahida bulshada qaxootiga.
  • Dowladda Kenya waa in ay sii waddaa hubinta in qaxootiga Soomaalida ah ay ay magangelosoo doontaan, iyo mas’uuliyadda ka saaran maaddaama ay ka mid tahay saxiixayaasha heshiiska caalamiga ah ee qaxootiga.[6]

(Boxed text)

MSF waa ay sameynaysaa wax kasta oo karaankeeda ah oo ay ku soo siidayn-karto Blanca Thiebaut iyo Montserrat Sera,
labada shaqaale ee MSF oo lagu afduubay Dhadhaab, Kenya taarikhdu marka ay ahayd 13kii Oktoobar 2011kii, iyaga oo gargaar bini’aadannimo siinayo qaxooti Soomaali ah. MSF waxa ay ugu baaqeysaa dhammaan Soomaalida –  qurbajoogta, hoggaamiye dhaqameedyada, iyo siiba kuwa ka taliya meelaha lagu hayo asxaabteenna la afduubtay- in ay sameeyaan wax kasta oo suuragal ah oo lagu fududeynayo in si nabad ah lagu sii daayo.

 Boxed quotations to be inserted into text

“Waxa aan uga soo tegay dagaalka Muqdisho oo aan u soo abbaaray Dhadhaab waa in aan maqlay in ay tahay meel
amaan ah, oo aan carruurteyda waxbarasho uga helaayo, adeegyo caafimaad, waxbarasho, iyo midda iigu darnayd ammaan. Ninkeyga waxa uu ku haray Soomaaliya. Hadda waxa aan joogaa Dhadhaab, dhibaatada iigu daran waa burcadda i ceyrsaneysa marka aan raadsado xaabo. Xeryaha waa suuli la’aan, hoyguna iyo gogoshuna waa ay liitaan. Waxaan doonayaa in aa aado dal saddexaad, oo aan carruurta si wanaagsan ugu korsado oo ay waxbarasha iigu helaan.”

Qof qaxooti cusub ah oo dhowaan ka timid Muqdisho, kuna nool Ifo 2 iyada iyo shanteeda carruurta ah.

“ Waxa aan halkaan u imid waxa aan maqlay in ay hay’ado daryeelaan dadka oo ay siiyaan cunto, hooy iyo waxbarasho.
Laakiin xaqiiqadu waxa ay tahay cunnadu ma nagu filna, hooyguna waa uu liitaa. Xitaa ma lihi hal weel oo aan ku soo dhaansado biyo, xaabo u raadinta banaankana waa halis waayo waa la is kufsanayaa.”

Qaxooti cusub oo ka timid Beeraxxani, Jubbada Hoose, oo Ifo 2 kula nool ninkeeda, hooyadeed iyo saddex carruur ah.

“Waxa aan halkaan ku noolaa tan iyo markii aan ahaa ilmo hal sano jir ah. Nolosha qaxootiga ma xumma, in kasta oo
waqti dheer raashiin saf loo gelayo, cuntadaasi oo tayo liidato oo aanan nagu filnayn. Dugsiyada dhexe waa ay tan-dhaafeen, macallimiinta ma fiicno, waxbarashada gabdhahana waa la dayacaa. Alla haddii aan xor u ahaan lahaa in
aan meeshii aan doono aado oo aan shaqo heli-lahaa! Muddo labaatan sano ah, ma ka dhex bixin xerada, ma haysto warqado aqoonsi ah, waxa aana dareemayaa in aan ahay maxbuus.

Qaxooti muddo dheer ku noolayd Dhagaxley iyada, ninkeeda iyo labo ciyaal ah

“Wax badan ayaa laga bedeli-karaa xerada: buux-dhaafka dadka, biyo yarida, hooyga liito, macallimiinta aanan tababarnayn. Qaxootiga ma la siiyo dhar, badbaadadana waa ay hooseysaa. Burcad ayaa marar badan timaaddo xerada oo waa ay bililiqaystaan, waa ay dhacaan waana ay kufsadaan haweenka, booliskuna waxa ay sameeyaan wax kasta oo la faro mar haddii lacag la siiyo.  Haddii aan waxbarashadeydii sii wadan-lahaa oo keli ah, dugsiga sare ka dib, mustaqbalkayga waxa uu ahaan lahaa mid ifaya.”

Qaxooti muddo dheer degganaa Dhagaxley oo ay wehelliyaan 12 nafar oo qoyska ka mid ah.


[1] Isha: Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) tirada iyo macluumaadka xerada (27da Maarso 2012ka).

[2] Tirada guud ee ku nool 465,092; 201,537 waa 0-11sano jir; 16,461 waa 60 iyo wax la jiro; 120,278 waa dheddig oo
jiro 12 ilaa 59 sano. Isha: UNHCR tirada iyo macluuaadka xerada (6da Maajo 2012ka)

[3] Saamaynta dhaqaale-yarida Dhadhaab/Caalin-juqur, Abriil 2012 UNHCR warbixin qoraal ah.

[4] cabbirka wareegga cududdda cunug kasto, (the upper arm circumference, Muac) ayaa la cabbiray si loogu miisaamo
xaalladdooda nafaqo.

[5]tiradani waa ay ka yareed xeryaha kale, waxaana keeni karto arrintan in aysan jirin wax qash-qashaad ah oo ku yimid adeegyada caafimaadka ee MSF, in kastoo ay jirtay amni-xumo aad u sarreyso.

[6] Kenya waxa ay ka mid tahay saxiixayaashii Heshiiskii Qaxootiga ee 1951gii, Borotokoolkii 1967dii, iyo Qaraarkii Ururka Midowga Afrika 1969kii (OAU) oo hagayey Arrimaha Khaaska ah ee Dhibaatooyinka Qaxootiga Afrika.

Tags: , , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud

Qoraalada kale ee ku saabsan Taakulada Soomaalida