Hawsha MSF ee Soomaaliya – Tiiriikh Waqtiyeysan

12.10.2011 | Qeybta Guud

Wararka Gudaha


Sebtembar 6, 2011

MSF waxaa markii ugu horreysey ay Soomaaliya shaqo ka bilowdey sanadkii 1979kii  waxaana marka laga reebo waqtiyo kooban ay si
joogto ah ugu sugneyd dalka laga soo bilaabo sanadkii 1991dii, markaas oo uu qarxay dagaal sokeeye ka dib markii la ridey keligii taliyihii
dalka xukumi jirey, Siyaad Barre. MSF dhowr meelood ayaa ay ka soo shaqeysey: Baydhabo, Diinsoor, Xuddur, Jamaame, Jowhar, Kismaayo, Mareerrey, iyo caasimadda Muqdisho, oo ku yaalla koonfurta; Gaalkacyo iyo Guri Ceel oo ku yaalla degaannada waqooyiga-bartamaha; iyo Balad Weyne oo ku yaalla Bartamaha Soomaaliya. Kooxaha MSF ayaa mashaariidooda wax kaga qabtey dhibaatooyin badan oo kala duwan, iyaga oo si gaar ah diiradda u saarey nafaqada, daryeelka degdegga ah ee dadka ku dhaawacmey iskahorimaadka, daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, iyo daaweynta cudurrada faafa, ee ay ka mid yihiin daacuunka, jadeecada, kala azar,iyo
qaaxada
(TB).

Nabadgelyada ayaa ah oo weligeedna ahayd arrin ay welwel weyn ka qabaan kooxaha ka shaqeeya Soomaaliya oo ilaa hadda ah halka keliya ee MSF ay shaqaaleysatey ilaaliyeyaal hubeysan si ay ammaankeeda u sugaan. In mashruuc laga bilaabo meel ka mid ah Soomaaliya
waxaa ay u baahan tahay waqti, dul-qaad, tamar, iyo gorgorton aad u badan. Xataa ka dib marka uu hirgalo mashruuc, in kasta oo, halisaha ammaan ee jira ay weli xakameeyaan gaaritaanka ay kooxuhu gaarayaan qeybaha kala duwan ee dadka – ayaa si sidaas la mid ah waxa kaloo u xakameeya tallaabooyinka sharci-darrada ah ee ay mararka qaar kuwa khilaafka ku lug leh ay shaqaalaha caafimaadka iyo
bukaannadii imaan lahaa ay ku kala hor istaagaan. Caqabadahaan ayaa door weyn ku leh go’aanka laga gaarayo ballaarnaanta iyo nooca hawlgallada MSF ay joogteyn karto iyo awoodda uu ururku u lahaanayo in uu wax ka qabto xaaladaha degdegga ah.

Caqabadaha nabadgelyada la xiriira ayaa dhab ahaantii qayb weyn ka ahaa mar kasta oo MSF ay xirtey mid ka mid ah mashaariicdeeda ay ka waddey Soomaaliya. Tusaale ahaan markii ay MSF laashey mashaariic nafaqo oo la aasaasey markii ay jirtey macaluushii 1992dii,
waxaa qayb ahaan sabab u ahaa in xaaladdaas degdegga ah ee nafaqo ay yaraatey. Laakiin waxaa sidoo kale la xaqiiqsadey in halista kooxaha hawsha wadey haysatey ay aad u sarreysey marka lagu xisaabtamo natiijada ay awoodi kareen in ay soo hooyaan. Sidaa si la mid ah, dhowr mashruuc oo kale ayaa loo xirey xaaladaha ammaan ee ka sii darey daraaddood iyo isbeddel siyaasadeed oo degaankaa
ka dhacay oo ka dhigey mid aan suuragal ahayn in la hubiyo helidda degaan bani’aadamnimo oo la aqbali karo kaas oo waxqabadyo lagu fulin karo. Dhaqdhaqaaqa ayaa aad u koobnaa, gaaritaanka dadka nugul ayaa ahaa mid aan joogto ahayn, waxaana shaqaalaha MSF haystey culeys aad u badan. Mashaariicda qaar ayaa sidoo kale istaagey ka hor intii aan la hirgelin, waxaana caadi ahaan sabab u ahaa in lagu guuleysan waayey wadahadalladii lala lahaa kooxaha degaanka oo aan aqbalin shuruudihii ay codsatey MSF ama soo jeediyey codsiyo MSF u cuntami waayey.

