Maalinta Caalamiga ah ee Cudurka Duumada (Malaariyada) – Abriil 25, 2012

25.04.2012 | Qeybta Guud

 

© Sandra Smiley/MSF -- A young patient receiving malaria treatment in an MSF-supported hospital. Kinkondja, Katanga Province, DRC.

CUDURKA DUUMADA
OO AAD KOR UGU KACAY DALKA JAMHUURIYADDA DIMUQRAADIGA EE KONGO WAXAA UU U
BAAHAN YAHAY IN DEGDEG WAX LOOGA QABTO

Xaaladaha cudurka oo saddex-laab noqdey tan iyo sanadkii 2009

Abriil 25, 2012 – Xaaladaha cudurka duumada (malaariyada) oo aad kor
ugu kacay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo/the Democratic Republic
of Congo (DRC) ayaa ka tan badiyey awoodda wax looga qabanayo ee hadda jirta,
taas oo waajibineysa in waxqabadka la kordhiyo, sidaa waxaa maanta yiri ururka
caafimaadka ee bani’aadamnimada ee caalamiga ah ee Médecins Sans Frontières (MSF).

Xarumaha caafimaadka iyo
cusbitaallada MSF waxaa ay arkeen in si muuqata ay kor ugu kaceen xaaladaha
cudurka duumada, oo ay ka mid tahay nooceeda ba’an. Lix gobol (oo ah kalabar
dalkaa aadka u weyn), ayaa tirada dadka duumo looga daweeyey mashaariicda MSF ay
kor u kacay 250 boqolkiiba tan iyo sanadkii 2009kii, iyada oo kororkan uu
weliba sii sarreeyo bilihii u dambeeyey. Kor u kacan ayaa welwel weyn dad ku
haya sababta oo ah tirada badan ee bukaannada qaba duumo ba’an kuwaas oo u
baahan in la dhigo cusbitaal iyo in degdeg dhiig loogu shubo maaddaama ay duumadu
dhiig-yaraan ku keentey. Iyada oo ay soo wajahdey culeyska weyn ee cudurkan,
ayaa MSF ay ku dhawaaqdey in ururku aanu awood u lahayn in uu wax ka qabto
dhammaan goobaha uu cudurku saameeyey.

“Daaweynta lagu helo
meelaha ka baxsan magaalooyinka ayaa weli aad u liidata, sababtuna waa in aan
la iska bixin karin kharashka daawada iyo in aan la soo gaari karin,” ayaa uu
yiri Dr. Jorgen Stassijns, oo ah khabiir MSF oo ku takhasusey duumada.
“Degaamada qaar, gebi ahaanba daryeel caafimaad kama jiro. Xataa marka daaweyn
la heli karo, mararka qaar daawooyinku dad kuma filna ama waa kuwo waqtigooda
laga soo gudbey” ayaa uu yiri.

Iyada oo ka jawaabeysa
kororkan weyn, ayaa MSF waxaa ay kooxo kale oo caafimaad oo degdegga ah ay
geysey afar gobol oo ka tirsan dalka DRC. Sanadkii 2009kii, kooxaha caafimaadku
waxaa ay daweeyeen 45,000 qof oo qabey duumo. Sanadkii 2011, waxaa la daweeyey dad
ka badan 158,000. Ilaa inta sanadkan ka baxdey, dad ka badan 85,000 qof ayaa la
daweeyey.

In kasta oo sababaha keeney
kororka aaney weli caddeyn, haddana dhibaatooyinkan ayaa ka dhacaya meel
heerarka kala duwan ee nidaamka caafimaadku aaney dhammaantood haysan kheyraad.
Dalku ma haysto daawooyin ku filan, sahay caafimaad oo ku filan, iyo shaqaale
caafimaad oo tababaran oo ku filan. Nidaamyada ka-hortagga iyo maareynta
duumaduna waa ay yar yihiin.

Si loo fahmo sababaha
suuragalka ah ee keeney kororkan, MSF waxaa ay hadda diyaarineysaa daraasado
cilmi-baariseed.

Gobollada Waqooyiga Kivu
iyo Koonfurta Kivu, iyo dhowaantan degaanka waqooyi ee gobolka Katanga,
nabadgelyo-xumo ka jirta iyo dagaallo soo cusboonaadey ayaa dadka ka hor
istaagaya in ay helaan daryeel caafimaad. Gobollada Maniema, Orientale,
Equateur, iyo Katanga, joogitaanka yar ee adeeg-bixiyeyaal caafimaad oo waxtar
leh iyo nidaamyada caafimaadka ee culeysku ka tan badiyey ayaa sii adkeynaya in
dadka ku nool degaamada uu cudurku ku badan yahay ay helaan ka hortagga iyo daaweynta
duumada.

In kasta oo waxqabadka
degdegga ah ee MSF uu nafo badbaadinayo muddada dhow, haddana ururku waxaa uu
ugu baaqayaa ururrada kale ee caafimaadka ee caalamiga ah, oo ay ku jirto
Wasaaradda Caafimaadku, in ay kordhiyaan dadaalladooda ay ku bixinayaan
tallaabooyin ka-hortag iyo daaweyn oo degdeg ah oo waarana.

Cudurka duumadu waa sababta
ugu badan ee dadku ugu dhintaan dalka DRC, isaga oo sanad kasta dila qiyaastii
300,000 carruur shan sano jir ka yar ah.

Tags: , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud