Gargaarka barokacayaasha Muqdisho weli dad kuma filna

13.10.2011 | Qeybta Guud

 

© Yann Libessart / MSF

Muqdisho, Oktoobar 11, 2011 – Caasimadda Soomaaliya oo uu burburiyey dagaal sokeeye oo 20 sano socdey ayaa waxaa saddexdii bilood ee la soo dhaafey ku qulqulayey dad barokacayaal ah. Gargaaridda dadkaan ka soo cararey gaajada iyo dagaalka ayaa ah culeys joogto ah oo ka jira magaaladan jahawareersan.

 
Tan iyo bishii Luuliyo, in ka badan 150,000 qof oo Soomaali ah ayaa ka tegey gobollada bartamaha dalka ku yaalla ee Baay, Bakool, Hiiraan, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe – iyaga oo magangaley Muqdisho. Qaxaan dadkaan tirada badan waxaa sababey wax-soo-saarka beeraha oo liitey, xoolihii ay abaartu laysey, qiimaha badeecooyinka oo kor u kacay, iyo nabadgelyo-xumada joogtada ah ee jirta. Deeqa waa haweeney 26 sano jir ah, waxaa ay ka tagtey degmada Kurtunwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose ka dib markii ay lo’deedii ka dhammaatey. “Anniga oo wiilkeyga uu ila socdo ayaan gaari weyn dushiisa laba
maalmood ku soo safreyney si aan u soo gaarno Muqdisho oo aan dad ilma-adeer aan nahay oo xeradaan Barwaaqo aan ugu soo degno,” ayaa ay tiri. “Dad u shaqeeya MSF ayaa ii sheegey in wiilkeyga ay hayso nafaqo-xumo, sidaa daraaddeed iyaga ayaan u soo raacay cusbitaalka. Wiilkeyga waa uu soo kabsanayaa, annigana sidoo kale waan soo kabsanayaa, sababta oo ah halkaan ayaa la igu quudiyaa.”
Qaxa noocan ah waxaa uu keenaa dhibaatooyin caafimaad oo badan. Laakiin jadeecada ayaa hadda ah halista ugu weyn ee jirta, waxaana ururka Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn/Médecins Sans Frontières (MSF) uu ugu hawl-jiraa sidii loo joojin lahaa faafidda cudurkan oo gaar ahaan carruurta geeri ku keena. Tan iyo bishii Agoosto, MSF waxaa ay tallaashey in ka badan 40,000 carruur ay da’doodu ka hooseyso 15 sano jir ah. “Tiradan ayaa u eg mid badan, laakiin haddii la doonayo in wax rajo ah laga lahaado joojinta cudurkan saf-marka ah, waxaan ku khasbannahay in aan tallaalno 10-laabka tiradaa,” ayuu yiri maareeyaha caafimaadka ee MSF, Dr. Andrias Karel Keiluhu. “Dhibaatooyin dhinaca adeegga iyo nabadgelyada ah ayaa caqabad ku ah yoolalka aan higsaneyno.”
Ururrada gargaarka bani’aadamnimada ayaa la kacaa-kufaya gaaritaanka degaannada ay dhibaatadu sida ugu weyn u saameysey sababtuna waa dagaalka socda ee u dhexeeya Dowladda Federalka Ku-meelgaarka ah (TFG), oo ay taageerayaan ciidamo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyo kuwa kooxda hubeysan ee Al Shabaab. Taas ayaana ah sababta ay dadkan tirada badan ee Soomaalida ah u haajinayaan, iyaga oo rajeynaya in ay gargaar ka helaan Kenya, Itoobiya iyo caasimadda Soomaaliya.
Sida Deeqa oo kale, dadka dhowaan yimid badidoodu waxaa ay tagaan xerooyin hore u jirey, iyaga oo sii badinaya dadkii hore halkaa ugu noolaa. Qaar kale ayaa degey meelaha yar ee aan weli la bannaan ee magaalada ku yaalla. Cooshadaha ay deggan yihiin, ee laga dhisey gaballo qoryo ah iyo baco, waxaa ay ku filiqsan yihiin burburka caasimadda. In ka badan 200 goobood oo cabbirkoodu kala duwan
yahay oo ay dadkaan deggan yihiin ayaana jira.
Gargaar gaarsiinta xerooyinkan iskuraranta ah ee iskucufan ayaa gaar ahaan ah mid adag. Xerooyinka ayaa ay dadku ka maqan yihiin maalinnimada maaddaama dadka deggan ay ka tagaan si ay cunto u raadsadaan. ”Cunto-qaybinta ayaa weli ah mid aan joogto ahayn oo aan dadna ku filneyn,” ayaa uu yiri Eymeric Laurent-Gascon oo ah isuduwe barnaamij oo MSF ka tirsan. “Barokacayaasha qaarkood
ma helin wax cunto ah tan iyo markii ay yimaadeen waxaana ay ku tiirsan yihiin kaalmada ay ka helaan dadka ka ag-dhow. Dhowr NGO ayaa sameeyey xarumo quudin oo lagu bixiyo raashin suuqa degaanka laga soo iibiyey, laakiin arrintan waxaa ay keentey sicir-barar aan yareyn. Haddii qiimaha cuntadu uu sida uu hadda ku socdo u sii kordho, dhammaan dadka ku nool magaalada ayaan mar dhow awoodi doonin in ay quudkooda iibsadaan haddii aaney taageero dibadeed helin.”
Boqolleyda carruurta la silcaya nafaqo-xumo ee xerooyinka barokacayaasha waxaa ay u dhaxayn kartaa 5% ilaa 50%, taas oo ku xiran hadba waqtiga ay yimaadeen iyo sida ay u soo gaari karaan cunto qaybinta iyo biyaha. Dadkii ugu dambeeyey ee dhowaan yimid ayaa inta badan ah kuwa xaaladdoodu ay ugu liidato. Muqdisho dhexdeeda, MSF waxaa ay ku leedahay afar xarumaha quudin-ku-daweynta ah halkaas oo kuwa ay xaaladahooda ugu liitaan la dhigo. Bishii Sebtembar, ku dhowaad 500 carruur ah ayaa halkaa lagu daweeyey. Intaa waxaa dheer, hooyooyinka yimaada mid kasta oo ka mid ah dersinka xarumaha lagu daweeyo bukaan-socodka waxaa ay helaan cuntada diyaarsan ee bukaan-socodka lagu daweeyo oo muddo toddobaad ah ku filan, cuntadaas oo ka kooban lows sida burcadka oo kale loo diyaariyey oo laguna xoojiyey nafaqooyin, oo ay carruurtooda yaryar siiyaan. Ilaa hadda, in ka badan 5,000 carruur ah ayaa ka
faa’iideystey cuntooyinkan.
Dadka Muqdisho waxaa hadda lagu qiyaasey in ka badan yihiin 1 milyan oo qof, kuwaas oo kalabar ay yihiin barokacayaal. Baahiyaha caafimaad ayaa aad uga badan adeegyada caafimaad ee la heli karo waxaana maalin kastana yimaada dad kale oo cusub. Dadka barokacayaasha ahi waxaa ay ku nool yihiin xaalado caafimaad oo aan degganeyn, iyada oo hab-dhiskooda difaaca jirkuna ay horeyba u
soo jilcisey nafaqo-xumada. Qaar badan oo ka mid ah dadkaas weligood lama tallaalin. Cudurrada faafa – ee ay ka mid yihiin daacuun, oof-wareen, qandhada dengue iyo duumo – ayaa ku badan magaalada waxaana xilli-roobaadka, oo bilaanaya Oktoobar, uu kordhin karaa
faafidda cuduradaan.
In kasta oo qarax gaari oo aad u weyn uu 4tii Oktoobar dersinno dad ah caasimadda ku diley, haddana xaaladda halkaa, ayaa marka
la barbar-dhigo tii waqtiyadii hore, ay ilaa xad dhowaanahan degganeyd. ”Tani waa mid is-beddeli karta, sidaa daraaddeedna waxaa degdeg loogu baahan yahay in gargaarka ugu badan ee suuragalka ah la bixiyo waqtiga dhow, ayaa uu yiri Madaxa ergada MSF Thierry Goffeau. Hay’ado bani’aadamnimo oo cusub ayaa yimid. Waxaa hadda muhiim ah in laga wada shaqeeyo in la aqoonsado waxna laga qabto
baahiyaha dadka, iyada oo aadna loo feejignaanayo. Weerarkii geerida badan sababey waxaa uu ina xusuusiyey in waqtiyada ay Muqdisho xaaladdeedu deggan tahay ay inta badan tahay mid waqti kooban ah.”

Tags: , , , , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud