SHAQO BANNAAN – DHAKHTAR CAAFIMAAD – DHAKHTARKA CARRUURTA

06.01.2012 | Shaqooyin

                                                                 SHAQO BANNAAN

MSF-CH waxaa ay raadineysaa in ay shaqaaleyso:

DHAKHTAR CAAFIMAAD – DHAKHTARKA CARRUURTA

Oo taageera hawlaheeda bani’aadamnimo ee ay ka waddo Soomaaliya

MSF Switzerland (MSFCH) waa urur caafimaad oo bani’aadamnimo oo gargaar caafimaad oo degdeg ah siiya dadka u baahan. Waqtigaan MSFCH waxaa ay mashaariic ka waddaa afar goobood oo ku yaalla Soomaaliya: Balad Weyne, Diinsoor, Afgooye iyo Muqdisho.

Goobta Shaqada: Mashruuca Muqdisho.            Waqtiga la bilaabayo: Isla marka qofka la qaato

Nooca qandaraaska: 12 bilood oo qandaraas go’an ah

Baaxadda mas’uuliyadaha:                        Kaalinta Dhakhtarka Caafimaadku waa in uu hubiyo in carruurta uu u daryeelo, u daweeyo uuna u dabagalo bukaannada si waafaqsan qoraalka dhakhaatiirta, Borotokoollada MSF iyo hawlgalka MSF CH ee laga maamulo Nayroobi:

In uu Dhakhaatiirta Gudaha Jooga ku tababaro maareynta xaaladaha carruurta aadka u xanuunsan

In uu kooxda gudaha ka shaqeysa ka taageero hirgelinta istiraatiijiyadda hal-abuurka ku dhisan: (la gorgortamidda maamullada degaanka, habraac, lafaguris, warbixin, iwm)

Hubinta diyaarinta talooyinka, istiraatiijiyadaha hirgelinta, iyo manaahijta tababarka, iyo/ama borotokoollada si ku waafaqsan waxa dhab ahaan looga baahan yahay gudaha.

Hubinta in lafaguris iyo dib-u-eegis lagu sameeyo ilaa xadka la fuliyey talooyinka la bixiyey marka la gaaro dhammaadka hawlgallada

Shuruudaha shaqo-qorista:

  • Dhakhtar caafimaad oo shahaado haysta oo takhasus u leh cudurrada carruurta ama Dhakhtar Guud oo waayo-aragnimo u leh cudurrada carruurta.
    • Shahaado xirfadeed ka haysta jaamacad la aqoonsan yahay
    • 4 sano oo waayo-aragnimo ah u leh takhasuskiisa.
    • Ugu yaraan hal waayo-aragnimo u leh MSF.
    • Xirfado war-gaarsiineed iyo kuwo tababare oo wanaagsan leh.
    • Awood u leh in uu tababaro shaqaalaha
    • Leh awood cilmi-baaris ama mid lafaguris
    • Leh xirfado kombuyutar oo wanaagsan – Excel, Word, E-mail iyo Internet
    • Si wanaagsan u yaqaana Af-Ingiriisiga – Qoraal iyo Ku-hadalba. Garashada Af-Soomaaligu waxaa ay leedahay tixgelin.

Tayada shakhsiga ah:

  • Nidaamsanaan, habeysnaan iyo saxnaan
  • Awood u leh in uu shaqeeyo iyada oo uu culeys haysto.
  • Kooxdiisa si wanaagsan ula shaqeeya.
  • Hami leh oo ay ka muuqato in uu la-qabsan karo habab shaqo oo cusub.
  • Awood u leh in uu ka shaqeeyo deegaan maaddooyin iyo dhaqanno kala duwan ay ka jiraan.
  • Leh xirfado wada-hadal iyo kuwo diblomaasiyadeed oo uu kula hadlo madax sare.

Waxyaabo kale:

Dhammaan codsadayaasha waa in ay CV faahfaahsan (2 qof oo u markhaati furta) leh, nuqulka shahaadadooda iyo waraaq codsi ah u soo diraan:-

Human Resource Coordinator

Iyada oo ku soo diraya

msfch.som.recruitment@gmail.com

Keliya tartamayaasha la soo xulo ayaa lala soo xiriiri doonaa.

Qoraalada kale ee ku saabsan Shaqooyin