War Saxaafadeed

08.12.2011 | War-Saxaafadeed

MSF oo wada dadaallo si nabad ah loogu soo dayn lahaa shaqaaliha la afduubay

MSF waxay gudaha dalka Soomaaliya ka heshay warbixino kala duwan oo sheegay in 2 haween oo ajnabi ah kuwaas oo tilmaamtoodu ay u egtahay shaqaalaheedii Kenya laga afduubtey October 13 keedi, in lagu arkey wadooyinka Afgoye (Benadir, Somalia) galabtii axadda ka dibna MSF waxaa ay xiiir la samaysay wakiilo gudaha waxayna codsanaysaa in ay taageero ka hesho dadka gudaha, haddii ay xogtaasi ay tahay mid sax ah, shaqaalaha MSF in ay bad qabaan  oo si fiican loola dhaqmo, kadibna in siidayntoodu la qorsheeyo goor dhaw.

56 malmood ayaa hadda laga jooga tan iyo markii la afduubay Montserrat Serra iyo Blanca Thiebaut xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyagoo gargaar baniaadannimo ku caawinaya qaxootiga Soomaalida ah. Xeryaha Dhadhaab waxay hoy u yihiin 460.000 oo qaxooti Soomaali ah oo dalkooda uga soo cararay gaajo iyo dagaallo.

MSF waxay si joogta ah Soomaaliya uga shaqaynaysay tan iyo 1991. MSF waxay haataan 9 gobol oo koonfurta Soomaaliya ah ka waddaa 14 mashruuc.

Faafahin dheerad ah la xiriir:

Yaxye Daahiye,

Masuulka xiriirka saxaafadda,

+254 733 665 424

msf-press-somalia@msf.org/ yahyas86@gmail.com

Tags: , , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan War-Saxaafadeed