MSF oo soo Gabagabeysey Howlihii Caafimaadka ee Mashruuca Degmada Hodan ka dib Dilkii Shaqaalaheeda

07.03.2012 | Gobolka Banaadir, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya, Qeybta Guud, Taakulada Soomaalida

7da Maarso 2012 

Hay’adda gargaarka caafimaad bixisa ee MSF waxaa ay si rasmi ah u soo gabagabeysey howlihii caafimaad ee ay ka bixin jirtey degmada Hodan ka dib dilkii arxan darada ahaa ee loo geystay asxaabteena Philippe Havet iyo Dr. Karel Keiluhu ee ka dhacay magaalda, Muqdisho, dalka Soomaaliya, 29kii Diseembar 2011.

Mashruucas waxaa qeyb ka ahaa xarun ay yaalaan 120 sariirood oo lagu daaweeyn jirey bukaanka qaba shubanka ee degmada Hodan, isbitaal 120 sariirood leh ee lagu daaweeyo bukaanka cudurada jadeecada iyo nafaqa darada ee degmada Wadajir oo uu dilka ka dhacay.

MSF waxaa u suura gashay in xarumahaas ay xirto iyadoo daweynta bukanka aysan kala go’in. Qaar k amid ah bukaanada ayaa waxaa loo
wareejiyey isbitaalda kala ee MSF ee Muqdisho oo weli furan.

Haatan, mashaariicda MSF waxaa ay sii wadayaan adeegyada caafimaad oo ay ka bixiyaan degmooyinka Muqdisho, iyo 10 goobood oo kale ee dalka ka tirsan.

Laakiin si ay u sii socdaan howlahaas madaxa banaan ee MSF waa in la ixtiraama bukaanka, shaqaalaha iyo xarumaha caafimaad. Haddii
shuruudahaas la hela, MSF waxaa ay isku xilqaameysaa in ay howlaheeda Soomaaliya sii wadato.

MSF waxaa ay dhammaan madaxda maamulada iyo shacabka Soomaaliyeed ka codsaneysaa in ay ka qeyb qaataan dadaalda siidaynta
lahaystayaasha Montserrat Serra and Blanca Thiebaut, oo laga afduubay xerada qaxootiga ee Dhadhaab bishii October, sanadkii hore iyagoo ku howlan mashruuc xaald degdeg ah oo lagu caawinaayey Soomaalida ku nool halkaas.

MSF waxaa ay si joogta ah uga shaqeyneysey Soomaaliya tan iyo sanadkii 1991 iyadoo haatanna ay dalka ka wado 13 mashruuc oo ay ka mid yihiin, barnaamijyada caafimaad ee degdegga oo haatan socda, ololaha talaalka iyo adeegga nafaqeynta. MSF waxaa sidoo kale ay caawisaa qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, Kiinya iyo Dolow Ado, Itoobiya.

Tags: , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Gobolka Banaadir, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud

Qoraalada kale ee ku saabsan Taakulada Soomaalida