ITOOBIYA: TIRADA SII BADANEYSA EE QAXOOTIGA SOOMAALIDA AH WAXAA AY U BAAHAN TAHAY IN LA KORDHIYO AWOODDA LOO LEEYAAHAY WAXQABADKA

02.11.2011 | Qeybta Guud

DOOLOW ADDO, Nofembar 2, 2011. Haddii aan si degdeg ah kor loogu qaadin kartida loo leeyahay gargaar-bixinta, dhibaatooyin aan yareyn ayaa lagala kulmayaa  wax ka qabashada baahiyaha dadka Soomaalida ah ee u soo cararaya Itoobiya, ururka caalamiga ah ee caafimaadka bani’aadamnimada Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa sidaa sheegey maanta.

“Xaaladda degdegga ah weli fari kama qodna,” ayaa ay tiri MSF.

Heerarka nafaqo-xumada iyo geeriada ee xerooyinka qaxootiga ee ku yaalla koonfurta Itoobiyaha ayaa hadda uun hoos uga soo dhacey heerka ay gaaraan marka ay dhibaatooyinku jiraan. “Waqtigaan, awoodda loo leeyahay in la qaabilo dad kale iyo in la bixiyo cunto, daryeel nafaqo, daryeel caafimaad, biyo la cabbo, fayadhowr iyo waxyaabo kale  ayaa ah mid aad uga yar inta loo baahan yahay,” ayaa uu yiri Wojciech Asztabski, oo ah Isuduwaha Mashruuca MSF ee Doolow Addo.

Xerooyinka waxaa hadda ku nool ilaa 130,000 qof oo qaxooti Soomaaliya ka yimid ah, kuwaas oo badidoodu ay ka soo cararayaan dhibaatooyin cunto iyo iskahorimaad. Toddobaaddadii la soo dhaafey tirada dadka qaxootiga ah ee xuduudda uga soo gudbaya dhinaca Itoobiya waa ay sii badatey oo waxaa ay gaartey ku dhowaad 300 qof maalintii, tirooyinkaan oo ah kuwo aan la arkin tan iyo bishii Luuliyo.

Tirada qaxootiga ee sii kordheysa waxaa ay tilmaameysaa in dadka Soomaaliya ku nool ay weli yihiin kuwo nugul. Ku dhowaad dhammaan qaxtoogia ka yimid Soomaaliya waxaa ay sheegayaan in ay halkaa uga soo tageen cunto la’aan ba’an oo jirta oo ay weheliso nabadgelyo-xumo sii badaneysa.

“Ma rabin in aan ka soo tago Soomaaliya, laakiin baahida iyo dagaalka ayaa noloshii ciriiri geliyey,” ayaa ay tiri hooyo 39 sano jir ah oo dhowaan timid. “Ninkeyga iyo hooyadey weli Soomaaliya ayaa ya jiraan, ma haysan lacag nagu filan oo aan ku soo wada safarno, sidaa daraaddeed keligeey ayaa soo kaxeeyey afartaan carruurta ah. Gaari-dameer ayaan ku soo safreyney toddoba maalmood iyo toddoba habeen. Hadda wiilkeyga aad buu u daciifey, wax ma cuni karo maalin kastana waxaa uu u sii eg yahay mid sidii hore ka sii liita.”

MSF, oo kaashaneysa maamulka iyo ururro kale, ayaa xerooyinka qaxootiga kaalmeyneysey tan iyo 2009kii. Laga soo bilaabo bishii Maajo ee la soo dhaafey, MSF waxaa ay si weyn kor ugu qaaddey barnaamijyadeeda si ay u sii wanaajiyo xaaladda ayna heerarka dhimashada ka hoos mariso heerka ugu hooseeya ee ay gaaraan marka ay jiraan xaaladaha degdegga ah, laakiin ururku waxaa uu ka digey in xaaladda degdegga ah aaney weli fari ka qodneyn.

“Waa in aan ku xisaabtannaa kumanaan qof oo kale oo toddobaadda soo socda ka soo gudbaya xuduudda,” ayuu hadalkiisa raaciyey Mudane Asztabski. “Waxaa dhaqso u buuxsamaya xarunta qaabilaadda iyo xerada ku sii hakashada, ee ay dadku sii joogaan ilaa laga dejiyo mid ka mid ah xerooyinka qaxootiga.” Xerada ku sii hakashada waxaa hadda ku jira  dad ka badan 6000 qof, tiradaas oo la filayo in ay kumanaan kale ku darsamaan toddobaad kasta oo ka mid ah toddobaaddada soo socda. “Ma jiraan musqulo dad ku filan, hoy dad filan ama biyo la cabbo oo dad ku filan. Awood dheeri ah ayaa looga baahan yahay halkaan, oo weliba degdeg ayaana loogu baahan yahay,” ayaa uu hadalkiisa ku sii darey Mudane Asztabski.

Xerooyinka qaxootiga ee hadda jira ee dadka u sii gudbaan marka ay ka tagaan xarunta ku sii hakashada ayaa hadda buuxa, oo xarunta qaabilaadda iyo xerada ku sii hakashadana uma habeysna qaab ay ku qaabili karaan dad muddo dheer sii jooga. MSF ayaa ka sii digtey in hoyga, iyo biyaha iyo fayadhowrka aan dadka ku fileyn ay sii jilcinayaan dadkii horeba u liitey.

“Meeshan waan ku jiraneynaa,” ayaa uu yiri qof kale oo qaxooti ah oo ku jira xerada ay dadku ku sii hakadaan.
“Waxaan halkaan joognaa 14 maalmood, halkaan nabadgely ayaa ka jirta, laakiin ma haysanno meel aan seexanno. Teendhooyinka waa ku ciriiri dadka. Carruurta iyo haweenka waa ay ka nugul yihiin ragga, sidaa daraaddeed waa ay ku xanuunsadaan halkaan.”

MSF waxaa ay diyaar u tahay in ay muddo dheer bixiso gargaar nafaha lagu badbaadiyo, waxaana ay maamulka Itoobiya ugu baaqeysaa in ay fududeeyaan soo-dhoofinta daawooyinka iyo qalabka/alaabada kale ee loo baahan yahay, iyo in ay u oggolaadaan shaqaalaha caalamiga ah ee khibradda leh in ay bixiyaan taageerada loo baahan yahay.

Waxaa sidoo kale degdeg loogu baahan yahay in hay’adaha kale ay iyaguna awooddooda kor u qaadaan. Xero cusub ayaa la qorsheynayaa in la dhammeystiro lana furo muddo toddobaadyo gudahooda ah. Xaaladdu marka ay sidaan tahay, MSF waxaa ay ku baaqeysaa in dadaal weyn lagu bixiyo in xeradaan ay diyaar noqoto goor hore si sida ugu dhaqsaha badan culeyska looga yareeyo xerada ay dadku ku sii hagadaan.

Abaarta saameysey Geeska Afrika waxaa ay raad weyn ku yeelatey dadka Soomaaliya, oo horeyba ula silcayey 20 sano oo uu dalka ka jireen dagaallo, horumar la’aan iyo adeegyada aasaasiga ah oo aaney haysan. MSF waxaa ay si aan kala joogsi lahayn uga shaqeysneysey Soomaaliya tan iyo 1991kii waxaana ay kooxaheenna ay dadka ku gargaaraan gudaha Soomaaliya iyo sidoo kale xerooyinka qaxootiga ee ku yaalla Itoobiya iyo Kenya. MSF waxaa ay hadda in ka badan 22,000 carruur nugul ah ku daaweyneysaa barnaamijyadeeda nafaqada. In kasta oo ay culeysyo waaweyn haystaan, haddana kooxana MSF waxaa ay ilaa hadda dad ka badan 126,000 qof ka tallaaleen cudurka jadeecada. 

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud