MASHRUUCII QAXOOTIGA SOOMAALIDA EE ITOOBIYA JOOGA OO LA WAREEJIYEY

28.05.2012 | Qeybta Guud, Taakulada Soomaalida

MSF waxaa ay wareejisey mid ka mid ah mashaariicdeeda ugu weyn ee ay ku gargaareysey qaxootiga Soomaalida ah ee Itoobiya jooga. Tirada qaxootiga ka soo gudbaya xuduudda ayaa si weyn hoos ugu dhacdey marka loo eego waqtigii
dhibaatooyinka bani’aadamnimadu ay jireen sanadkii hore. MSF ayaa bishii Agoosto 2011 markii ay dhibaatooyinku marayeen halkii ugu sarreysey mashruuc ka biowdey Hiloweyn, oo ah mid ka mid ah shanta xero-qaxooti ee u dhow xuduudda u dhexeysa Itoobiya iyo Soomaaliya.

Markii MSF ay ballaarisey hawlihii caafimaadka ee xerooyinka qaxootiga ee gobolka Liibaan ee koonfurta Itoobiya bishii Maajo sanadkii hore, celcelis ahaan 300 qaxooti ah ayaa maalin kasta ka soo gudbayey xuduudda, iyada oo tirada dadka maalin kasta soo gelaya ay markii ay ugu sarreysey gaartey 1500 qof. Sanado dagaal sokeeye uu ka socdey Soomaaliya, oo ay ugu darsantey abaar Geeska Afrika ku dhufatey horraantii sanadkii hore, ayaa dhaliyey
nafaqo-xumo badan iyada oo uu yaraa gargaarka ay hay’adaha ay Soomaaliya gudaheeda gaarsiin karaan. Qaxootigii ka soo gudbayey xuduudda ee soo galayey Itoobiya ayaa mararka qaar soo lugeynayey toddobaadyo iyaga oo raadinaya meel ay ku nabadgalaan iyo gargaar.

“Beeraley ayaan ku ahaa Soomaaliya, waxaana ka soo cararey abaar iyo gaajo. Lo’deenii waa ay dhammaatey, roobabna nooma di’in.” ayaa uu yiri qof qaxooti ah oo ka soo cararey Soomaaliya bishii Juunyo ee sanadkii la soo dhaafey. “Mararka qaar carruurteyda maalmo badan ayaa ay qadayeen, aad bey u goojoodeen ayna u silceen. Rabshad iyo cunfi aad u badan ayaa ka dhacay magaaladeenna. Wax kasta oo aan haysanney waan ka soo tagney dad badan oo kale
ayaana aan isa soo raacney. Dhammaan carruurta waxaa la soo saarey gaari-dameer. Ragga iyo haweenkuna waa ay lugeynayeen. Safarku wuxuu nagu qaatey labaatan iyo kow maalmood. Cunto iyo biyo yar ayaan haysanney, waxaan arkey dad waddada ku dhintey. Mid ka mid ah carruurteyda ayaa ku sigtey in uu dhinto intii aan safarka ku soo jirney. Nafaqo-xumo weyn ayaa haysey.”

Bilowgii hore ee dhibaatooyinka, MSF waxaa ay xuduudda si degdeg ah uga furtey goob baaritaan caafimaad, iyo sidoo kale rugo bukaan-socod eegtooyin ah iyo xarumo quudin-ku-daweyn oo ay ka furtey xerada ku sii hakashada ee ay ku jiraan dadka dhowaan yimid. “Markii halkii ugu sarreysey ay marayeen dhibaatooyinka, ilaa 130 qof oo cusub ayaan maalin kasta ku qaabileyney  xarunta caafimaadka ee quudin-ku-daweynta,” ayaa ay tiri Karline Kleijer, oo waqtigaa ahayd maareeyaha barnaamijyada MSF ee gobolka Liibaan. “Waxaan filayaa dhammaanteen aan ku faraxsanaan
karno guushii aan gaarney. Ma ahayn wax  fudud. Waxaa ay ahayd xaalad degdeg ah oo weyn oo ka dhacdey degaan
xaaladdiisa ammaanku ay aad xasaasi u tahay. Kooxo waaweyn ayaa joogey gobolka Liibaan oo  ka wada shaqeynayey kuna wada noolaa meel isku dhow oo culeys bandanna saarnaa. Iyada oo intaas oo dhami ay jireen haddana waa cajiib guulaha aan hoyney!”

Dadweynaha qaxootiga ah ee imaanayey bilihii Luuliyo iyo Agoosto badidoodu waxaa hayey nafaqo-xumo iyo cudurro fursad gaad ah. Xerada Hiloweyn oo keliya, MSF waxaa ay 50,000 bukaan-socod ah, ku dhowaad 10,000 carruur iyo dhallin qaargaar ah ka daaweysey nafaqo-xumo waxaana 1000 bukaan-jiif ah ay seexisey intii u dhaxaysey waqtigaa iyo bishii Maajo ee sanadkaan.

MSF waxaa ay tas-hiilaad caafimaad oo degdeg ah ka dhistey xerooyinka qaxootiga ee dhowaantaa la dhisey ee Hiloweyn iyo Buur Aamino, si ay kaabayaal u siiyaan hawlaha caafimaadka ee laga wado deegaankaa adag. MSF waxaa ay sidoo kale ballaarisey Kaabayaasha Xarunta caafimaadka ee Doolow Addo iyada oo ku kordhisey qaybo cusub oo qalliin, qaybta bukaanka la dhigo qalliinka ka dib, iyo qaybta umulaha, oo uu ka mid yahay sheybaar cusub oo u adeega bulshada degaanka qaxootiga marti geliyey iyo si ay u ahaadaan xarunta loo soo gudbiyo qaxootiga. MSF waxaa bishii Maajo 2012 ay kaabayaasha iyo badi barnaamijyadii ay ka waddey xerada qaxootiga ee Hiloweyn ku wareejisey wakaaladda qaxootiga ee Itoobiyo ARRA.

MSF waxaa ay weli ka shaqeyneysaa shan xero oo ku yaalla gobolka Liibaan kuwaas oo leh xarumo lagu baxnaaniyo carruurta ay nafaqo-xumadu hayso ee ay u weheliyaan dhibaatooyin caafimaad. Intaa waxaa dheer, MSF waxaa ay daryeelka caafimaadka aasaasiga ah iyo caafimaad sare ku bixisaa xerada cusub ee Buur Aamino, halkaas
oo celcelis ahaan bil kasta la dejiyo qaxooti cusub oo tiradoodu labo kun tahay. MSF waxaa ay sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka ee Itoobiya kala shaqeysaa bixinta daryeel qalliin oo degdeg ah iyo dejinta xaaladda bukaannada ee
xarunta caafimaadka ee Doolow Addo.

DHAMMAAN

MSF waxaa ay Soomaaliya si joogto ah uga shaqeyneysey tan iyo sanadkii 1991. MSF waxaa ay ku tiirsan tahay keliya deeqaha samafalka ah ee dadka iyo hay’adaha gaarka ah si ay ugu fuliso hawsha ay ka waddo Soomaaliya mana qaadaneyso wax maaliyad ah oo ay dowlad siiso.

Waqtigaan, MSF waxaa ay 28 mashruuc ka waddaa qaybo kala duwan oo ka mid ah Soomaaliya iyo dhammaan dhinacyada kala duwan ee furimaha la isaga soo horjeedo si ay isugu daydo ayna qayb ahaan u yareyso silica dadka haysta. Sanadkii la soo dhaafey oo keliya, ururkan caafimaadku waxaa uu in ka badan 95,000 oo bukaan ka daweeyey nafaqo-xumo; waxaa uu in ka badan 6,000 bukaan ka daweeyey jadeeco waxaana uu in ka badan 235,000 carruur ah ka tallaaley cudur, gobolka Geeska Afrika. Xarumaheeda caafimaadka ayaa MSF waxaa ay gacan ka geysatey ka umulinta hooyooyinka 5,500 carruur ah waxaana ay bixisey in ka badan 450,000 la-talin caafimaad ah

Dagaalka Soomaaliya waxaa uu hadda socdaa sanadkii 21aad. Abaartii iyo dhibaatooyinkii ballaarnaa ee sanadkii hore ka dib, waxa ay dadku helaan kama badna inta ay cunaan, waxaana ay weli u beylahsan yihiin caabuqyo, cudurro iyo nafaqo-xumo.

Soomaaliya gudaheeda, MSF ma kordhineyso hawlaheeda mana fureyso mashaariic cusub ilaa labada qof ee shaqaalaheeda ka tirsan – Montserrat Serra iyo Blanca Thiebaut, ee Dhadhaab laga afduubey laguna haysto Soomaaliya tan iyo bishii Oktoobar 2011 – dib loola mideeyo qoysaskooda.

Tags: , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud

Qoraalada kale ee ku saabsan Taakulada Soomaalida