Xerooyinka qaxootiga ee dhadhaab: Xaaladdu sideedii ayaa ay ku soo noqotey

16.02.2012 | Dhacdooyinka, Taakulada Soomaalida

Warbixin kooban

Xerooyinka qaxootiga ee dhadhaab: Xaaladdu sideedii ayaa ay ku soo noqotey

Febraayo 2012

© Brendan Bannon -- L. Omar oo ku sugan xerada dhagaxley ee dhadhaab, Kenya.

Hordhac

Xerada Dhadhaab – oo ah xerada qaxootiga ee ugu weyn dunida oo dhan – oo ay noloshu sii adkaaneyso maalin kasta, boqollaal kun qof oo magangelyo-doon ah ayaa ay ku haysataa xaalad bani’aadamnimo oo degdeg ah. Xaaladda caafimaad ee qaxootiga ayaa halis ugu jirta in ay degdeg uga sii darto halka hay’adaha gargaarka bani’aadamnimadu ay la kacaa-kufayaan sidii ay gargaar macno ku fadhiya si
joogto ah ugu bixin lahaayeen.

Bishii Oktoobar 2011kii, markii la afduubey laba shaqaalaha MSF ka mid ah oo ammaankuna xumaadey, ayaa ‘dhammaan hawlihii naf-badbaadinta aan ahayn’ ee lagu bixinayey xerooyinka dhexdooda la hakiyey, waxaana la joojiyey diiwaangelintii rasmiga ahayd ee qaxootiga cusub ee imaanayey. Maanta, qaxooti badan ayaan adeegyadii ay heli jireen loo soo celinin. Waxaa degdeg loogu baahan yahay in la hubiyo in ilaalin iyo gargaar la bixiyo, in kasta oo dadaal lagu bixinayo si loo hubiyo in gargaarka cuntada lagu qeybiyo xaaladda taagan dhexdeeda.

Qoysaska loo guuriyey xerooyinka dhowaan la furey ee Ifo 2 Galbeed iyo Ifo 2 Bari ayaa socotey iyada oo hawlaha lagu hubinayo in adeegyo dad ku filan la helo ay si tartiib-tartiib ah dib ugu bilowdeen. Maanta, dad tiradoodu yar tahay ayaa weli jooga daafaha xerooyinka, meelaha loo yaqaanno ‘degaamada la iska degey’, ee xaaladaha nololeed ay weli aad u liitaan. Xaaladahan nololeed waxaa ay saameyn mug leh ku leeyihiin caafimaadka dadkaan qaxootiga ah, sida uu xaqiijiyey sahan faahfaahsan oo ay waaxda MSF u qaabilsan daraasaadka waxa sababa, sida ay u badan yihiin iyo xakameynta cudurrada (epidemoiological) ee lagu magacaabo Epicentre  sameysey Sebtembar 2011.[1] Xerooyinka dhexdooda, ayaa xaaladda caafimaadku ay welwel dad gelineysaa, iyada oo dhowaan ay dillaaceen jadeeco, shuban-biyood ba’an iyo daacuun.

Xaaladda qaxootiga xerooyinka dhadhaab waa mid ba’an iyada oo rajo yar laga qabo in ay muddada dhow soo wanaagsanaato. Iyada oo dareenka warbaahinta iyo kan siyaasadda ay ku wajahan yihiin dejinta xaaladda Soomaaliya, haddana iskama indho-tiri karno baahiyaha weyn ee ay qabaan kumanaan qof oo ku nool xaalado bani’aadamnimada ka baxsan. Bulshada caalamku waxaa ay ku guul-dareysaneysaa in ay raggan, haweenkan iyo carruurtan ka soo cararaya colaadda iyo abaarta ay siiyaan wax ka badan inta ugu yar ee lagu noolaan karo.

MSF waxaa ay hawlahooda waddaa cusbitaalka iyo afarta rugood ee caafimaad ee ay ku leedahay xerada Dhagaxleey, laakiin waxaa ay ku khasbanaatey in ay hakiso hawlihii ay ka waddey xerada Ifo 2, ee uu afduubku ka dhacay. Markii halkii ugu xumeyd ay mareysey xaaladda degdegga ah, min Oktoobar ilaa Jannaayo, cusbitaalka MSF ee 300 ee sariirood qaada ee ku yaalla Dhagaxley waxaa uu u adeegayey bukaanno ka badan intii loogu talogaley, iyada oo markii ugu sarreysey ay tirada bukaannadu gaartey 350 bukaan toddobaadkii ugu horreeyey bisha Jannaayo. Maanta, xaaladdu waa ay soo wanaagsanaatey, maaddaama hawlihii
caafimaadka dib looga bilaabey Ifo 2. Haseyeeshee, tirooyinka carruurta ay nafaqo-xumada ba’an ay hayso ee u baahan in cusbitaalka la seexiyo ay weli sarreyso marka la barbar-dhigo isla muddadaan oo kale sanadkii la soo dhaafey, iyada oo carruur ku dhow 100 lagu aqbalayo xarunta quudin-ku-daweynta xooggan.

In kasta oo shaqaalaha caalamiga ah ee jooga xerada ay kooban yihiin welwel laga qabo ammaanka daraaddii, haddana shaqaalaha sare ee MSF waxaa ay weli awoodayaan in ay bixiyaan hawlo caafimaad oo tayo sare leh. MSF waxaa ay si joogto ah ula qabsaneysaa culeysyada ka jira xerooyinka ee aaney ka jirin oo keliya baahiyo bani’aadamnimo oo aad muhiim u ah, ee laakiin halisaha ay ku sugan yihiin
kooxaheennu ay aad u sarreeyaan.

Sanad la fuliyey waxqabad degdeg ah

 

Caafimaadka iyo nafaqada

Shaqaalaha MSF waxaa ay xaaladda caafimaadka iyo nafaqada sii xumaatey ee qaxootiga dhowaan yimid markii ugu horreysey arkeen bilowgii 2011kii. Sahan Jannaayo 2011 laga fuliyey degaamada la iska degey ee xerada Dhagaxley ee loo yaqaanno Buulo Bakhti, ayaa muujiyey heerarka nafaqo-xumadu ay ku dhow yihiin heerarkii marka ay jirto xaalad degdeg ah. Lixdii bilood ee xigey, heerarka nafaqo-xumada ee Buulo Bakhti ayaa laba-laabmey, markii la gaarey Juunyo 2011, mid ka mid ah shantii carruur ah ee da’doodu shan sano jir ka yar tahay ayaa nafaqo-xumo ba’an qabey. Carruurta ka waaweyn kuwan ayaa sidoo kale ay dhibaatadu saamey, taas oo calaamad u ah xaaladda caafimaad ee aad u liidata ee qaxootiga ku nool daafaha xerooyinka.

MSF ayaa ka jawaabtey xaaladda degdegga ah iyada oo laba-laabtey baaxadda cusbitaalka ay ku leedahay xerada Dhagaxleey si ay ugu biiriso xarun quudin ku-daweyn oo 200-sariirood bukaan-jiif ah qaadda. MSF waxaa ay sidoo kale rug caafimaad iyo nafaqeyn oo cusub ka dhistey Buulo Bakhti lafteeda, waxaana ay bixisey cunto dheeri ah oo u diyaarsan in horey laga cuno oo loogu talogaley carruurta nafaqo-xumadu hayso si looga hortago in ay xaaladdoodu sii xumaato.

MSF waxaa ay natiijooyinkii sahamadii ay sameysey 2011 ay la wadaagtey ururrada waaweyn ee ka shaqeeya xerada.  UNHCR,
Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) iyo hay’ado kale ayaa kor u qaadey waxqabadyadii ay ku beegsanayeen dadka cusub ee dhowaan yimid. Waxqabadyadaan waxaa ka mid ahaa in raashin la siiyo qaxootiga marka ugu horreysa ee ay yimaadaan xarunta soo dhoweynta, iyo in la wanaajiyo qeybinta cuntada dheeriga ah.

Haseyeeshee, tan iyo dhammaadkii Nofembar 2011, waxaa si weyn u kordhey tirada carruurta nafaqo-xumadu hayso ee la dhigey cusbitaalka MSF ee xerada dhagaxley. Carruurtan badidoodu waxaa ay ka yimaadeen degaamada cusub ee dhowaan lagu kordhiyey xerada IFO ee MSF ay hakisey hawlihii ay ka waddey ka dib markii la af-duubey xubnaha ka tirsan shaqaalaheeda. Markii la qorayey warbixintan, Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa ballaarineysay hawlaheeda, iyada oo dooneysey in ay wax ka qabato
baahida aadka u ballaaran ee dadka. Dadaalladan ayaa yareynaya culeyska saaran cusbitaalka Dhagaxley. Maanta, carruur ka badan 2,400 oo nafaqo-xumo ba’an ay hayso ayaa ku jira barnaamijka nafaqada, taas oo muujineysa in mid ka mid ah toban iyo labadii carruur
ahiba ay nafaqo-xumo hayso,
taas oo macnaheedu yahay in ay halis degdeg ah ay geeri ugu jiraan.

Marka laga soo tago dhibaatooyinka dhinaca nafaqada, dhowr cudur oo dillaacay ayaa xerooyinka saameeyey sanadkii 2011kii. Dhagaxley oo keliya, MSF waxaa ay daaweysey xaalado ka badan 380 oo jadeeco ah waxaana ay 113,796 qof ka talllaashey cudurka. Bishii Nofembar 2011, shuban-biyood ba’an, iyo xaalado daacuun ah oo la xaqiijiyey, ayaa halis caafimaad oo cusub geliyey xerooyinka. Sidaa daraaddeed, MSF waxaa ay xarun 50 sariirood qaadda oo daacuunka lagu daweeyo ka furtey cusbitaalka Dhagaxley.

Diiwaangelinta, Hoyga iyo Ilaalinta

 

Bishii Juunyo 2011, xarumo soo-dhoweyn oo ku meelgaar ah ayaa laga sameeyey xero kasta si dadka caafimaad ahaan loogu kala saafo oo
cunto iyo waxyaabo kale oo aasaasi ah loo siiyo qaxootiga cusub marka yimaadaanba. Bishii Sebtembar 2011, awoodda diiwaangelineed ee xerada Ifo ayaa la kordhiyey si qaxootiga si buuxda loogu diiwaangeliyo marka ay yimaadaanba. Nidaamka, in kasta oo uu adag yahay, waxaa uu ugu yaraan qaxootiga cusub ee yimid u suurageliyey in buuxda loo diiwaangeliyo isla maalinta ay yimaadaan. Haseyeeshee, tan iyo bishii Oktoobar 2011 ma jirin wax diiwaangelin ah oo laga sameeyey xerooyinka.

Bishii Agoosto 2011, xaaladda hoyga ayaa si muuqata u soo wanaagsanaatey ka dib markii la furey xerooyinka Ifo 2 galbeed iyo bari. Qorshayaal degmada Faafi looga furayo xero cusub oo lagu magacaabo Kaambiocoos, oo hore u jirtey oo qaadana dad ka badan 180,000
qof. Haseyeeshee, ilaa maanta, degaamada cusub ee lagu darey Ifo 2 ayaa aan weli si buuxda u shaqeynin maaddaama adeegyadii aasaasiga ahaa weli uu dhismahoodu socdo. Kaambicoos waxaa ku nool oo keliya 12,000 qof oo qaxooti ah. Tan iyo bilowgii Febraayo, keliya qaxooti wadarta tiradoodu tahay 60,000 ayaa dib loo qoondeeyey.

Waqtigaan, qoysaska ayaa ku khasban in ay degaan hareeraha xerooyinka, ama in hoy ciriiri ah ay la wadaagaan qaxootiga ku nool
xerooyinkii ”hore” ama ay ku noolaadan xerooyinka cusub oo aan si buuxda u shaqeyneynin oo leh oo keliya adeegyada ugu yar ee aasaasiga ah.

Iyada oo ammaanka degaanka Dhadhaab uu ka sii darayo, ayaa ay taasi qaxootiga iyo shaqaalaha bani’aadamnimadaba ay saameysey. Kuwa ku hawlan arrimaha bani’aadamnimada ayaa halgan ugu jira in ay qaxootiga gaarsiyaan gargaar, oo hadda tiro ahaan iyo tayo ahaanba u kooban.

Ilaalinta iyo gargaarka ay qaxootiga cusub ee dhowaan yimid ay helayaan ayaa aad uga hooseeya kii 2011kii. Waxaana ay tahay in loo
xaqiijiyo dhammaan qaxootiga ku jira xerooyinka, iyo sidoo kale in ay helaan adeegyada aasaasiga ah.

Gebogebo

Tan iyo markii MSF ay ku noqotey Dhadhaab horraantii 2009kii si ay ula wareegto daryeelka caafimaadka ee xerada Dhagaxley, hay’addu waxaa ay si joogto ah uga hadashey xaaladda adag ee ay qaxootigu ku nool yihiin, iyo baahida ay u qabaan gargaar bani’aadamnimo,
ilaalin iyo karaamo.

Bishii Luuliyo 2011, wacyiga dadweynaha oo kor u kacay iyo warbaahinta oo dareen u yeelatey Dhadhaab daraaddood ayaa sababey in xaaladdii adkeyd ee qaxootigu ay bilowdo in ay soo wanaagsanaato. Waxaa jirey waxtar wanaagsan oo ka yimid bulshada caalamka iyo
hay’adaha gargaarka iyaga oo kordhiyey gargaarkii ay siinayeen dadka ku nool xerooyinka ayna gargaar kale siiyeen qaxootiga ku nool daafaha xerooyinka.

Nasiib-darrose tan iyo bishii Oktoobar 2011, xaaladdu waa ay is-beddeshey. Gargaarka bani’aadamnimada ayaa hoos loo dhigey, waxaana joogsadey guud ahaan diiwaangelintii dadka cusub ee imaanaya xerooyinka. Tani waxaa inta badan sababey xaaladda ammaanka degaanka oo ka sii dartey, taas oo halis ku ah in ay meesha ka saarto dhammaan guulihii la gaarey. Maanta, Dhadhaab waxaa weli ka jirta xaalad degdeg ah.

Dadaallo lagu doonayey in wax looga qabto wanaagga iyo baahiyaha qaxootiga ayaa mudnaanta ugu weyn u leh nidaamka gargaarka. Arrintan daraaddeed, kaalinta UNHCR ayaa aasaasi u ah munaaqashada lala leeyahay madaxda Kenya in ay bixiyaan jawaab bani’aadamnimo oo ku habboon qaxootiga.

Qaxootiga Dhadhaab jooga – iyo kuwa kale ee u soo socda – waxaa ay u baahan yihiin taageerada joogtada ah ee UNHCR, dowladda Kenya iyo hay’adaha bani’aadamnimada si ay u badbaadaan. Waa mas’uuliyad saaran kuwa go’aamada gaaraya in ay xal u helaan in la beddelo sida ay hadda wax u socdaan taas oo ah in qaxootigu ay dhibaatada ugu badan ay ka soo gaareyso colaad ay isku dayayaan in ay ka baxsadaan ayna halis ugu jiraan in ay noqdaan dhibbanaasha nidaam ay ahayd in uu gargaaro. Arrinta mudnaanta leh waa in ay ahaataa in gargaar la siiyo iyo in la ilaaliyo kumanaanka qaxootiga ah.

Waqtigaan, qaxootigu waxaa ay u baahan yihiin ilaalin iyo daryeel ay helaan inta ay ku nool yihiin xerooyinka Dhadhaab. In kasta oo ay tahay in laga fekero xal muddada dheer ah, haddana xaqiiqada maanta jirta waa in boqollaal kun oo qaxooti ah ayaa nidaamka gargaarka iyo in dowladda martigelisey ugu xiran in ay hubiyaan in la ixtiraamo xuquuqahooda bani’aadamnimo.

Ilaa ay tan ka dhaceyso, caafimaadka qaxootigu waa uu sii xumaaneyaa iyada oo taas ay ka dhalaneyso cirib-xumo nafaha halis gelinaya, waxaana hay’adaha gargaarkuna iyaga oo aan wax u qaban karin ay indhaha ka fiirinayaan xaaladdan.

Tags: , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Dhacdooyinka

Qoraalada kale ee ku saabsan Taakulada Soomaalida