“Isbadal Badan ayaa looga Baahanyahay Xeryaha Qaxootiga Soomaalida ee ku yaala Itoobiya”

05.03.2012 | Qeybta Guud, Taakulada Soomaalida

© Julie R�my

Horraantii 2011, Itoobiya waxaa soo gaarey 40,000 qof oo qaxooti Soomaaliya ka yimid ah. Wixii loo soo gaarey
dhammaadkii 2011, tiradu waxaa ay kor u dhaaftey 142,000.  Qax dad tiro badan oo ka dhashey abaar xun oo
dishey dalagyadii iyo xoolihii dal uu labaatan sano dagaal ka socdey, dagaalkaas oo ka fog in uu qaboobo, kaas oo u muuqda in uu ka sii darayo maalin kasta. Tiradan badan ee qaxootigaa, ayaan tiro ahaan keligeed waxba ka sheegi karin maalmaha, xataa toddobaadyada, ay Soomaalidu soo lugeeyaan si ay u soo gaaraan ayna uga
soo gudbaan xuduudda, iyaga oo cuntada iyo biyaha ay wataan ay aad u yar yihiin. Tiradaan waxba kama sheegeyso nafaqo-xumada ba’an ee saameyneysa carruurta xerooyinka ku jira, mana muujineyso dadaalka ay bixiyeen hay’adaha bani’aadamnimada si ay u yareeyaan gaajada iyo gooni-sooca ayna dadka uga dhigaan kuwo ka soo gudba xaaladda dhibaatada leh ee haysata oo heerka geerida carruurta ee taagan kan xaalad degdeg ah ay u soo gaarsiiyaan heer ilaa xad caadi ah. In kasta oo xaqiiqadan ay jirto, ayaa haddana José Luis Dvorzak, oo ah dhakhtar MSF u shaqeeya oo jooga gobolka Liibaan, uu ina xusuusinayaa in weli aaney fari ka qodneyn arrinta iyada oo ay dhibaato haysato dad ay saameeysey nafaqo-xumo, oo fursadaha ay ugu noqon karaan dalka dagaalladu halakeeyeen ee Soomaaliya ay aad u yar yihiin.

Dhakhtarnimo ayaad marar kala duwan labadii sano ee la soo dhaafey aad uga shaqeyneysey  xerooyinka ku yaalla gobolka Liibaan

Markii iigu horreysey waxaan imid Juunyo 2010. Waxaa markaa joogey saddex shaqaale caalami ah iyo 35 shaqaale dalka u dhashey ah.  Waxaan hawlo nafaqeyn ah ka qabanney laba xero, Boqolmaanyo iyo Malkadida (40,000 qof oo qaxooti ah ay ku jireen) iyo Xarunta Caafimaadka ee Doolow Addo. Markii labaad waxaan imid bishii Sebtembar 2011, isbeddelka aad buu u weynaa: waxaan lahayn 50 shaqaale caalami ah iyo in ka badan 800 shaqaale dalka u dhashey. Wixii waqtigaa loo soo gaarey, waxaa la furey xerooyin cusub, Kobe iyo Hillaweyn, -oo ay middiiba ku jireen 25,000 qof oo qaxooti cusub ah-, oo ka yimid Soomaaliya iyaga oo ay xaaladdoodu aad u xun tahay, oo geeridooduna ay aad u badneyd. Waxaa jirtey in ilaa 13,000 qof ay ku jireen barnaamijyadeenna quudinta. Bishii Sebtembar, ka dib markii aan bilo wadney hawlo nafaqeyn ah, waxaan awoodney in aan heerarkii geerida ka hoos marinno heerka ugu hooseeya
marka ay xaalad degdeg ahi jirto.

Maxaad ku tilmaami lahayd xaaladda caafimaad ee hadda haysata dadka?

Waxaan weli haynaa carruur xarumaheenna baxnaaninta ku jira oo ay hayso nafaqo-xumo ba’an oo ayna ugu sii darsameen cudurro kale sida oof-wareen ama shuban. Ilaa 45 carruur yaryar ah (waqtigii xaaladda degdegga ah ay halkii ugu sarreysey mareysey tiradaan waxaa
ay gaartey 150 oo si joogto ah xarunta ugu jira) toddobaadkii. Cudurrada ugu badan ee haya dadka waa caabuqyada neef-mareenka, shuban, dulinka mindhicirrada galada (gooryaanka) iyo cudurrada maqaarka. Waqtigaan, waxaa aan sidoo kale wadnaa barnaamijyo caafimaadka dhimmirka iyo la-socoshada xaaladda cudurrada annaga oo adeegsaneyna shaqaalaha caafimaadka ee bulshada.

Maxay yihiin culeysyada dad qabsada marka laga shaqeynayo Liibaan?

Xaaladda caafimaad ee dadku ma deggana. Maaddaama uu dagaal sokeeye muddo labaatan sano ah ka socdo Soomaaliya, halkaas oo xarumaha caafimaadka ee dadweynaha ka dhexeeya ay aad u yar yihiin ama la burburiyey, ayaa waxaa jirta in dadku aaney u baran in ay
helaan adeegyo caafimaad.

Maxay tahay raadka ay tani ku reebtey xaaladda guud ee caafimaadka dadweynaha?

Waxa aan ka soo baxney xaalad nafaqo oo degdeg ah waxaana u gudubney mid daba-dheer. Xaaladda xerooyinka uma fududeynayaan in ay dadku karsadaan cuntadooda: haweenka ayaa u baahan in ay duurka aadaan si ay u soo gurtaan xaabo ay wax ku karsadaan, iyaga oo halis ugu jira in inta ay waddada ku soo jiraan la weeraro. Dhinaca kale, cuntada jaango’an ee ay qaataan, ee ay ku jirto nafaqada ay u baahan yihiin, ayaa la iska diidaa oo lagu gadaa suuqyada si ay ugu soo iibsadaan cunto kale, oo caado ahaan ay is xijiyaan, laakiin aan lahayn nafaqada ugu aasaasisan. Beddelidda dabeecadahan ayaan ahayn mid fudud waxaana ay ka dhigan tahay in sharaxaaddii
iyo fikirkii hore ay khaldanaayeen.  Heerarka nafaqo-xumada guud ayaa ka hor xaaladda degdegga ahba aad u sarreeyey oo cirka ayaana ay isku sii shareereen ka dib markii ay dad badan yimaadeen Maajo ilaa Sebtembar-Oktoobar.

Sidee ayaa ay idiinku suuragashey in heerka dhibaatada aad ka hoos marisaan kan xaaladda degdegga ah?

Markii ay buuxsameen xerooyinka cusub oo aan dad cusubna lagu soo biirineynin, ayaa hawshu ay ahayd in la bixiyo cunto, korjoogteynta nafaqo-xumada ba’an ee carruurta iyo qabashada hawlaha la-socodka cudurrada si wax looga qabto cudurrada dillaaca. Xerada Kobe, oo ay ku jireen qaxooti 25,000 qof ah oo dadka ku geeriyoonayana ay aad uga badnaayeen heerka ugu hooseeya marka ay xaalad degdeg ahi jirto (1 qof oo ka dhinta 10,000 qof maalintii), waxaan ku khasbaneyn in aan la dagaallanno jadeeco dilaacdey (cudur marka ay nafaqo-xumo weheliso aad loogu dhiman karo), oo aan qabanqaabinno olole tallaal oo ballaaran oo ku wajahan carruurta 15 sano jirka ka yar.

Sidee xaaladdu tahay waqtigan?

Waxaan hadda ku jirnaa xaalad xasilin ah. Maamulka ayaa qayb hawlaheenna ka mid ah ku wareejiyey hay’ado kale halka MSF ay weli maamusho xarumaha baxnaaninta carruurta ay xaaladdoodu daran tahay ee saddex ka mid ah shanta xero. Haseyeeshee, weli welwel ayaa jira, xaaladda nafaqo-xumo ee dadka daraaddeed. Weli waxaa dhiman wax badan oo loo baahan yahay si loo wanaajiyo xaaladda nafaqada.

Roob yar ayaa ka da’ay Soomaaliya. Qaxootigu ma rabaan in ay noqdaan?  

Qaarkood wey rabaan in ay noqdaan waana ayba noqonayaan in kasta oo uu dagaal socdo. Waxaa ay u noqonayaan in ay ka
faa’iideystaan roobkii dhowaan da’ay oo ay isku dayaan in ay nolol cusub bilaabaan. Sidaas oo ay tahay, haddana waxaa jira dad cusub oo imaanaya, ilaa 70 qof maalintii celcelis ahaan – waa tiro aad uga yar 23,000 ee la diiwaangeliyey bil keliya sanadkii hore, laakiin weli waa ay imaanayaan.

Tags: , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud

Qoraalada kale ee ku saabsan Taakulada Soomaalida