Hay’adaha Bani’aadamnimada oo dhalleeceeyey isku-qasidda ajendayaasha kala duwan ee dagaalka Soomaaliya

01.12.2011 | Dhacdooyinka, Qeybta Guud, Taakulada Soomaalida

Qoxooti Soomaali ah oo ku sugan xerada Dhagaxley ee Dhadhaab © Yahya Dahiye/MSF

Waxaa qorey Joe Belliveau

Maahmaah Afrikaan ah ayaa oraneysa, “Marka ay laba maroodi dagaallamaan, cawska ayaa ay dhibaatadu soo gaartaa.” Dalka Soomaaliya, iyada oo dagaalku mar kale si sii kordheysa u yeelanayo tilmaamo caalami ah, ayaa dhinacyada dagaallamaya ay wax u dhimayaan dadaallada bani’aadamnimada iyaga oo isku qasaya ajendayaasha kala duwan, taas oo ah mid halisteeda leh.

Dhibaatooyinka bani’aadamnimada ee Soomaaliya ayaa weli ah mid ka mid ah kuwa xun, haddiiba aanu ahayn tan, ugu xun dunida oo dhan. Xaaladda ayaa ah mid degdeg ah oo aad u ballaaran oo ku sifoowdey cudurro dillaaca, barokac ballaaran iyo cunto yaraan badan oo sababtey nafaqo-xumo ba’an, kuwaas oo ka dhacay meel aanu ka jirin nidaam daryeel caafimaad oo shaqeeya oo ay wax badanna ka dhimman yihiin gargaarka degdegga ah.

Dhibaatooyinkan waxaa asal u ah rabshad, ammaan-darro iyo dowlad taabogal ah oo aan jirin. Markaa la yaab ma laha in xalalka la soo jeediyey si wax looga qabto dhibaatooyinka ay noqdeen boorso ay ku wada jiraan gargaar bani’aadamnimo oo la kordhiyey iyo arrimo
siyaasadeed oo kala duwan oo ay ka mid tahay adeegsiga xoog mileteri. Toddobaaddadii iyo bilihii la soo dhaafey, hawlgal mileteri oo ay sameeyeen xoogag ajnebi ah ayaa lagu dhaqaaqey. Marka laga soo tago xoogagga Midowga Afrika, iyo maliishiyaad kala duwan oo Soomaali ah oo ay taageeraan Itoobiya iyo xoogag kale oo caalami ah, ciidanka Kenya ayaa hadda si weyn ugu lug leh iskahorimaadka
ka dhacaya gudaha Soomaaliya isaga oo ka soo horjeeda Al Shabaab. Ujeeddada la sheegey in laga leeyahay dagaalkan, waxaa ay u dhowdahay tan Itoobiya ay sheegtey, waana in meesha laga saaro halista Al Shabaab iyo in deegaan ammaan ah laga abuuro Soomaaliya si looga hortago qulqulka qaxootiga soo gelaya dalkeeda.

Haddii la soo koobo, ujeeddooyinka laga leeyahay waa ammaan iyo degganaan la helo. Taas beddelkeeda, hadafka hawlaha bani’aadamnimada laga leeyahay waa in la gaaro dadka u baahan gargaarka iyo in la siiyo gargaar degdeg ah oo nafaha lagu badbaadiyo. Ujeeddooyinkan, ama haddii si ka saxsan loo sheego hababka loo adeegsanayo in lagu gaaro dadka, si habboon isulama jaanqaadayaan. Kooxda gargaarka caafimaadka ee caalamiga ah Médecins Sans Frontières waxaa ay gargaar degdeg ah si joogtada ah Soomaalida u
siinayeen tan iyo sanadkii 1991, iyaga oo ka shaqeynayey dhammaan dhinacyada kala duwan ee furimaha dagaalka oo ku wareegaaleysaneyey dalka sanado badan. Si aan u gaarno dadka u baahan gargaarka, waxaa aan mar walba ilaalinnaa
dhexdhexaadnimadeenna iyo madax-bannaanideena. Gargaarka bani’aadamnimada waa in uu shaqeeyaa, waana in la arkaa shaqadiisa, isaga oo gebi ahaanba ka madax bannaan xoogagga mileteri iyo dowladaha taageeraya.

Ujeeddadan daraaddeed, ayaan MSF u taageereynin tallaabo mileteri oo laga qaado Soomaaliya si loo fududeeyo waxqabadka bani’aadamnimada, sidoo kalena ma oggola in tallaabo mileteri la qaado iyada oo marmarsiiyo laga dhiganayo arrimo bani’aadamnimo.

MSF ma qiimeyneyso sharcinimada tallaabada mileteri, laakiin ma rumeysna in marka horeba xoog la adeegsado – tusaale ahaan, in xoog loo adeegsado in la abuuro goobo ama degaanno ammaan ah oo laga fuliyo hawlaha bani’aadamnimada, sida ay dhowaan soo jeediyeen qaar ka mid ah dowladaha gobolka – uu ammaan u kordhinayo hawlaha bani’aadamnimada ama dadka ay doonayaan in ay gargaaraan.

Arrintan horey uguma shaqeyn Soomaaliya, waxaan taas daliil cad u ah tii dhacdey waqtigii Hawlgalkii Rajo-soo-celinta sanadkii 1993, markaas oo xoog u adeegsashada gaarsiinta gargaarka bani’aadamnimada ay ka dhalatey in ay korodho nabadgelyo-xumada iyo
in ay ka sii darto xaaladda bani’aadamnimada ee sanadihii xigey. Mana muuqato in taasi ay hadda shaqeyneyso. Taas beddelkeeda, abuuritaanka deegaanno ammaan ah waxaa ay u badan tahay in ay soo jiidato nabadgelyo-xumo iyo in kuwa ammaanka doonaya ee jooga goobaha noocaas ah ay halis u galaan in loo arko in ay dhinac u xaqliyaan sidaa daraaddeedna ay bartilmaameedsadaan mucaaradka.

Intaa waxaa dheer, falka mileteri ee lagu abuurayo ammaan ayaa si fudud u khaldami kara, kaas oo dadka rayidka ah dhexda u gelin kara dagaalka sidii dhowaan ku dhacdey meel u dhow xero barakacayaal ay ku jireen oo ku taalla Jilib markii duqeyn dhinaca cirka ah ay
sababtey dhaawaca iyo dhimashada dad ka badan 50 qof oo barokacaayaal rayid ah.

In luqad bani’aadamnimo loogu qiil-sameeyo tallaabo mileteri waa mid dhibaatadeeda leh maaddaama ay shaki gelineyso hawlaha hay’adaha u go’doomey bixinta gargaarka bani’aadamnimada oo keliya. Haddii aan xusno, sida uu yiri afyeen ciidamada mileteriga Kenya
dhowaan u hadley, isaga oo ka warramaya hawlgalka mileteri ee Soomaaliya waxaa uu sheegey in qayb ahaan looga danleeyahay “in ururrada gargaarka ee caalamiga ah loo fududeeyo in ay gaaraan goobaha la xoreeyey”; taasna waxaa ay faham khaldan ka bixineysaa in ururrada gargaarku ay u xagliyaan xoogagga dagaalka wada.

Hababka keliya ee taabogalka ah ee hay’adaha bani’aadamnimadu ay ku helayaan gaaritaanka dadku waa wadahadal, waxaana
wadahadalka sal u ah is-aaminaad. Haddii ujeeddooyinkeenna, ka hay’ado bani’aadamnimo ahaan, ay su’aali ka timaaddo waxaa is dhimeysa awoodda aan u leenahay wadahadalka.

MSF oggolaansho uma haysato gaarista dhammaan meelaha ay dhibaatooyinka ka jiraan ee Soomaaliya. Waxaa ay hawlahooda waddaa 14 mashruuc oo ay ku leedahay Koonfurta iyo Bartamah Soomaaliya marka laga soo tago barnaamijyo ballaaran oo ay ka waddo xerooyinka
qaxootiga Soomaalida ee Itoobiya iyo Kenya, laakiin waxaa jira meelo ay baahiyo badan ay ka jiraan oo aan lagu guuleysan wadahadalladii lagu doonayey in lagu gaaro goobahaa. Waa in aanan nafaheenna ku khiyaamin in wadahadal aan gargaarka bani’aadamnimada ku gaarsiin karno meel kasta oo ay baahi ka jirto oo ka mid ah Soomaaliya, laakiin dagaal lagu qaado magaca bani’aadamnimada waxaa uu sii
adkeynayaa in la gaaro ujeeddadaas. (AKHRI: Wham: Winning hearts and minds in Somalia)

Dhibaatooyinka Soomaaliya waa ka dheer yihiin kuwo dhammaadey. Iyada oo boqollaal kun oo qof ay weli aad ugu nugul yihiin gaajo, cudur iyo rabshad, haddana waa muhiim in dhammaan qaybaha kala duwan ay dadaal kasta oo suuragal ah– marka laga reebo xoog mileteri – ku bixiyaan fududeynta gargaarka bani’aadamnimada.

Tani waxaa uu macnaheedu yahay in dalalka deriska la ah ay xuduuddahooda u furaan ayna gargaar siiyaan kuwa magangelyada doonaya, iyo in gaaritaanka dadka lagu hubiyo gudaha Soomaaliya, iyo in tallaabo mileteri aan loo adeegsan magaca bani’aadamnimada.

Joe Belliveau waa maareeye hawlgallada Médecins Sans Frontières waxaana uu mas’uul ka yahay barnaamijyada laga wado gudaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

(Maqaalkan waxaa markii ugu horreysey lagu daabacay wargeyska the East African)

Tags: , , , , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Dhacdooyinka

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud

Qoraalada kale ee ku saabsan Taakulada Soomaalida