La-dagaallanka Jadeecada ee Soomaaliya – oo noqotey arrin culus

03.10.2011 | Qeybta Guud, Taakulada Soomaalida

© MSF Shaqaale MSF oo caruur ka baaray macluul, xero ku taala bartamaha Muqdishohu

Jadeeco. Waxaa ay ku bilaabataa qandho, sanka oo duuf ka socdo iyo qufac. Ka dibna shubaax jirka ka soo baxda.
Carruurta aan la tallaalinse tani waxaa ay ku noqotaa masiibo. Maanta, Soomaaliya gudaheeda jadeecadu waxaa ay ka mid tahay halisaha ugu waaweyn ee ku timaadda badbaadada tobannaan kun oo carruur nafaqo-xumo ay hayso oo jilicsan ah marka uu cudurku si degdeg ah u dhex jibaaxo xerooyinka barokacayaasha ee dadku ku badan yihiin halkaas oo heerarka nafaqo-xumadu ay sarreeyaan oo uu difaaca jirkuna hooseeyo.

Meerto kala duwan

Soomaaliya gudaheeda ayaa ururka Médecins Sans Frontières/Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) waxaa uu ka wadaa 13 barnaamijyo caafimaad-nafaqo ah. Ilaa 5,500 carruur ay nafaqo-xumo hayso ah ayaa quudin-ku-daweyn loo sameynayaa halka ku dhowaad 500 carruur ahi oo ay la silcaya dhibaatooyin caafimaad oo ugu darsamey nafaqo-xumada haysata, lagu dabiibayo siddeed Xarumaha Quudin-ku-daweynta  Degdegga ah. “Jadeecadu waa cudur hawada soo raaca waxaana xaaladaha dadku ay is-dul-tuban yihiin ee xerooyinka ka jira ay u abuurayaan dhammaan waxyaabihii uu cudurku u baahnaa si uu u faafo. Carruurta ay nafaqo-xumadu hayso ee shan sano jirka ka yar ayaa ah kuwa halista ugu weyn ku jira. Waxaa ay dhexda u galaan meerto arxan-daran oo jadeeco iyo nafaqo-xumo ay baabi’inayaan difaaca jirkooda tabarta daran taas oo u sii dhiibeysa cudurro sida oof-wareen iyo shuban ah. arrinta muhiimadda koowaad leh marka ay jiraan xaaladaha noocan ah ee degdegg ah waa in dadka laga tallaalo jadeecada iyo in si degdeg ah loo daweeyo xaaladaha cudurka ee la soo ogaan karo,” ayaa ay tiri Dr Susan Shepherd oo ah khabiiradda nafaqada ee MSF.

Dad tiro badan oo ay ku dhacdey jadeeco

Mashaariicda MSF ee guud ahaan Soomaaliya ka hawlgala ayaa ogaadey in ay si weyn u kordhayaan xaaladaha jadeecada, iyada oo 3,049 xaaladood la arkey tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkan, waxaana jirta in cudurku uu muuqata u kordhayey ka hor intii aaney
dhibaatooyinka nafaqada la xiriira billaaban. Muddadii u dhaxaysey Maajo iyo Sebtembar ayaa 2,132 xaaladood lagu soo warramey – taas oo ah in muddo afar bilood oo keliya ah ay asiibtey 70% dadkii ay sanadkaas oo dhan ku dhacdey.

Degmada Hodon, oo MSF ay ku leedahay mid ka mid ah Xarumaha Quudin-ku-daweynta Degdegga ah ee Muqdisho ku yaalla, ayaa in ka badan 50% carruurta ay nafaqo-xumadu hayso ee halkaa lagu daryeeley ay sidoo kale qabeen jadeeco. Carruurtan ayaa gooni looga soocay carruurta kale ee ku jirta waaxdaas si looga hortago in uu cudurku faafo.

Kooxaha MSF ee koonfurta Soomaaliya ka hawlgala ayaa sidoo kale arkey jadeeco ka dillaacdey Mareerrey halkaas oo ay ka shaqeynayaan in ay daweeyaan ayna xakameeyaan faafidda cudurka iyada oo dhammaan mashaariicda MSF ee Muqdisho – haddii ay yihiin barnaamijyada quudin-ku-daweyn ama adeegyada bukaan-socodka, ay soo sheegeen xaalado cudurka jadeecada ah. MSF waxaa muhiim
u ah in marka ugu horreysa ee kooxaha dadka goobahooda ugu taga oo soo ogaada bukaannada qaba calaamadaha jadeecada ay la kulmaan bukaannadaas si degdeg loogu gudbiyo meelaha lagu daweeyo taas oo hadafka laga leeyahayna ay tahay in laga hortago cudurro kale oo u sii kordha sida cudurrada neef-mareenka.

Wixii ay Soomaaliya ka dhaxashey dagaalka, khilaafaadka sokeeye, horumar la’aan iyo nidaamkii caafimaadka ee burburey uu yahay in heerka tallaalka joogtada ee dadka la gaarsiiyo uu aad u hooseeyo – Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegey in uu yahay ilaa 30%. Arrintan ayaa ah mid welwel gaar ah leh maaddaama tas-hiilaadka MSF ay jadeeco ka daweynayaan carruur roonroon iyo sidoo kale dad waaweyn, marka ay soo helaan kooxaha dadka goobahooda ugu taga.

Joojinta jadeecadu – waa adag tahay laakiin waa mid la sameyn karo

MSF waxaa ay horeyba in ka badan 50,000 oo carruur ah uga tallaashey jadeecada tan iyo bishii Luuliyo ee sanadkan in kasta oo ay jireen
dhibaaatooyin, caqabado iyo welwello laga qabey ammaanka shaqaalaha caafimaadka, badanaaba iyada oo loo marayo waxqabadyada dadka goobahooda loogu tago iyo tallaalo baaxaddoodu yar tahay.

Fulinta tallaal baaxad weyn, oo ah habka ugu wanaagsan ee loola dagaallamo cudur dillaaca, ma ahan mid ay fududdahay in laga fuliyo
deegaan aan ammaan jirin sida Soomaaliya oo kale. Dhowr kooxaha tallaalka ah ayaa loo baahan yahay waxaana kooxda tallaalku ay caadi ahaan ka kooban tahay ilaa 10 qof oo loo baahan yahay in shaqada loo soo qoro, loo tababaro, loo qalabeeyo lana geeyo goobihii ay ka hawgeli lahaayeen, taas oo macnaheedu yahay in loo baahan yahay taageero badan oo dhinaca adeegga ah – oo ay ka mid yihiin
qaboojiyeyaasha aadka muhiimka ugu ah hawshan.

In maanta hawshan laga fuliyo Soomaaliya waa mid adag. MSF waxaa ay ku khasbaneyd in ay gorgortan waqti badan qaata ay
la yeelato hoggaamiyeyaasha, maamullada degaanka iyo xataa kooxo hubeysan, oo gacanta ku haya qaybo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, si ay u oggolaadaan ololayaasha tallaalka oo badbaadin kara kumanaan nafood. Laakiin arrintu halkaa kuma dhammaaneyso. Gorgortannada ayaa marar badan ku saabsan waxyaabo fudud sida shaqaaleynta dadka iyo kireysashada baabuurta ee mid ka mid ah meelaha ugu adag dunida oo dhan oo la gaarsiiyo gargaar caafimaad oo bani’aadamnimo.

MSF waxaa ay si joogto ah uga shaqeyneysey Soomaaliya tan iyo 1991gii waxaana ay hadda daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah ku
bixisaa siddeed gobol. In ka badan 1,400 shaqaale Soomaali ah, oo ay taageerayaan ku dhowaad 100 shaqaale oo Nayroobi jooga, ayaa daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, qalliin, daaweynta nafaqo-xumada, iyo sidoo kale taageero la siiyo dadka soo barokacay taas oo ah daryeel caafimaad, biyo la siiyo iyo agabka caafimaadka oo loo qaybiyo oo lacag la’aan ah ku bixisaa sagaal goobood oo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku yaalla. MSF waxaa ay sidoo kale daryeel caafimaad ay siineysaa qaxootiga Soomaalida ah ee jooga Kenya iyo Itoobiya.

Tags: , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud

Qoraalada kale ee ku saabsan Taakulada Soomaalida