DHIBAATADA SOOMAALIYA WELI FARI KAMA QODNA

31.05.2012 | Qeybta Guud, Taakulada Soomaalida

Dhibaatada bani’aadamnimada ee Soomaaliya, oo ku taalla Geeska Afrika, waxaa sanadkii la soo dhaafey ay ku jirtey wararka ugu waaweyn ee warbaahinta dunida. In kasta oo dareenkii warbaahintu u lahayd uu meesha ka baxay, haddana Soomaaliya waxaa weli faro kulul ku haya dhibaato bani’aadamnimo oo weyn. Tani waxaa ay si weyn uga muuqataa warbixinnada bukaannada iyo shaqaalaha ururka caalamiga ah ee caafimaadka iyo bani’aadamnimada ee Médecins Sans Frontieres (MSF). Waxaa uu maalin kasta wadaa dadaallo uu ku doonayo in uu nafo ku badbaadiyo degaanno ay rabshad, cudur iyo nafaqo-xumo ay halis ku hayso nolosha iyo wanaagga tobannaan kun.

Cabdirisaaq Sheekh Cabdiwahaab waxaa uu ka shaqeeyaa xarun MSF ay leedahay oo lagu quudiyo carruurta nafaqo-xumada ba’an ay hayso oo ku taalla magaalada dekadda leh ee Kismaayo, ee koonfurta Soomaaliya. “Xaaladuhu waa ay faro badan yihiin, sida laga yaabo in aad fahamsan tahayna ma jiro cusbitaal dowladeed ama mid weyn. Waxaanu ka hawlgalnaa dhisme yar oo kiro ah halkaas xarun inoo ah oo aan ku daryeelno carruur yaryar oo nafaqo-xumo ay hayso. Tirada carruurta noo joogta caadi ahaan waa 80 ilaa 120.”

Xarunta daaweynta ee Kismaayo waxaa soo gaara dad dhul ballaaran ku nool, mararka qaar ilaa lixdan kilimitir oo dhinac walba ah. Hooyo dhashey mid ka mid ah bukaannada, oo jecleysatey in aan magaceeda la xusin, oo reer Kismaayo ah, laakiin ku khasbanaatey in sanado ka hor ay magaalada uga qaxdo dagaalka sokeeye ee Soomaaliya daraaddii.

“Markii hore waxaan ku noolaan jirey Kismaayo ka dibna waxaan u guurey Xagardheera xerada [barokacayaasha]. Waxaan halkaas joogey muddo 8 bilood ah ka dibna wiilkeyga oo 12 bilood jira ayaa xanuunsadey. Aad buu u xanuunsanaa, markaa Kismaayo ayaan dib ugu soo noqdey. Markii aan dib ugu soo noqdey Kismaayo waxaa la ii sheegey in cusbitaal MSF ay leedahay la furey kaas oo carruurta yaryar lagu daweeyo sidaa ayaan halkaan ku keeney.”

“Cusbitaalkan ayaan joogney 17 maalmood. Adeeg wanaagsan ayaa lagu bixiyaa. Habeenkii, shaqaaluhu waxaa ay
soo toosiyaan wiilkeyga waqtiyo kala duwan si ay caano u siiyaan. Mar kasta waxaa ay eegaan xaaladdiisa. Waxaa ay xakameeyaan qandhadiisa. Haddii uu shubmayo daawo ayaa ay siiyaan. Daryeel aan kala joogsi lahayn ayaa halkaan ka jira.”

“Baabuur ayaan ku imid oo aan lacag ka soo bixiyey. Xagar-dheer [xaaladdu] kama wanaagsana halkaan. Xataa haddii aad xanuunsan tahay waxaa lagu leeyahay waad fiican tahay, sababta oo ah shaqaalaha dan kama laha daaweyntaada. Halkaan waxaa jooga shaqaale naxariis badan. Wiilkeyga ayaa ay daryeelaan maalin iyo habeen iyaga oo xakameeya oo eega xaaladddiisa. Subax kasta waa ay miisaamaan waxaana ay siiyaan caano.”

Tuulada ay ka timid, sida muuqata baahida caafimaadku waa mid aad u sarreysa. “Baabuurta ayaa baxa si ay bukaannada uga soo qaadaan meel walba,” ayaa ay tiri. “Bukaannada waxaa la soo dhigaa waddooyinka dhinacooda halkaas oo laga soo qaadi karo. Ururkaan si weyn ayuu u caawinayaa dadka baahida dhaba ah qaba.”

Meelo kale oo ka mid ah Soomaaliya, xaaladdu waxba kama duwana middaan. Tusaale ahaan hareeraha Guri Ceel, xaaladda caafimaad ee dadka waxaa baabi’iyey bilo ay cunto la’aan jirtey. Dr. Faa’iza Aadan Cabdiraxmaan waxaa ay ka shaqeysaa cusbitaal ay  Medecins Sans Frontieres ku leedahay Guri Ceel.

“Dhowr maalmood ka hor, dadka ku nool tuulooyinka ka baxsan magaalada ayaa heley waxoogaa roob ah sida aad
ogtahaybana dadku waa ay jilicsanaayeen, badidooduna nafaqo-xumo ayaa haysey sidaa daraaddeed marka ay roobabku da’aan waxaa dillaaca cudurro sida jadeeco iyo duumo (malaariyada). Sidaa daraaddeed waxaa bukaanno badan ay inooga imaanayeen tuulooyinka magaalada ka baxsan.”

“Waqtigaas cusbitaalku waa uu buux-dhaafey, meel kasta waa ay buuxdey, bukaannaduna waa ay ka badnaayeen intii ay xarunta qaadi kartey, waana ay adkeyd in la maareeyo,” ayuu hadalkiisa raaciyey. “Waxaan qaabili karnaa afartan laakiin waxaa inoo joogey ilaa 160 carruur ah. Dhammaantoodna aad bey u jilicsanaayeen. Waxaa naloo keenaa iyaga oo aad u qandhan waxaana aan siin jirney Fitamiin A waxaana kuwa dhibaatooyin nafaqada la xiriira qabaa aan u daweyn jirney sidii loo baahnaa waxaana kuwa u baahan in dhiig lagu shubo aan ku shubi jirney dhiig. Marka laga
soo tago jadeecada waxaa badidoodu sidoo kale u weheliyey cudurro kale sida oof-wareen aanu isna ka daweyn jirney.”

Haddii aan Kismaayo ku soo noqonno, jadeeco ayaa sidoo kale bilaabatey in ay ku faafo bilowgii xilli-roobaadka.

“Hadda waxaan daaweyneynaa xaalado cudurka jadeecada ah waana aan daweynaa dhammaan bukaannada jadeecada iyada oo aan loo fiirin da’dooda,” ayaa uu yiri Cabdirisaaq. “Laakiin bukaannada nafaqo-xumada dhammaantood waa kuwo 5 sano jir ka yar, sidaa daraaddeed waxaan daweynaa xaaladaha ba’an oo keliya maaddaama aanan wax ka wada qaban karin dhammaan xaaladaha nafaqo-xumada.”

Rajo-xumada jirta waxaa muujisey haweeney ku jirtey mashruuca MSF ee Kismaayo: “Waxaan degganahay Goobay waxaana halkaan la imid 5 carruur ah. Goobey waxaa ay u dhowdahay Kismaayo. Hal habeen oo dhan ayaan soo socdey si aan halkaan u soo gaaro. Markii ugu horreysey ilmaha midkood ayaa ay jadeeco ku dhacdey ka dibna dhammaantood ayaa ay ku faaftey. Cusbitaalka ayaan ku jirney 12 maalmood. Markii aan halkaan keenayey ma socon karin, laakiin hadda waa ay wanaagsan yihiin.”

Muddadii u dhexeysey Maajo ilaa Disembar 2011, MSF waxaa ay 22 mashruuc ka waddey qaybo
kala duwan oo ka mid ah Soomaaliya iyo xerooyinka qaxootiga Soomaalida ee  ku yaalla Itoobiya iyo Kenya. Muddadaa, oo ahayd markii ay dhibaatadu mareysey halkii ugu sarreysey, ururka caafimaadku waxaa uu bukaanno 78,500 ah ka daweeyey nafaqo-xumo ba’an waxaana in ka badan 30,000 uu ka daweeyey nafaqo-xumo dhexdhexaad ah, in ka badan 7,200 bukaanna
jadeeco waxaana uu cudurro ka tallaaley dad ka badan 255,000 qof oo ku nool Geeska Afrika. MSF waxaa ay gacan ka geysatey umulinta 6,000 waxaana ay bixisey 547,500 oo la-talin caafimaadka bukaan-socodka ah. dagaalka Soomaaliya waxaa uu hadda ku jiraa sanadkii 21aad. Abaartii iyo dhibaatadii ballaarneyd ee sanadkii hore ka dib, dadku waxa ay hadda haystaan kama badna wax ay cunaan, waxaana ay weli u nugul yihiin caabuqyo, cudurro iyo nafaqo-xumo
.

Tags: , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud

Qoraalada kale ee ku saabsan Taakulada Soomaalida