Somaliya: War bixin kusaabsan xaallada Hay’adda MSF iyo hawgalada ay Muqdisho ka wado, kadib marki la dilay laba Ka mid shaqaallaheeda

09.01.2012 | Dhacdooyinka, Qeybta Guud, Taakulada Soomaalida

Hay’adda caalamiga ah ee daryeelka caafimaad ee Bani’aadan Médecins Sans Frontières (MSF) waxaa ay sii wadaysaa howleheedii caafimaad ee dalka Somalia xitaa ka dib dilkii toogasho ee isbuucii tagay loo gaystay labo ka tirsan shaqaalaha gargaarka MSF kana
dhacay xarunta hay’ada ee magaala madaxda Muqdisho

In kasta oo ay MSF hoos u dhigtay tirada shaqaalaha caalamiga ah ee Muqdisho ka dib musiibadii dhacday, sarena u qaaday talaabooyinka
dhanka nabadgalyada,hadana ma jiro go’aan lagu hakinayo ama gabi ahaanba lagu joojinayo howlihii caafimaad ee MSF ay dalka ka waday
taasoo ay ka mid tahay Muqdisho.

Macluumaadka la helayo ilaa haatan,waxaa ay tibaaxayaan in toogashadu ay aheyd fal shakhsi uu geystay taas oo aan xiriir la laheyn
arin siyaasad ama hardanka colaadeed ee ka jira Somalia.Dableyga eedaysanaha ah waxa uu kala shaqeynayay hay’ada dhanka loojistikada, 14-bilood waxaana ku socday baaritaan gudaha ah oo la xiriira xatooyo mana jirin go’aan MSF ay kagaartay mustaqbalkiisa xilliga uu ku kacay falka dilka ah. Baartitaanka waxaa qeyb ka ahaa kana geysanayay garab bulshada oo ay mar walba MSF ka qeyb galiso hawlaha.

Maanta,eedaysanuhu waxaa uu gacanta ugu jiraa maamulka caasimadda. MSF qeyb kama ah arrintan gacan ugu jiridda maamulka mana ka heyno faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan dacwadaas.

Haatan waxaa socda qabanqaabada baaritaan MSF ay ku eegeyso arrinka keenay aafadan dhacday.

Waxaa muuqata in uusan xiriir ka dhaxeeynin arrinta toogashada iyo afduubkii loo geystay labo shaqaalaha MSF ka tirsan loogu getstay 13
Oktoobar,2011 xerada qaxootiga Dhadhaab ee Kenya.MSF waxaa ay ilaa haatan aad uga walaacsan tahay xaaladda Montserrat
Serra iyo Blanca Thiebaut oo la afduubay ayaga oo ku guda jira u fidin gargaar bani’aadan qaxootiga Soomaaliyeed ee Dadaab.Hay’adu waxay ka shaqeynesaa sii deyntooda ayagoo badqaba una laabta guryahoodii MSF waxaa ay magaalada Muqdisho ka wadaa hawlo lagu quudinayo caruurta la il daran nafaqo xumida waxaa ayna daweysaa dadka la il daran daacuunka iyo jadeecada.Ayadoo adeegsaneysa olole dadka loogu gargaarayo,MSF waxay magaalo madaxda Somalia ka wadaa wiisatooyin caafimaad,tallaal ka dhan ah jadeecada
iyo waliba qeybinta agabyo aasaasi ah oo ay siiso barakacayaasha iyo dadka deegaanka

MSF waxa ay si aan kala go’ laheyn uga shaqeyneysay Somalia tan iyo 1991 waxayna hadda howlgalisaa 13 mashruuc dhamaan dalka oo
dhan oo ay ka mid yihiin daryeel caafimaad oo la xiriira arrimaha xaaladaha degdega ah ee ka jira dalka, tallaal caruur, iyo nafaqada hooyada iyo dhalaanka. MSF waxaa kale oo ay gargaar u fidisaa qaxootiga Soomaliyeed ee xeryaha Dhadhaab, Kenya iyo Doolow Caddo,Ethiopia.

Tags: , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Dhacdooyinka

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud

Qoraalada kale ee ku saabsan Taakulada Soomaalida