SHAQOOYIN BANNAAN

02.12.2011 | Shaqooyin

MSF-CH waxaa ay raadineysaa tartamayaal qayb ka noqda:

KOOXDEEDA WAX KA QABASHADA ARRIMAHA DEGDEGGA AH

Si ay u taageerto hawlgalladeeda bani’aadamnimo ee Soomaaliya

MSF Switzerland (MSFCH) waa hay’ad caafimaad oo bani’aadamnimo oo gargaar caafimaad siisa dadka u baahan. Waqtigaan, MSFCH waxaa ay mashaariic ka waddaa saddex goobood oo Soomaaliya ka mid ah: Beled Weyne, Diinsoor iyo Muqdisho.

Goobta shaqada: Muqdisho & goobo kale oo laga fulin karo hawsha (Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya) taas oo hadba ku xiran baahiyaha jira.

Taariikhda ay shaqadu bilaabaneyso: Waa ay furan tahay

Nooca qandaraaska: Qandaraasyo waqti go’an leh oo ay suuragal tahay in waqti kale lagu daro taas oo hadba ku xiran xaaladda jirta.

Shaqooyinkan:

MSF Swiss waxaa ay raadineysaa shaqaale aqoon iyo waayo-aragnimo leh oo ah:

  • Dhakhtar
    Qalliin
  • Kaalkaaliye Caafimaadka oo ah Occupational Therapist (Nurse  - OT)
  • Kaalkaaliye Caafimaad – Suuxiye (Nurse Anaesthesist)
  • Kaalkaaliye Caafimaad – Jeermis-dile (Nurse – Sterilisation)
  • Kaalkaaliye caaifmaad oo leh xirfad/waayo-aragnimo qalliin


Baaxadda mas’uuliyadaha:

Wax ka qabashada baahiyaha degdegga ah ee degaanka; kaas oo ay u fududdahay in uu marka loo baahdo ku safro waqti kooban. Kooxdan waxaa ay qayb ka noqonaysaa Shaqaalaha Firfircoon ee hay’adda kuwaas oo waayo-aragnimo iyo xirfad u leh hawlahooda kala duwan.

Shuruudaha shaqo-qorista:

  • Diblooma/shahaado jaamacadeed oo la aqoonsan yahay.
  • 2 sano oo waayo-aragnimo caafimaad ah.
  • Waayo-aragnimo uu ka heley cusbitaal mashquulsan (gaar ahaan Wax ka qabta Xaalad Degdeg ah) ayaa wanaagsan in uu qofku leeyahay.
  • Ugu yaraan waayo-aragnimo 1 sano ah oo uu u leeyahay shaqada MSF (ama waayo-aragnimo 2 sano ah oo uu u leeyahay hawl la mid ah tan oo uu MSF bannaankeeda ka soo shaqeeyey).
  • Karti hoggaamineed iyo mid maareyn.
  • Xirfado nidaamsanaan/qabanqaabo wanaagsan.

 

Tayada Shakhsiga:

  • Diblomaasiyad iyo sir-qarin.
  • Ixtiraamka akhlaaqda caaafimaadka.
  • Xirfado wargaarsiineed iyo mid hay’adood oo wanaagsan.
  • Isbeddelka aan dhibsan (flexibility) iyo xisaabtan.
  • Firfircoon oo isbeddelku u fudud yahay.
  • Awood u leh in uu ka shaqeeyo deegaan dhaqamo kala duwan ka jiraan.

 

Codsiga:

Fadlan soo dir:

  • Taariikhdaada waxbarasho iyo tan shaqo (CV)
  • Waraaq codsi ah (sida wanaagsan ku qoran Af-Ingiriisi);

Kuna soo dir cinwaanka maareeyaha Shaqaalaha ee ah e-mailkan: msfch.som.recruitment@gmail.com

Ujeeddada/Subject email-ka ka dhig: “Application for the Emergency response
team
”.

 

Keliya tartamayaasha loo soo xulo in wareysi lala yeesho ayaa lala
xiriiri doonaa.

Tags: , , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Shaqooyin