Soomaaliya : dad dhexda u galey cudurro dillaaca, nafaqo-xumo iyo iskahorimaad

14.11.2011 | Dhacdooyinka, Qeybta Guud

© Yahya Dahiye/MSF

Xataa dadweynaha Soomaaliyeed ee muddada silcayey, dhacdooyinkii soo marey sanadkii hore waxaa ay ahaayeen kuwo aad ugu culus. Iskahorimaadkii bilowdey labaatan sano ka hor ayaa weli socda, raadadkii uu reebeyna waxaa uga sii darey abaarta, oo ah mid ka mid ah kuwii ugu xumaa ee ka dhaca dalka. Kumanaan qof ayaa lagu khasbey in ay ka cararaan Soomaaliya, waxaana gargaar bani’aadamnimo ay u soo doonteen xerooyinka qaxootiga ee ku yaalla Kenya iyo Itoobiya. Jadeeco saf-mar ah ayaa faafeysa. Kaabayaal iyo
adeegyo la’aan ayaa sii xumeynaya baylahsanaanta dadka. Toddobaadyadii la soo dhaafey, dadka rayidka ah waxaa soo marey weerar cusub oo dhacay koonfurta Soomaaliya iyo caasimadda Muqdisho.

Waa xaaladdan tan ay Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn/Médecins Sans Frontières (MSF) ay, muddo lix bilood ka yar, ay daryeel caafimaad oo degdeg ah ay ku siiyeen in ka badan 10,000 carruur ay nafaqo-xumo ba’an ay hayso ah oo la keeney xarumahooda. MSF waxaa ay mashruuc ku leedahay waqooyiga Kenya (inta badan Dhadhaab), bariga Itoobiya (xerooyinka qaxootiga ee Malkadida, Kobe, Boqolmaanyo, Hilleweyn, Doolow Addo) iyo guud ahaan koonfurta-bartamaha Soomaaliya lafteeda, Mareerrey, Beled Weyne, Diinsoor, Muqdisho, Jowhar, Guri Ceel iyo Gaalkacyo. MSF waxaa ay sidoo kale 54,000 carruur ah ku qaabishey barnaamijyada quudinta bukaan-socodka ay nafaqo-xumada ba’an hayso ee ku yaalla in ka badan 30 goobood oo ka mid ah saddexdaan dal.

Isla waqtigaan, kooxaha MSF waxaa ay la dagaallamayeen jadeeco iyo nafaqo-xumo is-biirsadey, oo gaar ahaan saameyn ku yeesha carruurta. Qayb ballaaran oo ka mid ah dadka lagama tallaalin – jadeecada ama cudur kale midna – sanado badan oo degganaansho la’aan jirtey daraaddeed, waxaana maqnaanshaha dowlad taabogal ah iyo qaran shaqeynaya ka dhashey in uu burburo nidaamkii daryeelka caafimaadka. Jadeecada, ayaa haddii aan la daaweyn, layn karta carruurta.

Kooxaha MSF waxaa ay in ka badan 150,000 qof ay gudaha iyo hareeraha Soomaaliya ay sanadkan uga tallaaleen jadeeco, waxaana ay
bukaanno 5,000 ka badan ay uga daaweeyeen cudurkaa. Haseyeeshee, weli wax badan oo loo baahan yahay in la qabto ayaa weli harsan. Dadaallada tallaalka ayaa loo baahan yahay in kor loo qaado Muqdisho, oo mowjado dad ahi ay iyaga oo gargaar doon ah weli imanayaan. Qaybo ka mid ah dalka, ayaa gaaritaanku uu si aad ah u xaddiddey joogista kooxo hubeysan. Kooxaha caafimaadka ayaa aan awoodin in ay
gaaraan dadka halkaa ku nool, xataa haddii ay tahay in ay soo daraaseeyaan xaaladdooda waxaana la ishortaagey ololayaashii ballaarnaa ee tallaalka jadeecada.

Roobabka xooggan ee da’aya ayaa sidoo kale uga sii dari kara xaaladaha carruurta iyo dadka waaweyn ee ku nool xerooyinka cooshadaha ka sameysen ee Muqdisho iyo meelo kaleba ku yaalla. Caasimadda dhexdeeda, ayaa saamiga carruurta qabta cudurrada biyaha ka dhasha – oo uu ka mid yahay shubanku, oo sidoo kale ka-qayb-qaata nafaqo-xumada – haatan uu kor u kacaya. MSF ayaa diyaarineysa in
ay wax ka qabato daacuun ay suuragal tahay in uu dillaacay oo uu saameynta uu ku yeelan karo boqollaal kun oo dad horeyba ay nafaqo-xumo u haysey oo ku nool xaalado ay dadku is dul tuban yihiin ay noqon karto mid aad u xun oo baa’ba keenta.

Dhammaan waxyaabahan waxaa ay dhacayaan iyaga oo ay jiraan nabadgelyo-xumo iyo dagaal, oo ay dadka Soomaaliyeed ay weli
dhibta ugu weyn ka soo gaareyso. 30kii Oktoobar, MSF waxaa ay 52 qof oo dhaawac ah – oo ay ka mid ahaayeen 31 carruur ah – ay ku daaweysey magaalada koonfurta ku taalla ee Jilib, ka dib markii weerar la qaadey uu dhaawacyo ka soo gaareey dad rayid ah oo barokacayaasha ka mid ah. Toban maalmood ka hor, kooxaha MSF ee Dayniile, oo ku taalla daafaha Muqdisho, waxaa ay 82 bukaan ka daaweeyeen dhaawacyo xabadeed iyo kuwo qarax, waxaana ay ku khasbanaadeen in ay laalaan ololihii tallaalka jadeecada ee hay’addu halkaa ka waddey. Haseyeeshee, kumanaan qof oo ay soo barokiciyeen iskahorimaadka iyo abaarta ayaa weli imanaya Muqdisho.

Sanado badan, ayaa Soomaalidu ay ka gudbayeen xuduudda si ay qaxootinimo ugu tagaan dalka deriska la ah ee Kenya iyada oo halkii ugu sarreysey abid ay gaareen bishii Juunyo 2011 markaas oo in ka badan 40,000 qof ay halkaa degayeen bil kasta. MSF oo xerada joogta tan iyo 2009kii waxaa ay daryeel caafimaad oo ballaaran ay siineysaa dadka ku nool xerada Dhagaxleey. Xerada Ifo, ayaa ay khasab noqotey in hawlaha la joojiyo ka dib markii la af-duubey labo shaqaalaha MSF ka mid ah 13kii Oktoobar. Dhagaxleey, ayaa nabadgelyo-xumadu ay ku khasabtey in MSF ay muddo kooban ay hoos u dhigto waxqabadyadii kuwaas oo hadda badanaya. Dagaalka ka socda koonfurta Soomaaliya iyo xuduudda Kenya iyo roobabkan xooggan iyo fatahaadaha ayaa yareeyey tirada dadka u imanaya maamulka xerada Dhadhaab. Isla muddadaan, ayaa tirada dadka u cararaua Itoobiya ay kordhayaan.

Lixdaan bilood ee u dambeeyey, ayaa dadaallada degdegga ah ee ururka ay adkaatey in loo tarjumo waxqabyo la taaban karo oo la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed, sababtuna waa nabadgelyo-xumo ka jirta dalka gudihiisa iyo xuduudaha, iyo sidoo kale xannibaadaha saaran hawlgallada MSF ee qaybo ka tirsan Soomaaliya. In kasta oo ay arrintan jirto, haddana MSF waxaa ay weli awooddey in ay kor u qaaddo waxqabadyadeeda ayna furto mashaariic, marka laga soo tago sagaalka tas-hiilkaadka caafimaad ee horeba ay ugu waddey koonfurta-bartamaha Soomaaliya, taas oo keentey in ay noqoto tan ugu weyn ee daryeel caafimaad oo lacag la’aan ay ku bixiso gobolka.

Tags: , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Dhacdooyinka

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud