‘Dadka jooga Dhadhaab waa kuwo niyad jabsan’

15.06.2012 | Qeybta Guud

 

©Brendon Bannon

Codadka gudaha dhadhaab

Abu, waa sida qof kasta u garanayee, waxaauu qaxootiga Soomaalida ah uu waqooyi-bari Kenya kula shaqeynayey tan iyo
markii dagaalka sokeeye ee Soomaaliya uu bilowdey waqti laga joogo wax ka badan
20 sano. Markiisii hore waxaa uu ahaa kaalkaaliye caafimaad oo ku takhasusey nafaqeynta,maantana waa ku-xigeenka isuduwane. Isaga, si ka duwan qof kasta oo
kale, waxaa uu fahmaa dhibaatooyinka haysta ku dhowaad nus malyuun qof ooSoomaali ah oo la kacaa-kufaya sidii ay noloshooda ugu deberi lahaayeen xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab gudahooda
.

“Waxaan bilaabey la shaqeynta qaxootiga Soomaaliyeed sanadkii 1991, anniga oo ka bilaabey xarunta qaxootiga ee Liboi, ee saaran xuduudda Soomaaliya. MSF waxaa ay mas’uul ka ahayd baaritaanka caafimaad ee qaxootiga. Waxaa jirey qaxooti aad u tiro badan oo maalin kasta imanayey. Nafaqo-xumo ba’an ayaa haysey qaarkoodna waxaa ay qabeen dhaawacyo xabad ka soo gaartey.

Xaaladaha nololeed ee qaxootiga aad bey  xumaayeen. Waxba ma jirin halkaas: biyo ma jirin, ma jirin musqulo iyo kaabayaal quman. Marar badan ayaa uu shuban-dhiig dillaacay. MSF waxaa ay xerada ku lahayd cusbitaal degdeg ah iyo dhowr xarumaha quudinta ah oo ay ku lahayd xerada dhexdeeda.

Xabado habeenkii ka dhici jirey xerada

Ammaanka guud ayaa sidoo kale aad u liitey; xaaladdu aad bey khatar u ahayd. Xabado aad u badan ayaa ka dhici jirey xerada dhexdeeda, gaar ahaan habeenkii. Qaxootiga waxaa dhaawac-maskaxeed (qulub/trauma) ay ka soo gaartey rabshaddii ay ku dhex noolaayeen Soomaaliya. Qaar badan waxaa ay ku waayeen qaraabadooda waxaana u joogey carruur ay hayso nafaqo-xumo. Dhab ahaantii aad bey xaaladdu ugu adkeyd oo quus u taagnaayeen. Waxaa ay ahayd xaalad murugo leh.”

Iyada
oo mar walba marka ka dambeysa ay qaxooti intii hore ka tiro badan ka soo gudbayeen xuduudda, oo ay xaaladda ammaankuna ka sii dareysey, ayaa saddex xero qaxooti oo ballaaran laga furey lama-degaanka dhexdiisa, meel 80 km u jirta, oo ay ku noolaan karaan 90,000 qof, oo loogu magac-darey magaalada ugu dhow ee Dhadhaab. 

Sida
magaalo oo kale waxaa ay leedahay suuqyo iyo dugsiyo

“MSF iyo Dhadhaab sanado kooban ayaan mar ka tegey, waxaana aan u soo noqdey 1994 si aan uga shaqeeyo Dhagaxleey [oo ah mid ka mid ah saddexda xero ee Dhadhaab]. Xaaladda waqtigaa jirtey gebi ahaanba waa ay ka duwaneyn tan maanta. Ilaa xad waa ay degganeyd. Qaxootiga waxaa ay la qabsanayeen deegaankooda cusub waxaana
ay helayaan siyaabo ay kula qabsadaan, kaabayaashuna aad bey uga wanaagsanaayeen kuwa hadda. Waxaa jirey biyo, hoy iyo cunto dad ku filan. Xaaladda ayaa soo wanaagsanaaneysey. Waxaa jirey suuqyo, dugsiyo, waxaana
xeradu ay u ekeyd sidii magaalo Kenya ka tirsan oo kale.

MSF waxaa ay daryeelka caafimaadka aasaasiga ah iyo kan sare ku bixineysey saddexda xero, laakiin cudurrada
safmarka ah ee dillaaca aad bey waqtigaas u yaraayeen. Waxaan MSF u shaqeynayey ilaa 2003dii waqtigaas oo mashaariicda lagu wareejiyey hay’ado kale.”

Muddadii deggaanaanshaha kooban uu ka jirey Dhadhaab waxaa ay dhammaatey 2006dii, markii dagaallo ay ka soo cusboonaadeen Soomaaliya, oo ay weheliyeen fatahaado, abaar iyo gaajo baahsan, ayaa dhaliyey in ay dad kale oo badan ay ka tagaan guryahooda. Dad ka badan 1.5 milyan qof ayaa loo maleynayaa in ay barokacayaal ku yihiin Soomaaliya gudaheeda, iyada oo dad lagu qiyaasey 917,000 oo Soomaali ah ay qaxootinimo u doonteen dibadda.

Ma laha meel ay degaan dadka cusub

“Markii aan ku soo noqdey Dhadhaab sanadkii 2009kii, xaaladdu gebi ahaanba waa ay ka duwaneyd tii aan ogaa. Tirada
qaxootiga imanayey xerada aad ay u badneyd. Ma jirin dhul u bannaan. Xeradu buux-dhaaf ayaa ay ahayd waxaana kaabayaashu ay la mid ahaayeen kuwii jirey toban sano ka hor. Dadku ma haysan biyo, musqulo, cunto ama hoy ku filan. Hadda qaxootigu waxaa ay ku khasban yihiin in ay la noolaadaan qaraabo ama saaxiib, in ay boos dhul ah ay ka iibsadaan qof kale oo qaxooti ah, ama in ay degaan xerada dibaddeeda.

Isu-diiwaangelinta cuntaduna waxaa ay sidoo kale ahayd mid aad gaabis u ah, waxaana ay dad ku qaadaneysey waqti aad u dheer in ay helaan raashinka qaxootiga la siiyo. Kuwa leh qoysas hore ugu noolaa xerooyinka waxaa ay qaraabadooda ugu tiirsanaayeen in ay la wadaagaan raashinka ay haystaan. Dad mar walba sii kordhayey ayaa degayey xerooyinka dibaddooda halkaas oo aaney ku haysan kaabayaal ama ilaalin. Galaangal la wadey muddo sanado ah ka dib ayaa laba xero oo kale la furey xagaagii 2011kii.

Cudurro saf-mar ah oo faafaaya

Intii ay socotey imaanshaha qaxootiga, ayaa xaaladduna ay mar walba ka sii dareysey. Xerada buux-dhaafka ah, kaabayaal quman oo aan jirin iyo biyaha kooban ee la helayo ayaa sababey cudurro sida shubanka iyo daacuunka oo kale. Bilowgii sanadkii 2011, waxaan aragney qaxooti mar walba tiradoodu sii kordheysey oo imanayey kuwaas oo ay haysey nafaqo-xumo. Cusbitaalkii MSF ee ka jirey xerada Dhagaxleey ayaa durba ay dadkii ka tiro bateen oo buux dhaafey waxaana aan ku khasbaneyn in aan ballaarino kartida aan ku daaweyn karno tiro badan oo carruur ah. Waxaasidoo kale ina soo wajahay jadeeco safmar ah oo dillaacdey. Waxaa ay ahayd xaalad aad u ba’an.

‘Dadka jooga Dhadhaab waa kuwo niyad-jabsan’

MSF waxaa ay sidoo kale daryeel caafimaad oo dhinaca maskaxda ah sineysaa qaxootiga.  Qaar badan waxaa haysa shiddada iyo dhaawaca maskaxeed ee ba’an ee dagaallada ka dhasha (severe post-traumatic stress
disorder and trauma)
. Wax walba oo ay haysteen waa ay ka soo tageen waxaana iyaga oo faro-maran ay yimaadeen Dhadhaab, iyaga oo markaa un indhaha ku kala qaadey in aanu jirin dhul, aaney  jirin waxyaabaha aasaasiga ah ee daruuriga ah iyo in xaaladaha nololeed ay aad u adkaayeen. Qaarkood waa ay sii wadi kari waayeen noloshaas.

Dadka xerada ku noolaa 20 sano, iyana barnaamijka caafimaadka maskaxda ayaa sidoo kale muhiim u ah. Ma arkaan fursad ay mustaqbalka wax ku hagaagi karaan, qaarna ma jirto wax rajo ah oo ay qabaan. Dadka ku nool Dhadhaab waa kuwo niyad-jabsan.”

Haliso kordhey, adeegyo la hakiyey

Xaaladda ammaanka ee gudaha iyo hareeraha xerooyinka ayaa aad uga darey bishii Oktoobar,iyada oo la af-duubey laba ka tirsan shaqaalaha MSF iyada oo af-duubkaasna uu dhacay waqti ay si xiriir ah u dhacayeen qaraxyo iyo toogashooyin. Tan iyo waqtigaas, waxaa la hakiyey dhammaan adeegyadii aan aasaasiga ahayn ee xerooyinka.

Qaxootiga dhowaan yimid lama diiwaangeliyo hadda, waxaana ay ku khasban yihiin in ay ama la degaan saaxiibbo ama qaraabo ama ay is-debberaan. In kasta oo waxyaabo raashin lagu beddesho la qeybiyo, haddana dadka cusub ee yimaada ma helaan qalabka hoyga laga dhisto ama waxyaabo kale oo aasaasi ah. MSF waxaa ay sii waddaa in
ay daryeel caafimaad siiso qaxootiga, in kasta oo kooxda shaqada haysa tiradeeda la yareeyey.

“MSF waxaa ay waddaa hawshii ay ka waddey xerooyinka, ay u shaqeeyaan shaqaale Kenya u dhashey iyo kuwo qaxooti ah, iyada oo daryeel caafimaad oo aasaasi ah iyo mid sareba siineysa qaxootiga cusub. Haseyeeshee, haddii ay dhacdo in ay timaaddo xaalad degdeg ah sida dhibaatadii nafaqo-xumada ee 2011kii oo kale, aad bey u adkaan doontaa in lala qabsado oo la wajaho. Bulshada caalamku waa in ay xal u heshaa xaaladdan welwelka leh. Waxaa ay u baahan yihiin in ayfahmaan sida ay u adag tahay xaaladda iyo quusta ay dadku ku nool yihiin.

Dhibaatadu dhowaan ma dhammaan doonto

Dhibaatadan ka jirta Soomaaliya dhowaan ma dhammaan doonto. Taariikhdii ayaa soo laba-noqoneysa tanna waa dhibaato aan weligeed dhammaaneyn. Waxa aan maanta arko waa wixii aan arkey 1991gii: dad quus taagan oo ka soo tegey dalkooda uu dagaalku halakeeyey, oo wax walba ka soo tegey, iyaga oo yimid xero ay xaaladaha nololeed ee ka jira ay ka hooseeyaan heer xurmad aadami leh.”

 

Tags: , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud