SHAQO BANNAAN – AGAASIME CAAFIMAAD/CUSBITAAL

06.01.2012 | Shaqooyin

SHAQO BANNAAN

MSF-CH waxaa ay raadineysaa in ay shaqaaleyso:

AGAASIME CAAFIMAAD/CUSBITAAL

Oo taageera hawlaheeda bani’aadamnimo ee ay ka waddo Soomaaliya

MSF Switzerland (MSFCH) waa urur caafimaad oo bani’aadamnimo oo gargaar caafimaad oo degdeg ah siiya dadka u baahan. Waqtigaan MSFCH waxaa ay mashaariic ka waddaa saddex goobood oo ku yaalla Soomaaliya: Balad Weyne, Diinsoor iyo Muqdisho. Muqdisho MSF Swiss waxaa ay ku leedahay xarun caafimaad oo qaadda 100 sariirood oo loogu talogaley carruurta nafaqo-xumada ba’an ay hayso iyo kuwa qaba jadeecada, iyo sidoo kale waxqabadyo dadka goobahooda loogu geeyo (Nafaqeyn, Tallaal) oo ay ka waddo goobo kala duwan.

Goobta Shaqada: Muqdisho.

Waqtiga la doonayo in shaqada la bilaabo: Sida ugu dhaqso badan

Nooca qandaraaska: 12 bilood oo qandaraas go’an ah oo ay suuragal tahay in waqtiga loo kordhiyo

Baaxadda mas’uuliyadaha:

Iyada oo ujeeddadu tahay in daryeel tayo leh oo joogto ah la bixiyo, oo kheyraadkana sida ugu habboon loo isticmaalo, ayaa qofka la shaqaaleynayo waxaa uu mas’uul ka yahay:

  • Isuduwidda iyo maareynta guud ee waxqabadyada caafimaadka ee mashruuca (cusbitaalka iyo adeegyada dadka goobahooda loogu geeyo)
  • Maareynta shaqaalaha
  • Korjoogteynta/kormeerka iyo lafagurista waxqabadyada caafimaad ee mashruuca

Agaasimaha Cusbitaalka waxaa uu sidoo kale taageero siinayaa Isuduwaha Goobta/Field Coordinator, waxaana uu la wareegayaa ama taageerayaa, hawlaha goobta ka socda haddii Isuduwaha Goobtu uu muddo dheer maqan yahay.

Shuruudaha shaqo-qorista:

  • Waa in uu haystaa shahaado/diblooma dhakhtar caafimaad (iyo in uu ku jiro diiwaanka dhakhaatiirta ee qaranka haddiiba uu jiro).
  • 2 sano oo waayo-aragnimo dhakhtar caafimaad (in la xaqiijiyo kartida farsamo).
  • 1 sano oo waayo-aragnimo dhakhtar caafimaad ah oo mas’uul ka yahay waax (ward) cusbitaal ka mid ah.
  • Waayo-aragnimo ugu yaraan 1 sano ah oo uu la soo shaqeeyey MSF (ama waayo-aragnimo 2 sano ah oo uu ka soo shaqeeyey hay’ad aan MSF ahayn).
  • Af-Soomaali iyo Ingiriisi Wanaagsan (qoraal iyo hadalba) ayaa la doorbidayaa.
  • Waa in uu leeyahay awood hoggaamineed iyo mid maareyn
  • Waa in uu leeyahay xirfado iskuduwidda/nidaaminta

 Tayada shakhsi ah:

  • Waa in uu leeyahay diblomaasiyad iyo sir ilaalin.
  • Waa in uu ixtiraamaa anshaxa caafimaadka.
  • Waa in uu leeyahay xirmado wargudbineed iyo nidaamsanaan.
  • Waa inuu oggol yahay isbeddelada iyo xisaabtamidda.
  • Waa in uu yahay qof firfircoon.
  • Waa in uu ka shaqeyn karaa deegaan dhaqamo kala duwani ay ka jiraan.

Codsiga:

Fadlan e-mail ku soo dir:

  • CV-gaada (Taariikhdaada waxbarasho iyo tan shaqo)
  • Waraaq arji/codsi ah (sida wanaagsan ku qoran Af-Ingiriisi)

Cinwaanka: msfch.som.recruitment@gmail.com

Ujeedda/Subject  email-ka ka dhig: “Application for Medical/ Hospital – Mogadishu”.

Keliya tartamayaasha la soo xulo ayaa lala soo xiriiri doonaa

Human Recourse Coordinator

MSF Switzerland

Somalia Missions

P. O. BOX 25091 -00603, Nairobi.

Qoraalada kale ee ku saabsan Shaqooyin