KORORKA AADKA U BADAN EE QAAXADA DAAWOOYINKA BADAN U ADKEYSATA WAXAA AY U BAAHAN TAHAY WAXQABAD DEGDEG AH SI LOO BAAJIYO DHIBAATOOYINKA DUNIDA KA SOO IF-BAXAYA

20.03.2012 | Qeybta Guud, Taakulada Soomaalida

Xog cusub oo dhiillo wadata ayaa tilmaameysa in nooca cudurka qaaxada ee u adkeysta daawooyinka badan (MDR-TB) uu sidii hore loo qiyaasayey si ka baaxad weyn uga jiro dunida, taas oo waajibineysa in la bixiyo dadaal caalami ah oo xooggan oo lagula dagaallamayo noocan cudurka ee dilaaga ah, sidaa waxaa maanta ku dhawaaqey ururka bani’aadamnimada ee caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF).

Dhibaatooyinka Qaaxada Daawooyinka Badan u Adkeysata waxaa barbar-socda nuqsaan aad u weyn oo dhinacyada baaritaanka iyo
daaweynteedaba ah. Qalabka baaritaanka iyo daawooyinka hadda jira waa kuwo gaboobey/hore oo aadna qaali u ah, waxaana maaliyad-yaraanta jirta ay halis dad u gelineysaa in uu cudurku faafo. Guud ahaan dunida, wax ka yar boqolkiiba shan bukaannada cudurka qaaxada ayaa heli kara baaritaan lagu ogaan karo u adkeysiga daawada, waxaana keliya 10 boqolkiiba bukaannada MDR-TB lagu qiyaasayaa in ay
heli karaan daaweyn – tiradaas oo aad ugu sii yar meelaha uu kheyraadkoodu hooseeyo oo uu cudurku ugu badan yahay.

“Meel kasta oo aan ka raadinno cudurka qaaxada ee daawooyinka badan u adkeysta waxaan ku arkeynaa tirooyin aad u badan, taas oo ku talineysa in tirokoobyada (istaatistikada) hadda la hayo ay tahay mid aan gunta dhibaatada soo taaban,” ayaa uu yiri Madaxweynaha MSF Dr. Unni Karunakara. “Iyada oo 95 boqolkiiba bukaannada cudurka qaaxada qaba ee dunida oo dhan aaney heleynin baaritaan ku habboon, ayaa dadaallada lagu doonayo in kor loogu qaado ogaanshaha MDR-TB ay aad wax ugu dhintey maaliyaddii deeq-bixiyeyaasha ee laga noqdey – markii sida ugu weyn loogu baahnaa in kor loo qaado maaliyadda.

Xog laga soo ururiyey mashaariicda MSF ee guud ahaan dunida ayaa ka yaabisey dhakhaatiirta la tacaala cudurka.

Waqooyiga dalka Aasiyada Dhexe ku yaalla ee Uzbekistan, 65 boqolkiiba bukaannada ay MSF daaweysey sanadkii 2011kii waxaa laga heley nooca qaaxada daawooyinka badan u adkeysta ee MDR-TB. Bukaannada, ayaa 30-40 boqolkiiba waxaa markii ugu horreysey ee ay daawo doontaan ay la soo xiriireen xarunta caafimaadka ee MSF, tiradaas oo ah mid dunida oo dhan aan hore loogu soo arag – taas oo
tilmaameysana in u adkeysiga daawadu aaney ku imaan oo keliya qaaxada oo si khalad ah loo daaweeyey, ee laakiin ay ku timid iyada oo sideeda toos la isugu gudbiyo.

Dalka Koonfur Afrika, oo ah mid ka mid ah meelaha cudurka qaaxadu uu dunida oo dhan ugu badan yahay, ayaa MSF ka dib markii ay bilowdey baaritaan degdeg ah oo cusub oo cudurka lagu ogaado waxaa ay aragtey koror ah 211 boqolkiiba dadka barnaamijkeeda
qaaxada ee gobolka KwaZulu Natal uu bil walba ka helo cudurka qaaxada. Bukaannada laga heley qaaxada, ayaa 13.2 boqolkiiba aaney waxba u tareynin daawada rifampicin, oo ah mid ka mid ah daawooyinka raaca koowaad ee ugu waxtarka badan ee lagu daweeyo qaaxada.

Dalka Hindiya, daawooyinka iyada oo aan waraaq dhakhtar soo qorey la wadan la iibsado iyo waaxda caafimaadka ee gaarka
loo leeyahay ee aan sharci adag loo dejin ayaa weli hurinaya dhibaatada cudurrada daawooyinka u adkeysta. Dad lagu qiyaasey 99,000 qof ayaa sanad kasta qaada MDR-TB, kuwaas oo keliya boqolkiiba hal ay helaan daaweyn ku filan.

Dalka Myanmar, qiyaastii ilaa 9,300 qof oo cudub uu cudurka MDR-TB ku dhaco sanad kasta, ayaa ilaa hadda keliya 300 bukaan ay heleen daaweyn. La-noqoshada lala noqdey wareeg dhan oo ah maaliyaddii Sanduuqa Caalamiga ah ee La-dagaallanka AIDS-ka, Qaaxada iyo
Duumada (Malaariyada) ayaa si adag wax ugu dhimi karta qorshe shan sano ah oo la doonayey in lagu gaaro 10,000 qof oo kale oo la nool MDR-TB oo jooga Myanmar, iyo weliba qorsheyaal waxqabadka kor loogu qaadi lahaa oo laga fulin lahaa dalal kale oo badan.

Dhibaatooyinka caalamiga ah waxaa uga sii darey muddada daaweyntu socoto oo dheer (ilaa laba sanadood) iyada oo isla markaana la qaadanayo daawooyin aad u culus/sunteedu badan tahay, oo badidoodu la heley bartamihii qarsinigii la soo dhaafey kuwaas oo dhinaca kale ay qaadashadoodu keento waxyeello kale oo aan loo bogin. Maaliyadda yaraatey – sida ka muuqata lacagaha laga jarey Sanduuqa
Caalamiga ah – iyo suuqa oo yar oo warshado kooban ay daawada sameeyaan, ayaa qiimaha qaar ka mid ah daawooyinku ka dhigey kuwo mar walba qaali ah oo aan la goyn karin. Intaa waxaa dheer, in si baahsan loo adeegsado qalabka baaritaanka degdegga ah ee cusub ee suuragelin kara in uu si ballaaran u kordhiyo in goor hore la ogaado cudurka qaaxada ee daawooyinka badan u adkeysta ee ka jira degaannada kheyraadka laga helo uu hooseeyo ayaa waxaa is-hortaagaya in aan kharashkiisa la iska bixin karin. Waana degaamadan kuwa in awood loo yeesho in qaaxada lagu ogaado saacado gudahood – halkii lagu ogaan lahaa maalmo ama toddobaadyo – sida ugu badan loogu baahan yahay si nafo loo badbaadiyo.

MSF waxaa ay dowladaha, deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, iyo sharikaadka dawooyinka ugu baaqeysaa in ay la dagaallamaan faafidda qaaxada daawada u adkeysata iyada oo loo marayo maaliyad cusub iyo dadaallo lagu soo saarayo qalab baaritaan iyo daawooyin waxtar leh oo qiime ahaanna la goyn karo. Dawooyin sunta ku jirta ay yar tahay waqtiga ay soconayaan uu gaaban yahay ayaa loo baahan yahay, iyo weliba in la helo daawooyinka nooca carruurta ee aan haatan jirin, iyo baaritaan lagu sameeyo halka lagu xanaaneynayo bukaanka. Tallaabooyin sharci ah ayaa loo baahan yahay in la hirgeliyo si looga hortago in cudurku uu u sii faafo sababo la xiriira hawl-wadeennada caafimaadka oo si xun u maareeya cudurka daraaddeed.

“Waxaan u baahannay daawooyin cusub, cilmi-baaris cuusb, barnaamijyo cusub, iyo ballanqaad cusub oo laga helo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah iyo dowladaha si wax looga qabto cudurkan geerida sababa,” ayaa uu yiri Dr. Karunakara. “Markaa un ayaa dad intaan ka badan la baari karaa, la dabiibi karaan lana daaweyn karaa. Adduunka iskama sii fadhin karo indhahana kama sii eegan karo halista MDR-TB. Waa in aan hadda tallaabo-qaadnaa.”

Tags: , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud

Qoraalada kale ee ku saabsan Taakulada Soomaalida