Jadeecada oo ku Faafeysa Soomaaliya

07.03.2012 | Qeybta Guud, Taakulada Soomaalida

Cudurka jadeecada ayaa ku sii faafaya qeyba k atirsan koonfurta Soomaaliya. Cudurka ayaa ah mid si sahlan laisugu gudbiyo waxaana uu khatar weyn ku yahay caruurta aan talaalneyn weliba kuwa nafaqa darada la il daran. Dagaalka ka jira Soomaaliya ayaa ah sababta ugu weyn ee ay u sii faafeysa nafaqa darada, carqalada hortaagan talaal balaaran iyo helitaanka adeeg caafimaad. Dhamaan arimahaas
ayaa sahlaya dilaaca iyo faafitaanka cudurada sida jadeecada. Qaar ka tirsan mashruucyada MSF waxaa malmihii iyo todobaadyadii aynu soo dhafnay ku soo badanaya bukaanka jadeecada kuwaas oo qarkood ay aad cudurka ula il daranyihiin.

“Todobaadyadii aynu soo dhaafnay, waxaan cudurka ka helnay oona daaweyney in ka badan 300 oo bukaan ah- ooy u badanyihiin caruur –kuwaas oo ku nool magaalooyinka Haramka iyo Mareerey ee gobolka JubadaHoose,” ayey tiri Silvia Colona, oo ah madaxa
mashaariicda MSF ee Koonfurta Soomaaliya.. “Waxaan magaalda Kismaayo ka sameynay xarun lagu daaweeyo jadeecada todobaadkii aynu soo dhaafney. Islamarkiba wey buuxsantey xaruuntaas.”

Jadeecada haddii aan l adaaweynin waa cudur halis ah, gaar ahaan caruurta u daran, laakiin  haddii daryeel caafimaad oo haboon la siiyo wey ka badbaadayaan. “Waan ogaa in waxaan ay tahay Jadeeco,”ayey tiri hooyo canugeeda keentay xarunta daweynta Jadeecada ee MSF ay ku lehdahay magaalda Kismayo, “laakiin ma ogeyn meel aan geyni karo canugeyga ilaa ay qaraabadeyda iogeysiyeen in ay jirta xaruntaan ee lagu daaweeyo Jadaaceeda.”

Nasiib daro, wacya gelin la’aan iyo amaan daro ayaa waxaa laga yaaba in dad badan ay ka hortaagan yihiin dad badan in la daaweeyo. “Waxaan u maleyneynaa in qiyaastaan ay tahay buur baraf ah caaradeed,” ayey ku dartay Ms. Colona, “waxaa jira dad fara badan oo qaba Jadeeco oo aan soo gaari Karin xarumaheena.”

Jadeecada si sahlan oona rakhiis ah ayaa looga hortagi karaa iyadoo la talaalayo, laakiin ololaha talaalka ayaa ku yar inta badan qeybaha Soomaaliya. Geynta dawooyinka iyo amaanka ma aha carqaladaha kali ee jira. MSF waxey weli rukhso ay talaalka ku sameysa ka sugeysaa maamulada maxaliga ah ee ku sugan dhowr goobood. Haddii rukhsadaas ay hesho, talaalka waxaa uu noqon doonaa muhimadda weyn ee MSF waxaana laga hortagi doonaa dhimasha fara badan.

Nasiib daro dilkii 2 ka mid ah shaqaalaha MSF loogu geystay muqdisho dhamaadkii sanadkii la soo dhafay, ayaa sababay in la yareeyo howlahii ka socdey caasimadaas. Sidoo kale, 2 ka mid ah shaqaalaha MSF oo lagu afduubay woqooyiga Kiinya  wali lama daynin. Sidaa darted, adeegyadii ka socdey xeryaha Dhadhaab wey yaraadeen. MSF waxaa ay ka codsaneysaa- jaaliyadaha Soomaalida, madaxda
bulshada iyo madaxda maamulada gaar ah kuwa ka taliya goobaha lagu haysta asxaabteena afduuban- in ay sameeyaan wax walba oo ay awoodaan oo ay uga qeyb qaadan kaaran sii deyntooda.

MSF waxey isku xilqaameysaa in ay sii wado bixinta gargaarka caafimad ee ay siiso Soomaalida ku nool gudaha iyo dibadda dalka. Mudadii u dhaxeysey, bisha Maayo ilaa Diseembar sanadkii 2011, MSF waxaa ay nafaqa dara ka daaweysey 95,000 oo bukaan ah, 6,000 jadeecd iyo ku dhawaad 235,000 oo caruur oo laga talaalay jadeeco gaar ahaan goobihii loo ogolaadey iyo xeryaha qaxootiga ee Kiinya iyo
Itoobiya. MSF waxaa ay la talin caafimaad ku siisey xarumaheeda kala duwan ilaa 540,000 qof oo bukaan ah.

Tags: , , , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud

Qoraalada kale ee ku saabsan Taakulada Soomaalida