Sanadihii 1979 ilaa1991

MSF waxaa ay shaqo ka bilowdey Soomaaliya iyada oo gargaareysey qaxootigii Itoobiyaanka ahaa, iyada oo markii dambeyna ballaarisey hawlaheeda ayna la soo gudboonaadeen dhibaatooyinkii ugu horreeyey ee dhinaca ammaanka la xiriirey.

Sanadihii 1979-82

MSF waxaa ay bilowdey in ay gargaar siiso qaxootigii ka imaanayey gobolka Ogaadeenya ee bariga Itoobiya ee imaanayey Gobollada ku yaalla bartamaha ee Hiiraan iyo kan ku yaalla koonfurta galbeed ee Gedo ee Soomaaliya. MSF ayaa xirtey hawshii ay Soomaaliya ka haysey
bartamihii 1982dii.

Sanadihii 1985-87

MSF waxaa ay qaxootiga Itoobiyaanka ah ku daaweyneysey magaalada Hargeysa, oo ah caasimadda Somaliland, oo ah gobol ilaa xad madax-bannaan oo ku yaalla waqooyiga. 24kii Jannaayo, 1987, ayaa toban shaqaale caalami ah oo u shaqeynayey ururka lagu
af-duubey Tog Wajaale, oo u dhow Hargeysa, waxaana la haystey muddo laba toddobaad ah ka hor intii aan la sii deynin.

Sanadkii 1989

MSF waxaa ay bilowdey in ay taageerto cusbitaal 120 sariirood qaada oo ku yaalla Boorama laakiin waxaa ay ku khasbanaatey in ay afar bilood ay mashruucaa xirto sababtuna waxa ay ahayd waddooyinkii ka imaanayey Jabuuti oo xirmey mana jirin dayuurado la soo raaci
karey, taas oo macnaheedu ahaa in uu xirmey dhammaan gaadiidkii halkaa tegi jirey.

Sanadkii 1990kii

Iyada oo hay’adahii kale ee caalamiga ahaa ay dalka uga baxayaan nabadgelyo-xumadii ka sii dareysey daraaddeed, ayaa MSF ay timid Muqdisho bishii Disembar iyada oo sahan ah.

Sanadihii 1991 ilaa 1995

Xaaladda ammaanka ayaa si aad ah uga sii dartey ka dib markii ay dhacdey dowladdii Siyaad Barre. Hawlgalkii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNOSOM) iyo Ciidankii Mareykanku Hoggaaminayey ee (UNITAF) ayaa dalka ku yimid hawlgallo bani’aadamnimo iyo mid
nabad-ilaalineed. Isla waqtigaas, macluul baahsaneyd oo jirtey ayaa MSF ku dhalisey in ay xarumo quudineed furto.

 

Sanadkii 1991

Kooxaha MSF ayaa yimid Muqdisho bishii Jannaayo, waqtigaas oo badi hay’adaha kale ay dalka uga baxayeen nabadgelyo-xumo daraaddeed. Barnaamijyadii qalliinka dhaawacyada dagaalka ayaa ka bilowdey dhowr goobood oo ay xukumayeen ciidamadii dowladda iyo kuwii ururkii mucaaradka ahaa ee United Somali Congress (USC): Cusbitaallada Digfeer, SOS Kinder Garden, Madiina, Banaadir, Martini iyo Cusbitaalkii Xoogga.

Ka dib markii marar badan ay hawlaheeda u kala joogsadeen shilal dhinaca ammaanka la xiriira, oo uu ka mid ahaa mid bishii Luuliyo 1991 lagu diley darawal u shaqeynayey MSF, ayaa MSF ay bilowdey in ay shaqaaleysato ilaaliyeyaal hubeysan.

Sanadkii 1992

MSF ayaa bishii Maajo bilowdey olole warbaahineed oo ballaaran– oo uu ka mid ahaa shir saxaafadeed ay ku qabatey Paris – si ay ugu baaqdo in dareen loo lahaado macaluusha ka jirta Soomaaliya. Barnaamijyo nafaqo ayaa laga furey guud ahaan dalka (Berbera,
Kismaayo, Jowhar, Jilib, Marka, Baraawe, Xuddur, Waajid, Baydhabo iyo meelo kale) si loogu daweeyo kumaan carruur ay nafaqo-xumo hayso ah.

Xafiiskii MSF ee Berbera oo ku taalla waqooyi-galbeed iyo mid ka mid ah guryaha MSF oo ku yaalley Kismaayo oo ku taalla koonfurta dalka ayaa labadaba la bililiqeystey.

Bishii Maarso, qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu ahaa 751 ayaa hawlgal kor-joogteyn ah ka abuurey Soomaaliya (UNOSOM).

Bishii Agoosto, MSF ayaa shir saxaafadeed ku qabatey Nayroobi kaas oo ay kaga soo horjeeddey in hawlgallo Nabad-Ilaalineed ay Qaramada Midoobey ka fuliso Soomaaliya. MSF ayaa sheegtey in hawlgalku uu isku-qasayo ujeeddooyinka militeri iyo kuwa bani’aadamnimada.

Xaalad aad u kacsan ayaa ay u ahayd kooxaha MSF ee dhulka joogey waqtigaan; waxaa loo geystey xatooyo, ilaaliye ayaa xabbad lagu dhuftey, waxaana handadaad loo geystey shaqaalaha caalamiga ah. Bishii Nofembar, MSF ayaa hawlihii qalliinka ee Cusbitaalka
Madiina ee Muqdisho ku yaalley u joojisey khilaaf shaqaalaha la xiriirey daraaddii. Bishii Disembar, Qaramada Midoobey ayaa oggolaadey in Ciidamadii Caalamiga ahaa ee Mareykanku Hoggaaminayey (UNITAF) ay tagaan dhulka si ay u soo celiyaan amarka iyo kala dambeynta ayna u ilaaliyaan sahayda gargaarka. Hawlgalkii “Rajo Soo Celinta” ayaa bilowdey.

Sanadkii 1993dii

Bishii Jannaayo, gaari MSF ay leedahay ayaa weerar lagu soo qaadey oo xabadna lagu soo direy isaga oo jooga Muqdisho.

Ciidamadii UNITAF ee Qaramada Midoobey ayaa weerarey xaruntii hay’adda International Action Contre La Faim/Action Against Hunger’s (AICF) ee Muqdisho 17kii Jannaayo, iyada oo halkaa ku diley hal shaqaale oo Soomaali ah dhaawacayna siddeed. Lix
mutawadawiciin caalami ah ayaa markaa ku sugnaa guriga. MSF ayaa soo saartey war saxaafadeed ay ku cambaareyneysey weerarka lagu qaadey xarumaha waxaana ay cabasho rasmi ah u gudbisey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Bishii Febraayo, xarum quudin iyo rug caafimaad oo ay MSF leedahay ayaa lagu bililiqeystey Kismaayo oo ku taalla koonfurta halka baabuur ay MSF lahayd  dhowr jeer lagu weerarey inta u dhaxaysa Baydhabo iyo Muqdisho. Bishii Maarso, askari dalka Australia u dhashey oo ka tirsan UNITAF ayaa ilaaliye MSF u shaqeynayey oo hawlshiisa ku jira ku diley Baydhabo. Bishii Abriil
barnaamijyadii MSF ee Baydhabo ayaa la xirey.

Bishii Maarso, Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu ahaa 814 ayaa oggolaadey in la aasaaso hawlgal ballaaran oo rayid iyo militeri isugu jira oo taageera nabadda (UNOSOM II) si uu u maareeyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Bilihii Maarso iyo Abriil, MSF waxaa ay sameysey dhowr qiimeyn kuwaas oo kaaney in la xiro mashaariicda nafaqada. Xaaladdii degdegga ahayd ee macaluusha ayaa loo tixgeliyey in ay dhammaatey iyo in cunto dad ku filan la helayo. 6dii Juunyo, MSF ayaa go’aansatey in ay xirto barnaamijyadii ay ka waddey caasimadda.

Horraantii Oktoobar, ayaa 18 askar oo Mareykan ah iyo boqollaal dagaalyahanno Soomaali ah lagu diley intii u socdey “dagaalkii Muqdisho” ka dib markii uu guuldarreystey hawlgal la doonayey in lagu soo qabto hoggaamiye qabiil oo mucaarid ahaa oo magaciisu ahaa Maxamed Caydiid. Mareykanka ayaa markaa ka dib ka soo baxay Soomaaliya.

Sanadkii 1994

Daacuun ballaaran ayaa ka dillaacay Soomaaliya. MSF ayaa furtey xarumo lagu daweeyo daacuunka waxaana daryeelka caafimaadka aasaasiga ah iyo ololayaal tallaal ay ka bilowdey Muqdisho.

Hawlgalkii Mareykanka ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyey bishii Maarso.

Sanadihii 1995 ilaa 2006

Ka dib markii ay dalka ka baxdey UNOSOM bishii Maarso 1995, ayaa dareenkii caalamiga ahaa uu ka sii jeestey Soomaaliya. Dadka Soomaaliyeed ayaa la halmaamey, xataa iyaga oo markaa ay haysteen dagaallo goos-goos ah oo u dhexeeyey dagaal-oogayaashii. Midowgii Maxkamadaha Islaamka ayaa si tartiib-tartiib ah saameyn iyo awoodba u yeeshey iyaga oo ay taageereyso Eretriya. Badi NGO-yadii caalamiga ahaa ayaa ka baxay dalka. MSF ayaa go’aansatey in ay ku noqoto dalka laakiin hawshii bani’aadamnimada ayaa si
isa sii tareysey u adkaatey.

Sanadkii 1995

Ka dib markii qof shaqaale gargaar ah lagu afduubey Muqdisho, ayaa shaqaalihii caalamiga ahaa ay badidoodu ka baxeen caasimadda. Kuwii ugu dambeeyey ciidamadii Qaramada Midoobey ayaa ka baxay dalka bishii Maarso.

Bilihii Febraayo iyo Maarso, shaqaalaha MSF ayaa ka jawaabey daacuun ka dillaacay Kismaayo iyo Muqdisho. Bishii Luuliyo iyo wixii ka dambeeyey, MSF waxaa ay hawlaheedii ku ballaarisey Cusbitaalka Kismaayo.

Sanadkii 1996dii

Bishii Jannaayo, MSF waxa ay hawlo caafimaad iyo kuwo nafaqo ka bilowdey cusbitaal 40 sariirood qaada oo ku yaalla magaalada koonfurta dalka ku taalla ee Baardheera waxaana ay sii waddey hawlihii wax ka qabashada daacuunka ee Muqdisho iyo Kismaayo ay ka waddey.

Xaaladda nabadgelyada ayaase weli ahayd mid aan degganeyn. Bishii Nofembar, ayaa dhakhtar MSF u shaqeynayey oo suuxiye ahaa lagu diley Kismaayo muran qabaa’il u dhexeeyey daraaddii.

Laga soo bilaabo Oktoobar ilaa laga soo gaaro Janaayo 1997, jadeeco ayaa ka dillaacdey Muqdisho, waxaana MSF ay fulisey olole tallaal.

Sanadkii 1997dii

Bishii Jannaayo, MSF waxaa ay bilowdey taageeridda cusbitaalka Gaalkacyo oo ku taalla bartamaha Soomaaliya, (oo markii dambe noqotey Dowlad-goboleedda Soomaaliyeed ee Puntland bishii Agoosto 1998). Xaruntii daaweynta daacuunka ee ay MSF ku lahayd Muqdisho ayaa dib loo furey, laakiin shaqaale MSF uga shaqeynayey adeegga (logistics) ayaa bishii Maajo lagu diley Muqdisho.

Bishii Abriil, MSF waxaa ay shaqo ka bilowdey Cusbitaalka Baydhabo, iyada oo taageertey hawlaha qalliinka ka dambeeya iyo kuwa nafaqada iyo bixinta sahayda caafimaadka. Laakiin bishii Juunyo 20keedii, ayaa Dr. Ricardo Marques oo ka tirsanaa MSF lagu diley Cusbitaalka Baydhabo. MSF ayaa markaa ka dib joojisey dhammaan hawlihii ay ka waddey Baydhabo iyo Baardheere.

Bishii Disembar, MSF waxaa ay sahay caafimaad geysey degaamada Jamaame iyo Mareerrey oo ka tirsan Dooxada Jubba ka dib markii fatahaad culus ay meelahaas ka dhacdey. Hawlgalkaa ayaa la soo gabagabeeyey bishii Maarso ee sanadkii xigey.

Sanadkii 1998dii

Muqdisho iyo Kismaayo ayaa labadaba waxaa mar kale ku dhuftey mowjad daacuun ah. MSF waxaa ay xarun lagu daweeyo daacuunka ka furtey Muqdisho waxaana ay daaweysey 3,000 qof. Xaruntii ayaa dhac loo geystey bishii Abriil waxaana la handadey kooxihii halkaa ka shaqeynayey. Dhammaan kooxihii caalamiga ahaa ayaa laga soo daad-gureeyey degaankaa oo ka maqnaa ilaa bishii Sebtembar. Dhowr jeer ayaa sidoo kale shaqaalaha looga soo daad-gureeyey Kismaayo iyo Gaalkacyo sababo ammaanka la xiriira daraaddood.

Sanadkii 1999kii

MSF ayaa ballaarisey hawlihii ay ka waddey Cusbitaalka Gaalkacyo iyada oo ku dartey daryeelka hooyada. Bishii Oktoobar, waxaa lagu khasbanaadey in dhammaan kooxdii halkaa ka shaqeyneysey la soo daad-gureeyo ka dib markii rag hubeysan ay dhaceen xeradii MSF. Laba bilood ka dib, ayaa MSF ay dib u noqotey ayna wax ka qabatey daacuun halkaa ka dillaacay.

Kismaayo ayaa markaa xaaladdeedu noqotey mid aad u kacsan dagaal u dhexeeyey qabaa’il iyo Midowgii Maxkamadaha Islaamka daraaddii, taas oo suuragelin weysey in ay shaqaalaheedii caalamiga ahaa ay halkaas si joogto ah ugu hayso. Shaqaalihii Soomaalida ahaa ayaa la wareegey mas’uuliyadda hawlihii MSF ee Kismaayo, iyada oo shaqaalaha caalamiga ah ay booqashooyin “ku dhufo oo ka dhaqaaq” ah ay ku taageerayeen dadaalladii ay wadeen shaqaalaha caalamig ah.

Sanadkii 2000dii

MSF ayaa dib u furtey xarunteedii daaweynta daacuunka ee Muqdisho waxaana ay bukaannada halkaa ku daaweyneysey Jannaayo ilaa Luuliyo. Bishaas, laba shaqaale gargaar oo caalami ah ayaa lagu af-duubey qaybta koonfureed ee caasimadda ka dib markii la soo weerarey
xaruntooda. Bishii Agoosto, ayaa hoggaamiyeyaasha qabaa’ilka iyo xubno sarsare oo bulshada ka mid ah ay ku kulmeen Jabuuti waxaana ay Cabdiqaasim Salaad Xasan u doorteen madaxweynaha Soomaaliya. Shaqaalihii gargaarka ayaa la sii daayey bishii Sebtembar. MSF ayaa
dhammaan kooxaheedii ka soo saartey caasimadda ilaa laga gaarey bishii Nofembar.

Bishii Abriil, umuliso u shaqeyneysey MSF ayaa qori lagu handadey iyada oo joogta qaybta umulaha ee Cusbitaalka MSF ee Gaalkacyo. Magaalada Kismaayana, diyaarad UNICEF ay leedahay ayaa xabbad lagu soo ridey.

Bishii Juunyo, MSF waxaa ay mashruuc caafimaad iyo nafaqo ka furtey Xuddur, oo ka tirsan gobolka Bakool ee ku yaalla koonfurta-galbeed ee dalka. Laba toddobaad ka dib, iyada oo wax looga qabanayo xaaladdii halkaa ka jirtey waxaa uu barnaamijku noqdey mid lagu
daweeyo cudurka kala azar (visceral lesshmaniasis).

Sanadkii 2001dii

Bishii Maarso, ayaa xaruntii MSF ee waqooyiga Muqdisho hub culus lagu soo weerarey. MSF ayaa hakisey hawshii wax ka qabashada daacuunka ee ay degaankaa ka waddey. MSF ayaa sidoo kale mashruuceedii Kismaayo xirtey goor dambe oo sanadkaa ka mid ah sababtuna waxaa ay ahayd shilal dhinaca ammaanka la xiriira oo soo noqnoqonayey.

MSF ayaa daaweysey 27,000 carruur ah taas oo qayb ka ahayd olole tallaalka jadeecada ahaa oo ay ka fulisey gobolka Bakool.

Sanadkii 2002dii

Dagaalkii ka dhacay koonfurta Soomaaliya daraaddii ayaa 10,000 qof ay u soo carareen Kenya. Bishii Oktoobar, xarumaha caafimaadka MSF ee Aadan Yabaal, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee koonfurta-dhexe, la soo weerarey. Hal qof ayaa lagu diley; saddexna
waa la dhaawacay.

Kooxaha MSF ayaa barnaamijyo dib uga furey Muqdisho.

Sanadkii 2003dii

Bishii Disembar, ka dib markii ilaaliye u shaqeynayey MSF la diley mar weerar lagu soo qaadey xarun kale oo ka mid ah xarumaha ururka oo ku taalla Mareerrey, ayaa MSF ay shaqaalaheedii ka soo daad gureysey degaankaa.

Sanadkii 2004tii

Bishii Jannaayo, kooxaha MSF waxaa ay wax ka qabteen jadeeco ka dillaacdey Diinsoor, oo ah magaalo ku taalla koonfur-galbeed ee dalka halkaas oo sidoo kale ay MSF ku leedahay xarun caafimaad oo leh 35 sariirood.

Bishii Nofembar, aasaaska Dowlad Federal Ku-meelgaar ah ayaa loo dabbaal-degey, in kasta oo weli xubnaheedu ay musaafur ku joogeen Kenya. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa loo doortey madaxweyne waxaana aqoonsadey beesha caalamka badideeda.

Sanadkii 2005tii

Xubno ka mid ah dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa bilaabey in ay ku noqdaan dalka iyaga oo ka tegeya halkii ay musaafurka ku joogeen oo ahayd Kenya. Midowgii Maxkamadaha Islaamka ayaa markaa gacanta ku hayey koonfurta Soomaaliya badideeda dhul kalena waa ay ku sii xoogeysanayeen.

Sanadkii 2006dii

Bishii Febraayo, baarlamaankii ku-meelgaarka ahaa ayaa markii ugu horreysey ku kulmey Soomaaliya – magaalada Baydhabo – tan iyo markii la soo xuley sanadkii 2004tii.

Ka dib markii dagaal culus ay la galeen Isbaheysigii Dib-u-soo-celinta Nabadda iyo Argagaxiso-la-dirirka ee uu Mareykanku taageerayey, oo badanaa ka koobnaa qabqablayaal dagaal iyo ganacsato, Midowgii Maxkamadaha Islaamka waxaa ay qabsadeen Muqdiho iyo qaybo
ka mid ah koonfurta iyaga oo uu hoggaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

MSF ayaa olole tallaalka jadeecada ah ka hirgelisey Muqdisho, iyada oo tallaashey 26,240 carruur ay da’doodu u dhaxayso lix bilood iyo 15 sano jir. Degaanka Waqooyiga Yaaqshiid, ayaa kooxuhu ku tallaaleen 54,897 carruur ah.

MSF ayaa furtey laba mashruuc oo taageeraya cusbitaallo ku yaalla Dhuusa-marreeb iyo Guri Ceel, oo ku yaalla gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ayaa qaatey qaraar taageeraya hawlgalka nabad-ilaalin oo ururka IGAD uu ka fuliso Soomaaliya (IGASOM) in la geeyo bisha Oktoobar. Golaha Maxkamadaha Islaamka (oo horey loo dhihi jirey Midowga Maxkamadaha Islaamka) ayaa ka soo horjeestey faragelinta ciidan nabad-ilaalin gobolka ka socda.

Bishii Disembar, faragelin ciidanka mileteriga Itoobiya oo uu taageerayo Mareykanka uu sameeyey ayaa burburiyey Golihii Maxkamadaha Islaamka, oo la jebiyey 27kii Disembar kana baxay Muqdisho, ka dibna Kismaayo.

2007 ilaa 2011

Dowladda Federalka Ku-meelgaarka ah ee ay Qaramada Midoobey taageerto, ayaa ku dhowaad si joogto ah dagaal ugula jirtey urur Islaamiyiin Xag-jir ah oo uu magaciisu yahay Al-Shabaab. MSF ayaa hawlaheeda ku ballaarisey dalka laakiin dhibaatooyin ayaa durba mar kale la soo gudboonaadey.

Sanadkii 2007dii

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa Muqdisho galey markii ugu horreysey tan iyo markii uu xafiiska qabtey sanadkii 2004tii. Koox ka tirsan Golihii Maxkamadaha Islaamka ayaa bilaabey urur dagaallo dhuumaaleysi ah wadey oo lagu magacaabo Xakatul Al
Shabaab Mujaahidiiin, oo aad loogu yaqaannao Al-Shabaab, oo ah dhaqdhaqaaq jihaadi ah oo muddo yar dabadeed xiriir dhow la yeeshey Al Qaacidda. Qaraar uu soo saarey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu oggolaadey in hawlgal nabad-ilaalin oo Midowga Afrika ka fuliyo Soomaaliya (AMISOM). Mar kale, ayaa dagaal culus uu ka qarxay Muqdisho waxaana boqollaal kun qof oo Soomaali ay ka
carareen caasimadda.

MSF ayaa barnaamij cusbitaal diiradda saaraya  qalliinka ka furey Balad Weyne, oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. MSF waxaa ay sidoo kale xarun daryeel caafimaad ka furtey degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho. Ilaa bishii Maajo, kooxdu waxaa ay daweysey 1,000 bukaan. Intaa ka sokow, kooxuhu waxaa ay muddo saanad gudihiisa ah ay saddex bukaan-socod-eegtooyinka
carruurta ah ka fureen Balcad, Kaaraan, iyo Liido. Bishii Disembar, xurunta caafimaadka ee Liido waxaa lagu xoojiyey qayb bukaan-jiif ah.

Magaalada Jamaame, ee gobolka Jubbada Hoose, MSF waxaa ay ka hirgelisey cusbitaal 30 sariirood qaada oo leh barnaamij nafaqo oo ballaaran iyo waxqabadyo dadka goobahooda loogu geynayo. MSF waxaa ay sidoo kale mashruuc ka furtey Xaawo Cabdi oo ku yaalla bannaanka Muqdisho, iyada oo taageertey qaybtii carruurta ee degaankaas ku taalley, iyada oo dadaalkeeda isugu geysey nafaqada, iyo in agabka aan cuntada ahayn u qaybiso dadka ku soo barokacay dagaalka. MSF ayaa sidoo kale bilowdey in ay gargaarto barokacayaashii joogey Afgooye, oo ku taalla bannaanka caasimadda.

Bishii Agoosto, darawal u shaqeynayey MSF ayaa lagu diley Muqdisho.

Bishii Sebtembar, MSF waxaa ay bilowdey in ay daryeel qalliin oo degdeg ah ku bixiso cusbitaalka ku yaalla Dayniile oo ku taalla bannaanka Muqdisho. Isla bishaa, MSF waxaa ay mashruuc qalliinka degdegga ah ka bilowdey Kismaayo.

Tirada qaxootiga Soomaalida ah ee ka cararey dalka ayaa ka badatey hal milyan oo qof.

Sanadkii 2008dii

Bishii Jannaayo, saddex qof oo u shaqeynayey MSF ayaa lagu diley Kismaayo. MSF waxaa ay xirtey mashaariicdii ay halkaa waddey. MSF ayaa dhammaan shaqaalaha caalamiga ah ka soo daad-gureysey Soomaaliya bishii Abriil. Istiraatiijiyad cusub oo mashaariicda laga maamulayo meel fog ayaa la sameeyey. Kooxo caalami ah oo xaruntoodu tahay Nayroobi ayaa maamula kooxaha shaqaalaha degaanka ee jooga gudaha Soomaaliya oo fuliya haw-maalmeedka mashaariicda.

Bishii Sebtembar, MSF waxaa ay xirtey baraamijyadii ay ka waddey degaannada Wardhiigley iyo Hodon ee magaalada Muqdisho taas oo ay sabab u ahayd halista dhinaca ammaanka ee korodhey ee haysatey bukaannada iyo shaqaalaha MSF.

Sanadkii 2009kii

Itoobiya ayaa dhammeystirtey saaristii ciidamadeeda ay ka saareysey dalka ee bilaabatey bishii Disembar 2008dii. Dagaal-yahannada Al-Shabaab ayaa la wareegey magaalada Baydhabo, oo ahayd meel muhiim ah oo ay ku xoog badneyd dowladda ku-meelgaarka ah. Baarlamaanka ayaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed u doortey madaxweyne waxaana ay dowladda ku-meelgaarka ah waqtigeedii ugu kordhiyeen laba sano oo kale.

MSF ayaa 400 carruur ah jadeeco kaga daaweysey degaanka Guri Ceel, ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Bishii Abriil, laba shaqaalaha caalamiga ah ee MSF ka tirsan ayaa lagu af-duubey laguna haystey sagaal maalmood gobolka Bakool ee koonfur-galbeed ee Soomaaliya. Waxaa labadaa qof la sii daayey iyaga oo aan dhibaato loo geysan.

MSF ayaa sagaal sano ka dib xirtey xaruntii caafimaadka ee Xuddur ay ku lahayd.

Bishii Juunyo, gaari MSF u kireysnaa ayaa lagu soo weerarey Gaalkacyo. Waxaa sidoo kale lagu diley qof daryeelayey bukaan MSF ay daweyneysey. Bishii Luuliyo, iyada oo uu dagaal xooggan socdo, ayaa MSF ay xirtey cusbitaalkeedii iyo saddex xarumaheedii caafimaadka carruurta ee ku yaalley degaannada Yaaqshiid, Kaaraan, iyo Cabdulcasiis ee ku yaalla waqooyiga Muqdisho.

Rag hubeysan ayaa soo weerarey oo bililiqeystey xarunta daaweynta nafaqada ee MSF ee ku taalley Jilib, gobolka Dooxda Jubbada Hoose.

Sanadkii 2010kii

Bishii Abriil, MSF waxaa ay “hawl indho-fiiqid” ah ku qabatey Gaalkacyo. Mashruuca ayaa baaritaanka indhaha ku sameeyey 3,000 qof oo qaleyna in ka badan 600, iyada oo mararka qaarkood isaga oo aragga u soo celinayey dad uu cudurka cataracts (xuubka bikaaca indhaha fuula) uu indho-tirey muddo sanado ah. Bishii Maajo, MSF waxaa ay tas-hiilaad bukaan-socod oo cusub oo loogu talogaley
carruurta shan sano ilaa 12 sano jirka ah ka furtey Gaalkacyo. Bishii Juunyo, MSF waxaa ay waax daaweynta Qaaxada ka furtey laba xarumo caafimaad oo kale oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, oo kala ahaa Mahaddaay iyo Galooley.

Bishii Luuliyo, Al Shabaab ayaa sheegatey in ay mas’uul ka ahayd labadii qarax ee isku dhowaa ee ay ku dhinteen74 qof oo ka dhacay caasimadda Uganda ee Kampala. Hawlgalkii AMISOM ayaa la xoojiyey waxaana tirada ciidamada la gaarsiiyey 10,000 askari oo ka kala
socda Uganda iyo Burindi.

Kooxaha MSF ayaa xirey mashruucoodii caafimaadka ee Soomaaliya ee ay ka wadeen degaanka Xaawo Cabdi ee ku yaalla bannaanka magaalada Muqdisho, horraantii Sebtembar, ka dib markii uu  shaqeynayey muddo saddex sano ah.

Mareerrey oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, waxaa adkaadey daryeelkii caafimaadka ee lagu bixinayey tas-hiilaadka MSF ka dib markii maamulka degaanka uu xayiraado dhowr ah uu ku soo rogey hawlaha ururka, kuwaas oo ay ka mid yihiin xayiraad la saarey in
sahayda caafimaadka lagu keeno dayaarad iyo in la mamnuucay in shaqaalaha caalamiga ahi ay booqdaan degaanka.

Bishii Disembar, ayaa MSF ay farsamada telemecine ku adeegsatey cusbitaalka Istarliin ee ku yaalla Guri Ceel, farsamadaas oo khabiir caafimaad oo Nayroobi jooga u oggolaaneysa in uu taageero toos ah oo isla waqtigaa la joogo la bixiyo uu siiyo dhakhaatiirta ka shaqeeya waaxda caafimaadka carruurta ee cusbitaalka Istarliin.

Sanadka 2011ka

Bishii Maarso, ka dib markii weerar bam lagu qaadey xarunteeda,a ayaa MSF ay si k-meelgaar ah u hakisey hawlihii caafimaadka ee degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Markii abaar ba’an ay ku dhufatey Bariga Afrika, oo sii badisey dhibaatadii ay horey u sababeen khilaafka iyo horumar la’aanta iyo gaaris-xumada gargaarka bani’aadamnimada ee muddaba jirey, ayaa ilaa 2.8 milyan qof oo Soomaali ah, sida ay sheegayaan tirooyinka ay bixisey Qaramada Midoobey, ay u baahdeen gargaar cunto oo degdeg ah. Qaar badan ayaa ka cararey tuulooyinkoodii iyaga oo
gargaar doon ah. Xerooyinka barokacayaasha ee ku yaalla Kenya iyo Itoobiya oo deris la ah ayaa waxaa ka tan-badiyey qaxooti cusub oo halkaa ku qulquley. Ku dhowaad 150,000 oo dad dhowaan barokacay ah ayaa yimid Muqdisho. MSF ayaa kor u qaaddey hawlaheedii si ay wax uga qabato tirada badan ee dadka dhowaan yimid iyo si ay uga hortagto in ay dillaacaan jadeeco iyo cudurrada kale ee faafa.

Wixii loo soo gaarey Sebtembar 2011, MSF waxaa ay daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah ku bixineysay sidddeed gobol: Baay, Hiiraan, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, Galgaduud, Jubbada Hoose, Mudug iyo Muqdisho. In ka badan 1,400 shaqaale Soomaali ah oo ay taageerayaan ku dhowaad 100 shaqaale oo Nayroobi jooga, ayaa bixiya daryeelka caafimaadka aasaasiga ah oo lacag la’aan
ah, qalliin, daaweynta nafaqo-xumada, waxaana ay sidoo kale taageero siiyaan dadka barokacay iyaga oo dadka barokacay siiya daryeel caafimaad, tallaal, biyo iyo agabka aan cunatada ahayn oo ay u qaybiyaan. MSF waxaa ay sidoo kale daryeel caafimaad siisaa qaxootiga Soomaaliyeed ee jooga Kenya iyo Itoobiya. MSF ma aqbasho wax maaliyad ah oo ay ka hesho dowlad oo ay ku bixiso mashaariicdeeda ay ka fuliso Soomaaliya. Dhammaan maaliyadda ay hesho waxaa ka timaaddaa deeq-bixiyeyaal gaar ah.

Tags: , , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud